Saturday, April 12, 2014

Xildhibaan lagu dhaawacay Burco iyo Wiil Qabille dhalay oo lagu toogtay Berbera


Mucaaridka oo Xukuumadda ku eeddeeyay Weerar lagu dilay Gabadh rayid ah iyo Wiil Xildhibaan hore loo weeraray dhalayna lagu dhaawacay..




Burco(GNA)-Xildhiban Jaamac Xasan Aadan oo k.a mida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Dhaawac halis ah loogu gestay Magaalada Burco Duhurnimadii Maanta isagoo ka soo baxay Masaajid ku yaala gudaha Magaalada.




Nin ku hubaysan Mindi oo sida la sheegay uu Adeer u yahay ayaa Xildhibaanka soo weeraray,kaasoo shan toorayood ku dhuftay.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Dhaawacyo halis ah la soo gaadhsiiyay, kuwo kalena waxay sheegeen inuu ladanyahay oo  Cisbitaalka Guud ee Magaalada loo qaaday si loogu dabiibo.




"Wuu ladanahay Xildhibaanku, waxaana soo weeraray Nin Maskaxda ka jiran oo uu adeeryahay"ayuu yidhi goob-jooge Cisbitaalka ku booqday Xildhibaanka.




Ma cadda ilaa hada sababta keentay weerarkan loo geystay xildhibaanka oo ka mid ahaa mudaneyaashii xisbiga Ucid uga soo baxay Gobolka Togdheer.




Waa xildhibaankii labaad ee weerar loo geysto hadh cad labadii sanadood ee ugu dambeeyay.




Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka mida Golaha Wakiillada Somaliland, isku xusbina ay ka soo baxeen xildhibaanka la dhaawacay ayaa dabayaaqadii sanadkii hore goor maalin ah Niman hubaysani weerareen Magaalada Hargeysa.




Weerarka Xildhibaan qabille waxa lagu eeddeeyay oo qirtay Sarkaal Bilayska ka tirsan oo arrimo siyaasaddeed u weeraray, isla markaana rasaas ku riday, inkastoonu wax nabar ah gaadhsiinin.




Sarkaalka sanad ka hor weeraray Xildhibaanka ayaa xalay toogasho ku dilay Gabadh rayid ah, wiil uu dhalay xildhibaan qabillena dhaawac xun u geysta.




Dilkan ayaa dhacay, ka dib markii Askarigaasi oo sida la sheegay wata Nin kale oo isna askari ahi rasaas ku fureen wiilka Xildhibaanku dhalay oo meel meherad ah joogay.




Xisbiga Waddani ee Mucaaridka ah ayaa si kulul maanta u cambaareeyay dilka xalay dhacay, kuna eeddeeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com