Thursday, April 17, 2014

Xukuumadda oo Amartay in Website-ka Haatuf la xayiro


Hargeysa, (GNA) - Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Faysal Dhago-dhago ayaa qoraal uu maanta u gudbiyey shirkadaha Isgaadhsiinta ee kala ah Somtel, Telesom iyo African Online ku amray inay xayiraan website-yada Wargeyska Haatuf ee( www.haatuf.net) iyo jariirada la mataanaha ah ku soo baxday afka Ingiriisiga ee SomalilandTimes (www.somalilandtimes.net).




Go'aankan ayaa ka hor imanaya xuquuqda Aasaasiga ah ee Dhibaneyaasha Haatuf oo aan wali wax maxkamad ah la soo taagin, isla markaana Dacwadda loo haystaa aanay hay'addaha Garsoorku ka garniqin.




Xukuumadda Somaliland ayaa 7-dii bishan April ay xoog ciidan kula wareegtay xaruntii wargeyska Haatuf iyo mataankiisa todobaadlaha ah ee Somaliland Times ee ku taala dhinaca galbeed ee wakaaladda biyaha Hargeysa, waxaanay hawl-wadeenada labada wargeyska intii ka danbaysay xayiraadaasi ay wararka ku shubi-jireen labada website ee ay 2-da wargeys leeyihiin, taas oo ay aad u dhibsadeen una adkaysan waayeen madaxwayne Siilaanyo, qoyskiisa  iyo wiilka uu sodoga u yahay ee Baashe Cawil.




Tan iyo intii ay dawladu weerarka ku qaaday xaruntii labadda wargeys waxa aad u kordhay  dadka booqda labada website, kuwaas oo ka daalacan jiray xaaladihii iyo dhacdooyinkii u danbeeyey ee dalka ka jiray.




Sal-babakha iyo cadhada ay ka qaadeen labada wargeys ee iyada oo ay xaruntoodii ciidan xoog kula wareegeen hadana Internet-ka laga akhrisanayey ka sokow, waxay talaabadani muujinaysaa sida ay Siilaanyo iyo qoyskiisa uga go’an tahay isku dayada  cadaw-tinimada ah inay xididada u saaraan xoriyatul-qawlkii dalka,




inkasta oo sida laga soo xigtay Maamulka sare ee Haatuf go'aankan Maxkamaddu soo baxay, hadana Website-ka Haatufnews wuxuu shaqaynayaa.




Ma jiro wax war ah oo dhanka Shirkaddaha ka soo baxay oo la xidhiidha arrintan iyo mawqifka ay iska taageen go'aanka Maxkamaddu soo saartay.