Wasiir Macdanta oo Jeebkiisa lagu ogaaday Lacag Xaqul-qalin ah oo uu Qasnada dawladda kala war-wareegayo
Hargeysa(GNA)-Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga UCID ayaa soo bandhigay Muuqaalka Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xeebaha iyo Bilayska Somaliland oo tababar kula qaatay dalka Talyaaniga kuwo kale oo ka socda Puntland iyo Somalia, ka dib markii Wasiirka arrimaha gudaha Cali waran-cadde oo ay hore ugu eeddeeyeen shalay beeniyay warkaasi.
Eeddeyntan oo Wasiir Waran-cadde ku tilmaamay mid been abuur ah, ayaa Xisbigu isagoo ka dibaaqaya ama daba socda, warbaahinta u soo bandhigay sarkaal Ciidanka Somaliland oo Salaan-sharaf siinaya la-taliyaha Wasiirka Gaashaan-dhiga Dawladda Soomaaliya.
Talaabadan ayaa xisbigu ku tilmaamay dhawac loogu geystay Qarannimada Somaliland iyo Milgaha Ciidamadda, waxaanay intaasi ku dareen in taasi ay ka turjumayso middeyn lagu sameeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa Somalia.
“Xisbiga UCID wuxuu muuqaalkan ku caddeynayaa in saraakiil ka tirsan Ciidanka bilayska iyo kuwa Xeebaha Somaliland ay Wasiir Waran-cadde iyo Cabdilaahi fadal u tahriibiyeen tababar ay talyaaniga kula soo qaateen saraakiil ka socda Somalia”sidaasi waxa yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse.
Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray “Waxaanu haynaa muuqaal Vedio ah oo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Somaliland uu salaan sharaf ku siinayo La-taliyaha Gaashaan-dhiga ee dawladda Somalia”.
Afhayeenka u hadlay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa sidoo kale falal musuqmaasuq ku eeddeeyay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, kaasoo uu sheegay inaanu qasnada dawladda ku xerayn lacag Hal Milyan iyo Boqolaal kun oo Dollar ah oo xaquqalin looga qaaday Shirkad Macdan dalka ka baadhaysa.
“Wasiirka Macdanta waxaanu leenahay lacagta aad xaqu-qalinka uga qaaday Shirkadda Macdanta baadhaysa ee aad dhawaan Heshiiska la gashay waxaanu xaqiijinay inaanad qasnada dawladda ku xerayn ee aad wali gacanta ku haysato oo ay jeebkaaga ku jirto, sidaa darteed waxaanu umadda u sheegaynaa inaanay lacagtaasi jeebaddaada soo dhaafin”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Xogahayaha Xisbiga Ucid:
https://www.youtube.com/watch?v=TWkWa1x40rg&feature=player_embedded
Waran-cadde oo shalay iska difaacay warka lagu eeddeeyay:
Dhinaca kale ma jiro wax jawaab ah oo ay labadan masuul ka bixiyeen eedda loo jeediyay, inkasta oo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde shalay war qoraal ah oo Xafiiska laga soo saaray ku beyaamiyay inaanay jirin wax ciidan ah oo Tababar loogu diray dalka Talyaaniga iyo meel ay Somalia kula waddaageen tababar ciidan.
Waran-cadde ayaa sheegay inay Ciidamada Somaliland Tababaro ku soo qaataan dalalka Ethiopia, Djibouti iyo waddamo kale oo Gobolka ah, balse aanay wax xidhiidh ah oo ciidan ku saabsan la lahayn Dawladda Talyaaniga iyo Soomaaliya toona.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com