Saturday, May 3, 2014

Afar qof oo ku dhaawacmay Kaalin Shidaal oo ku gubtay Hargeysa


KaalinHargeysa(GNA)- ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhaawacmay Dab  ka kacay Kaalin Shidaal oo ka tirsan Dhisme Ganacsi oo Magaalada Hargeysa ku yaala.




Dhismaha gubtay oo la yidhaahdo Kaah Business Center, ayaa ku yaala  Dacalka Bari ee laga soo galo Magaaladda Hargeysa.




Dabka ayaa lagu guulaystay in la bakhtiiyo xili dambe oo qayta Kaalinta ee Dhismuhu gubatay, sida ay goob-joogeyaal sheegeen.




“guud ahaan qaybta Kaalinta Shidaalku way shuf beeshay”ayuu yidhi goob-jooge Gobanimo la hadlay.




Mid kale, ayaa sheegay “ qaybta Super Market-ka iyo kaalintuba way gubteen”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda iyo Maamulka Shirkadda Kaah ee dhismahan lahayd oo la xidhiidha sababta dabka dhalisay.




dadka dhaawacmay ayaa ka mid ahaa Shaqaalaha xaruntan Ganacsi oo isugu jirtay qayb Kaalin shidaal ah, Hudheel cunto iyo Dukaamo.




Gaadiid dab-damis ah oo ay dawladda hoose leedahay iyo Baabuur kale oo gurmad ah ayaa ka qayb-qaatay daminta dabkaasi.




“Dab damisku way raageen laakiinse adigu markii dambe waa lagu guulaystay in dabka la bakhtiiyo “ayuu yidhi Yuusuf oo la hadlay Gobanimo.




"Gaadiid Ambulace ah oo ilaa afar gaadhaya ayaa meesha yimi, dad badanbaa ku soo buuqay"ayuu yidhi.




Sababta dabka dhalisay




Lama garanayo sababta uu ka dhashay dabkaasi, laakiinse warar hor dhac ah ayaa sheegay inuu ka bilaabmay qaybta Kaydka Shidaalka ee Kaalinta oo shidaal lagu shubayay.




Mushkilada dabka




Mushkilada dabka ayaa ah halis ku gedaaman Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Hargeysa.




Yaraanta dab damiska Magaalada ayaa ka mid ah sababaha uu khasaaraha badan u geysto dabku.




Boqolaal qoys oo Danyar ah ayaa sanadkii 2012-kii guryahoodii ku shuf –beeleen xaafada isku raranta ah ee State house-ka.




Dhawaan ayaa Kaalin Shidaal oo yar ku gubatay Xaafadaha dhinaca Koonfurta Hargeysa.




Arrintan ayaa muujinaysa in dabku halis nololeed iyo mid dhaqaale oo joogto ah ku hayo Bulshada Magaalada Caasimada ah degen.




Baaxada Magaalada iyo Gaadiidka dab-damiska ah ee dawladdu maamusho iyo kuwa shirkadduhu leeyihiin, ayaa aad u kala badan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com