Friday, May 23, 2014

Hargeysa: Xildhibaan Maqaaxi ka dhex Caayey Foosiya Yusuf X. Aadan oo Dhaawacyo loo geystay


Hargeysa(GNA)-Koox dhalinyaro ah ayaa dagaal gacan ka hadal ah kula kacay Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo ka mida golaha deegaanka Hargeysa , kaddib markii sida la sheegay uu hadal aflagaado lagu tilmaamay kula kacay Siyaasiyadda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille oo ka tirsan Baarlamanka Somalia.




Foosiya Yuusuf, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedda Bariga Hargeysa.




Hadal aflagaado ah oo uu xildhibaanku kaga tiraabay Meherad laga Shaaheeyo oo ku taala agaagaarka Xarunta Dawlada Hoose, hadalkaasoo cay ula kac ah lagu tilmaamay  ayaa  sababtay in goobta gacan ka hadal ku dhex maro Xildhibaanka iyo Niman ay  ehel yihiin Xildhibaan Foosiya.




Gacal ka hadalkaa ayaa sababay sida ay goob-joogeyaal caddeeyay in  dhaawacyo soo gaadhaan Xasan xildhibaanka iyo isku dhac laba garab ah oo ay ku soo biireen dhalinyaro kale oo isaga difaacayay, kuwaasoo ay laba saf u dagaalameen kooxda xildhibaanka la dagaalamay.




Sida ay dad dhaqanka wax ka yaqaana oo halkaasi ku sugnaa caddeeyey Aflagaadada xildhibaan Xasan Shahar ku  yidhi Siyaasiyadan dhawaan siyaasadda Koonfurta Somalia ku biirtay ayaa ahaa mid nus qaan ku ah Masuuliyadda uu hayo.




Si kale marka loo eeggana dhaqanka Somalida ayaa waxa caaddo u ah inaan Dumarka la aflagaadeyn , xataa hadii ay masuuliyad hayaan.




Waana dhaqan soo jireen ah inay ragu afkooda ka dhawraan Dumarka, iyadoo hadii Nin caayo qof dumar ah Xaal laga qaadi jiray, gacan saarka iyo wixii la halmaalaana waxay la mid yihiin taasoo kale.




Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka mid ahayd Siyaasiyiintii Ururrada aasaasay Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaaanka Somaliland bilo ka hor 2012-kii, taasoo cadho ay ka qaaday qaabkii loo kala reebay ururrada ay ku keliftay inay xaga Somalia u wareegto.




Dadka siyaasadda Haweenaydan dhaliila ayaa aaminsan inay ku deg degtay ka digo-rogashada waddankeeda, dhaliilshaasoo ah mid aanay inta badan dood adag ka keenin Dadka Taageerayaasheeda ah ee Somaliland degeni.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com