Hargeysa(GNA)-Dab ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taala Dacalka Bari ee laga soo galo Magaaladda Hargeysa, gelinkii dambe ee Maanta.
Lama garanayo sababta uu ka dhashay dabkaasi oo Khasaare badan u geystay qaybta Keydka Shidaalka ee Kaalinta, iyo Dukaamo Super Market-yo ah oo Dhismaha ku yaalay.
Goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in khasaare laxaad leh uu ka dhashay dabkaasi, gaar ahaana waxa gubtay labadaa qaybood.
Kaalinta Kaah ayaa ku taala qaybta hore ee Dhisme Ganacsiyeedka Hudheelka KAAH oo qaybo kala duwan oo Ganacsi ka kooban.
Goob-joogeyaasha ayaa intaasi ku daray "Kaalinta waxa Shidaal ku shubaysay Booyad, markaa wax qabsaday la garan maayee, qaybtaa keydinta ayuu ku kacay"ayuu yidhi goob-jooge goobta ku sugnaa.
Dad Goob-joogeyaal ah ayaa xaqiijiyay inuu dabkaasi ku fiday qaybo kale oo ka mid ah Dhismaha.
Gaadiid iyo agab kale ayaa la sheegay inay ku gubteen Dabkaas.
Waxyeeladda ayaan wali war sugan laga hayn, waxaana wali lagu mashquulsanyahay daminta dabka.
Dhacdadan ayaa timi goor dhaweyd oo aan sidaa u sii fogayn.
Gurmadka deg deg ah
Gaadiidka dab-damiska iyo dad badan oo Gurmad ah ayaa la sheegay inay ka qayb-qaateen daminta dabkaasi.