Saturday, April 12, 2014

Xildhibaan Golaha Deegaanka Burco ka tirsan oo Gabay loo tiriyey


LAKIGabaygan Waxa loo Tiriyey Xildhiban Cabdilaki Xasan Nuur oo Haysta Taageerada Ugu badan ee Dhalinyarada Gobolka Togdheer, kana mid ah Dhalinyaradii Sportiga ee Gobolka dhowr iyo tobankii Sanno ee u danbeeyey u dheeli jiray.




Xaruntii Togdheer iyo anoo xaafad wacan jooga




Xiisaynta Gabaybaa Beryahan Xulaysa Laabtiiye




Xubigaa I qaadaye Naftana kuma xujeeyeene




Xaluun baan Caways toosayoo Xaashad Dheer Qoraye




Xubnahaa Badh soo jeedayoo Xaraf ma Dhaafayne




Xaaladdii Hadaan Sheegayaa Xooris laga Roone




Xulka Madaxda Somaliland Xoojiyow Mudane




Xarakaynta Siilaanyo Waa Xawli Nagu dheere




Xabaal Jeer la Geeyana Bulshada wuu xukumayaaye




Xagaad Joogto Eegiyo hadaan Xaadir kala qaaday




Xikmaawiga Lakiye Ay Burca ba Xayga ku ahaatay




Xildhibaan Ladoortiye intaan Xigasho Soo Gaadhay




Xalaal ruun u taliyuu noqdoon xani ku laabnayne




Xilkasnimo Cabdaa lagu arkiyo Xadhiga Diimeede




Xildhibaan la Doortiyo intaan xigasho soo gaadhay




Xalaal Ruux u taliyuu Noqdoon xani ku laabnayne




Xilkasnimo Cabdaa lagu arkiyo xadhiga diimeede




Xeerbeegti weeyaan Cabdoo Xumo ka dheeraaye




Xasilooniduu Raadiyaa Xoolonaw u huraye




Xeryaha Dawladee uu joogo waa laga Xurmeeyaaye




Xigto uu Dhaweystiyo ma jiro Xididka weeyaane




Xanaanada Dadkiisuu in badan Xiiqayoo wadaye




Xog ogaalka Aadmigu Hadday Xor u jeclaadeene




Xafladdaa Nimay wada Tagaan wuu Xafidayaaye




Xuskan uu Mutaystiyo Haddaan Xaaji Falanqeeyey




Xadiiskii Rasuulkaa(scw) Hagoo Xuubka Naga qaadye




Xaluufada fardawsiyo intaad xad uga yeelayso




Xiddigaa Allahayo ka yeel waa Xamdiyayaane




BY: ABWAAN , ADAN XASAN CUMAR (GARAAD)




BURCO SOMALILAND