Saturday, May 3, 2014

Hargeysa: Maxkamadda Gobolka oo Afar Eeddeysane oo isku qoys ah Dil ku xukuntay


dil godHargeysa(GNA)-Ruux Dumar ah  iyo Saddex Caruur ah oo ay Dhashay ayaa Dil lagu xukumay , sida waxa sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Kiiskan Garsoore ka ahaa.




Mid ka mid ah Afar Caruur ah oo ay dhashay  oo falkan kula eedeysnaa, taasoo ah Gabadh 17 sano jir ah ayaa lagu xukumay toban sanadood oo xadhig ah.




sarkaal Maxkamadda ka hawl-gala ayaa sidaa Gobanimonews sidaasi u sheegay




Abaaha dhalay caruurtan iyo Gabadh ka mid ah dadkii Kiiskan ku eddeysnaa ayaa la siiyay oo wax dambi ah lagu waayay.




Nin kale oo Kiiskan u xidhnaa ayaa isna lagu xukumay sanad xadhig ah.




Dhegeysiga Dacwada Dilkii foosha xumaa ee loo geystay Ruqiya Siciid Ayaanle oo inta la dilay Maydkeeda lagu aasay Guri dhexdiisa ayaa la soo gabagabeeyay laba todobaad ka hor.




Dilka ayaa dhacay dabayaaqadii Bishii March ee sanadka.




Qoys ka kooban todoba Ruux iyo laba qof oo kale ayaa loo soo qabtay Falkaasi, kuwaasoo muddo bil ku dhow dhegeysiga Dacwaddoodu ka socotay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.




Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo ahaayeen Gabadha la dilay, ayaa soo dhaweeyay xukunka Maxkamadda Maalmo ka hor intaan lagu dhawaaqin Qaraarka.




Cabdirisaaq Ayaanle, ayaa warbaahinta u sheegay inay ehello ahaan ku qancayaan go’aan kasta oo ka soo baxa Maxkamadda.




Qarreenka Difaacayay eedeysanayaashan , ayaan wax rafcaan ah ka qaadan Maxkamadda markii Maanta qaraarka lagu dhawaaqay.




Hase ahaatee Eedeysaneyaasha ayaa wali haysta inay muddo soddon Maalmood ah rafcaan ka qaataan Falkan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com