Saturday, May 10, 2014

Bilayska Saylac oo laba ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka u xidhay Agab laga xaday Cisbitaalka Guud


SaylacSaylac(GNA)-Bilayska Magaalada Saylac ayaa laba qof oo Kalkaaliyeyaal Caafimaad ah u xidhay u xidhay dhacdo Habeen hore lagu jabsaday Bakhaarka Daawada ee Cisbitaalka Magaaladaasi.




Saraakiisha Bilayska ayaa ee Gobolka Selel ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay xadhiga labadan eedeysane oo ka mid ahaa tiro shaqaale temporary Cisbitaalka uga shaqaynayay oo la aamisanyahay inay ku lug lahaayeen Jabsashada Kaydka Daawada Cisbitaalka.




Koox aan haybtooda la aqoonsan ka sekow tibaaxaha Bilayska ka soo baxay, ayaa habeen hore Daawooyin iyo Agab kale kala baxay qaybta Kaydka Daawada ee Cisbitaalka,kuwaasoo god ay ka qodeen Bakhaarka dhexdiisa oo Dhulka ah dibada uga saaray alaabta ay qaateen.




Sida ay sheegeen Saraakiisha Caafimaadka iyo kuwa ammaanka ee magaaladu, Kooxda lagu tuhunsanyahay falkan ee Shaqaalaha ka tirsanaa, ayaa hore loogu qabtay iyagoo Daaqadaha iyo meello kale ka saaraya daawooyinka iyo qalab kale, taasoo markii la fashilay ay talaabadan cusub qaadeen, sidaa waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah Madaxda Ammaanka.




Ma jiro war rasmiya oo k soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo la xidhiidha falkan, hase ahaatee sida ay Saraakiisha wasaaraddu goor sii horaysay Gobanimonews u sheegeen Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan ayaa Wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbatay inay Hay’addaha Nabad-gelayda ee Gobolku hawl-gal  deg deg ah oo cidii falkan ka dambeysay lagu soo qabanayo qaadaan.




Dhinaca kale, isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobollada Selel iyo Awdal oo ku sugan Boorama ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda halkaasi gaadho.




Sarkaalkan ayaa Wariyeyaasha u sheegay inuu Axada tegayo Saylac si uu dhacdadan xogogaal ugu noqdo sababta keentay iyo talaabooyinka la qaaday.




Maamulka Cisbitaalka Guud ee Saylac iyo Maamulka Gobolka ayaan iyagu wali ka hadal falkan.




Guddoomiyaha Gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa ka maqnaa Magaalada Habeenkii dhacdadan dhacday, waxaanu ku maqnaa Djibouti.