Hargaysa(GNA)Guddoomiyaha Guddida Qaban-Qaabada xuska 18ka May Ahna Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade, Ayaa Bayaamiyey In Halku Dhiga Sanadkani Yahay Ictiraaf Iyo Aqoonsi Dhab Ah Oo Ay Somaliland Ka Hesho Beesha Caalamka.
Cubnaha guddida Qaban-Qaabada 18ka May, oo maanta Shirjaraa’id oo si wada Jir ah ugu Qabteen Magaalada Hargaysa ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabada Iyo xasiloonida Ilaaliyaan.
Waxa Uu Sidoo Kale Shacabka U Soo Jeediyey In Maalinta 18ka May La Isku Soo Baxo Isla Markaas Caalamka Loo Muujiyo In Waxa Ay Shacabku U Dhinteen Uu Yahay Xoriyada Iyo Gobanimo In Ay Helaan Waxaana hadalkii ku bilaabay,
“Waxaan Maanta Halkan Iskugu Kiin Yeedhnay In Aynu U Sheegno Bulshada Somaliland Dibada Iyo Gudaba Sidii Caadad Inoo Hayd In Aynu Bilaabayno Dabaal Dagii Aynu Ugu Talo Galnay Maalinta Qaran Ee 18ka May Oo Runtii Ah Maalin Aad Iyo Aad Inoogu Wayn Halku Dhiga Sannadkanina Yahay Ictiraaf Ku Dhisan Nabad Iyo Horumar Waxa Aynu U Baahan Nahay Hadaynu Nahay Bulshad Somaliland Oo Caalamka Ugu Marti Nahay Ictiraaf Dhab Ah Ilaahay Ayaa Hay Ictiraaf Lakiin Waxa Markaas Muhiim Ah Qofku Marka Uu Waxa Doonayo Waxa Uu La Yimadaa Ficilkeeda 18ka May Waxa Ay Ka Mid Tahay Waxa Yaabaha Aynu Caalamku Ku Tusayno In Aynu Nahay Dal U Qalma In Ay Nodaan Dawlada Isku Filan”.
Guddoomiyaha Qaban Qaabada 18ka May Cali Maxamed Waran Cabdi Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Ku Daray, “Waxa Ay Ka Turjumaysaa Sida Aynu Maanta Waxa U Qabsanay Horumarka Aynu Gaadhnay Nabada Aynu Haysano Laamaha Dawlada Ee Aynu Dhisnay Ciidanka Dalkiisa U Heelan Ee Aynu Dhisnay Sida Uu Dalkeenu Ugu Riyaaqsan Yahay Inuu Ka Mid Noqdo Dalalka Caalamka Mar Uun,Shacabka Somaliland Ayaa Markasta Waxa Ay Caalamka Tusayaan In Ay Doonayaan Waxa Ay U Dagaalameen Oo Ay U Dhinteen Oo Ah Gobanimo Taam Ah Sidii Ay 60kii Uga Qaateen Dawlada Boqortooyada Ingiriiska In Ay Marlabaad Lasoo Noqdeen Ay Caalamka Tusaan Diyaarna U Yihiin In Rabaan Waxa Kasta Oo Ay Dawladi U Baahan Tahay.
Dhinac Kale Waxa Uu Wasiirku Sheegay “Inta Dhamaan Halkan Fadhida Oo Ah Guddida Qaban-Qaabada Maalinta Qaran Ee 18ka May Oo Uu Magacaabay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Inaanu Usoo Jeedino In Bulshada Looga Baahan Yahay Sidii Loo Muujin Lahaa Ee Aad Horen U Muujiseen Maantana Aynu U Muujino Quwadeena Iyo Qiimaha Ay Nala Mudan Tahay Sidaas Awgeed Waxaana Soo Jeedin Laahaa Yar Iyo Wayn In Maalintas Farxad Ah Laga Qayb Galo.
Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Afhayeen Guddida Qaban-Qaabada 18ka May Ahna Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi Galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Waxaana Uu Yidhi”
“Sidaad Arkaysaan Waxa Halkan Fadhida Guddidi Qaban-Qaabada Ee 18ka May Ee Uu Magacaabay Madaxwaynaha Somaliland Guddida Waxa Loo Baahan Yahay In Ay La Shaqeeyaan Qofkasta Oo Muwaadin Reer Somaliland Ah,Waxa Kale Oo Guddida Masuul Ka Ah Oo La Shaqaynay Maayarada Dalka Iyo Badhasaabada Gobolada Oo Dhan Iyo Gudiyada Nabada Galiyada Ee Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Ay Ku Jiraan Tuulooyinka Dalka Waxaana La Doonayaa In Maalintaas Si Wayn Loo Wayneeyo Maxaa Yeelay Maa Maalin Ku Suntan Taariikhda Somaliland,Waxaan Leeyahay Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Caalamka Waxa Ay Qabtaan Maalinta Qaran Ee 18ka May Waana Ay Ku Kala Horu Marsanyihiin Maalintaas,Sannadkan Waxaan U Malaynayaa Sidaan Warka Ku Hayo Jaaliyada Badan Oo Jooga Dalalka Caalamka In Ay Rabaan In Maalintan Beesha Caalamka Ku Tusaan Waxa Ay Tahay Somaliland.
Dhinac Kale: Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Maayarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa Eg Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco)Oo Xubin Ka Ah Gudida Qaban-Qaabada Ee 18ka May Ayaa Waxa Uu Shacabka Ku Dhaqan Caasimada Somaliland Ee Hargaysa baaq ujeediyay,waxaanu yidhi
“Waxaana Shacabka Reer Hargaysa Ugu Baaqayaa Inuu Qofkasta Gurigiisa Ku Xidho Calanka Somaliland Maalinta Qaran Ee 18ka Mayna Isugu Soo Baxaan Si Aan Hore Loo Arag Madaamo Oo Aynu Caalamka Tusayno In Aynu Nahay Dal Ka Madax Banaan Somaliya Isla Markaas Beesha Caalamka Ugu Marti Ah In Ay Aqoonsi Siiyaan”.