Madaxweyne Siilaanyo iyo siyaasiyiinta ay isku beesha ka soo jeeddaan oo waddartii Guddida kala soo dhex baxay Guddoomiye ku-xigeenkii Maxamuud Gaadhi-jiidh..
Burco(GNA)-Xubin ka mid ah Guddi-beeleedka Gar-adag lagu soo dhisay sannado ka hor Abokor Cumar Adan Dibi ayaa Gudiga iyo Salaadiinta Beelaha Habarjeclo ugu baaqay inay Bil gudaheed ah isugu yimaadaan shir, si loo doorto Gudoomiye cusub ,oo bedela Marxuun Maxamuud Gaadhi jiidh oo bishii March geeriyooday.
Cumar Dibi ayaa sheegtay inuu Gudoomiye ku-meel gaadh ah oo ay doorteen xubnaha kale ee guddida uu ku jiraa, isagoo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco.
“dhawaan anigoo aan la joogin ayay Gudigii beelaha habarjeclo ee gar adag qayb ka mid ahi waxay ii doorteen Gudoomiye ku meel gaadh ah anoo maraka horeba ka mid ahaa gudiga isla markaana ahaa asaasayaashii shirkii gar adag”.
maadaama uu geeriyooday Gudoomiyihii hore ee Maxamud(Gaadhi jiidh) si aan jagadaasi u banaan,Anigoo ka maqan markii aanu dib isu aragnay waxay igu yidhaahdeen anagaa sidaas garanay,waan ku qanacay manaan doonan oo kaambayn umaan gelin”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “ xilkaa waxaan sii haynayaa mudadaas laysu imanayo,waxaan gartay oo ku baaqayaa inaan isugu yeedho gudigii mudo bil ah gudaheed oo guriga laysugu yimaado iyo waliba cidii kale ee danayanaysa, Cuqaal,salaadiin iyo waxgaradba”ayuu yidhi.
Cumar Aadan ayaa sidoo kale afeef adag ku yidhi “aniguna guruubaysi ma wado mana dhuumaalaysanayo Gudiga iyo Habar jecloba qof dhex ah baan u ahay”.
Dhawaaqan ka soo yeedhay, ayaa ku soo aadaya todobaadyo uun ka dib markii Guddoomiye ku-xigeenka Guddida oo Warbaahinta la hadlay uu ku baaqay shir deg deg ah oo Guddida beeshu isugu imanayso.
Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiye ku-xigeenka guddida ayaa dibada u soo saaray Khilaaf siyaasaddeed oo u dhexeeya xubnaha Guddida iyo Guddoomiye ku-xigeenka.
Dad xogogaal ah ayaa Gobanimo u sheegay inay xubno ka mida siyaasiyiinta Xukuumadda kaga jira deegaamada Guddidani metesho oo uu madaxweyne Siilaanyo ka mid yahay ay guddoomiye ku-xigeenka u abaabuleen inuu noqdo Guddoomiyaha Guddida, taasoo dhinaca kale ee guddidu ka soo horjeedaan.
Xukuumadda ayaa la sheegay inay hogaanka Guddida u abaabulayso si aanay gacanteeda uga bixin oo ay hormuud uga noqoto qosrhaha madaxweyne Siilaanyo hogaaminta waddanka mar kale doonayo inuu ku hanto.
Taasi waxay keentay buuq iyo khilaaf ilaa hada socda oo ka dhex qarxay Guddida, taasoo ay kaga mashquuleen horumarinta danaha deegaamada ay ka soo jeeddaan.
Jiritaanka Khilaafka u dhexeeya guddida waxa shirka jaraa’id ee uu qabtay ku caddeeyay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee warbaahinta la hadlay ''Gudiga way kala tagtay qaar badan baa iska tegay oo gudiyaal kale galay reeraa keensaday bedelkoodii,Gudoomiye ku xigeenku iyadoo aanu wax wada tashi ah cid la samayn ayuu waraaqda uu liiska hore ee uu gudbiyay shaaciyay,waxaa liiskaas ku jira rag Gudida ka hor yimi oo yidhi gudi ma jirto,Anigu Gudoomiye xigeenka xilkiisii ma hayo”.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com