Hargeysa(GNA)-Ugu yaraan 350 konton qoys ayaa ku baro kacay caawa Xaafadda Ayax4 ama Masalaha, kaddib markii galabta daaddad xoogan oo ka dhashay roob halkaasi ka da’ay guryihii ay qoysaskaasi degenaayeen buuxiyay.
Dadka ayaa dibada uga baxay guryaha markii ay biyo buux-dhaafiyeen, dadka deegaanka ayaa sidaa sheegay.
Ku dhawaad 350 Gurri oo Daarro macbal ay dadku ku tilmaameen oo halkaasi looga dhisay, kuwaasoo aan lahayn Albaabbo, Daaqado, Silig toona, ayaa Biyuhu dadka ugu galeen.
“waxaan nahay dadka gaadhay 350 Qoys oo la dejiyay Xaafadda Masalaha siddeed meelood oo ka mid ah Hargeysa ayaa nalaga soo raray.
“Roobkii galabta da’ay ayaa Guryihii nala dejiyay oo ahaa kuwa Jaajuur iyo ciid laysa saaray uun ah oo bilaa daaqado , bilaa albaababo ah iyo bilaa silig biyo ka buuxiyay dhamaan dadkii wax magaalada gaadiid looga soo diray oo u qaxay iyo wax banaankan hada fadhiya ayay isugu jiraan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay nin ka tirsan Bulshada deegaanka.
Ninka bulshada deegaanka u hadlay oo intii aanu wada hadalnay khadku naga go’ay ayaa sheegay inaanay ilaa hada wax gurmad ah ka helin dawladda iyo cid kale toona “Shirkadii Guryaha dhistay ayaa intay xubno ka socdaa na soo ag istaageen ayay markiiba soo noqdeen, laakiinse wax gurmad ah oo aanu meel kale ka helnay ma jirto”ayuu hadalku nagaga go’ay.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo goobtan gaadhay ayaa sheegaya inuu Indhihiisa ku arkay waxyeelo argagax badan oo dadkaasi soo gaadhay, taasoo ay ka mid tahay Guryihii oo Daad dhex fadhiyo, dadkii oo dibada jooga, meesha oo ka baxsan Magaalada iyo Masaajidkii dadka halkaasi looga dhisay oo Kutubtii iyo wixii dhex yaalay biyuhu qaateen.
Wariyaha ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ugu argagax badnaa ee uu ku arkay goobta galabta roobku waxyeelada u geystay ay ahayd Qof Dumar ah oo aad u da’ weyn, taasoo uu sheegay inay llaa 70 jir gaadhayso, Indho la’ oo hadana Gurigeedii isku dayaysa inay biyaha ka xaadho.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha dawladda oo lagaga jawaabayo xaaladan deg deg ah ee laga soo sheegayo dadka la dejiyay Xaafada Masalaha Hargeysa.
Guryaha Xaaladdooda laga dayrinayo ee dadku degenaa waxa iska kaashaday dhismahooda dawladda Somaliland iyo Qaramada Midoobay , (UN HABITAT).
Waxaanay ka mid yihiin Mashaariicda dadka ku barakacay gudaha dalka loogu dhisayo Guryaha oo uu sanadkii 2012-kii balan qaaday madax xafiiska bino-aadannimada u qaabilsan Qaramada Midoobay mar uu booqasho ku yimi Hargeysa.