Maxaa inaga dhiman?……Maxaa dadkeena dib udhacan ku riday?…….Maxaa rayigeeni gaabiyay?……Maxaa hankeeni yareeyay?.....maxaa hiil inoo wayay?..... Tolow maskaxdeena miyeynaan ka shaqaysiinba…Fikir dheer…………..
Ilbaxnimada waxaad moodaa inaynu meelo badan ka sarayno , sida dhinaca casriyeynta( Technology) oo aynu kaga horayno wadamo badan.
hadana marka la eego horumarka bulshada iyo magaalooyinka waxaynu soo soconaa meel dambe oo aad baynu u tukubaynaa .
Dhinacyada ururada bulshada waa waxa maalin walba aad maqlaysaa urur hebal baa halkan laga aas aasay, urur hebal waxan buu qabtay, urur hebalbaa maanta halkan xadhiga ka jaray, urur helbal baa maanta shirkan sameeyey, wali se ma maqal URURKII SHAQAALAHA (Somaliland Labor Union) baa maanta la aas aasay oo waxan qabtay ama waxan soo ban dhigay.
Bulshadu sida ay ugu heelan tahay in wax loo qabto iyo sida ay meelwaba dhib aad ka damqanaysaa u taalo.
Waxan oo dhami waxay saamayn wayn ku yeesheen meelo badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aan sii badanaysa , dadka wax bartay oo sii badanayaa, bulshadii dibada ka imanaysay ee qurbejoogta ahay oo wadankuu ku soo guryo noqonaya , dadkii miyiga daganaa oo magaalooyinkii imanayaa , ayaa sii kordhisay baahidii iyo shaqo raadiskii oo circa isku shareeray.
Ururka shaqaalahu waxuu ka jiraa wadamo badan .iyagoo u kala qaybsama qaybo badan lehna awoodo badan sida dhinaca siyaasada iyo awoodaha bulshada waxa jira ururo badan oo xukuma dawlado badan . Ururka shaqaalahu waxa uu inqilaabi karaa dawlada , waxay ay suurta galiyaan in sharciyo ama xeerar wax laga badalo,ama wax lagu soo daro.
Inkastoo arimo xasaasi ahi jiraan hadana inaga waxa uu inoo qaban karaa wax badan oo maanta shaqaalaha iyo shaqadoonka wadanku u baahan yahay si ay u helaan awood isku doobni iyo mid iskaashiba. Ururka shaqaaluhu waxa uu ku hadli karaa afkeena awoodeena fikradeena, dhaqaleheena, waxa uu inoo hargalinkaraa.
• Xuquuqda shaqaalaha
• Horumarinta shaqalaha
• Dhisida xirfada shaqaalaha
• Midaynta shaqaalaha
• Tirokoobka shaqaalaha
• Awoodsiinta shaqaalaha
• Mushahaarooyinka iyo dhiirigalinta
• Codka shaqalaaha
• Sinaanta iyo cadaalada shaqaalaha Waxa aynu caawin lahayn ama taageeri lahayn bulshadeena haday noqoto xaga caafimaadka & wax barashada iyo wax yaaabaha daruuriga ah ee la mid ah .
taas oo aynu cidna u daba fadhiisanaynayn oo aynu u huri lahayn maal , Muruq & cilmiba Runtii waxaan aad u tix galinayaa hadii ay jirto cid urukan aasastay ama abuurtay fikirkiisii ama haduu jiro se waxaan odhanayaa ka kaca fadhigoo oo umadda u shaqeeya Bulshadeena indheergaradka ah ama shaqaala-weynaha waxaan leeyahay dhaqdhaqaa ama urukaa deg deg haloo aas aaso, waa awood buuxda oo ina taageeri lahayd .
Waa inaynu maal ,maskax iyo muruqba la garab taagnaano oo aynu xaqeena iyo xuquuqdeen soo dhacsano.
waxaan ka damqadaa dad inala garaad aha oo aan aqoon waxbadan ina dhaamin ama inaga liita oo u soo shaqo doontay wadankeena.halka dadkeenee maqaaxiyaha iyo marfishyada wada hoganaayaan. Dhalin yarada maanta waxay dhamaan ku fakarayaan siyaasad.
laakin wali miyaad wiilyahow is waydiisay ma qabiil iyo afmiishaarnimo ayaad ku heli heerarka siyaasada ama rumaynta riyadaadad. Ururka shaqaalahu waxa uu ku gaadhsiinayaa meesha ugu saraysa ee siyasada wadanka laga hamiyo , waxaad noqonaysaa qof ay bulshadu aaminto, qof ay bulshadu ku faanto, qof bulshada taariikh kaga tago iyo qof ay u aayaan jiilalka soo socdabaa.
waxyaaban oo dhami waxay fududaynkaraan gaadhida riyadaa sikale aan u dhigo ururkani waxa uu ka shaqaynaa inuu jaran jarada ku saaro ama ku hogaamiyo himiladaada.
Waxa jira ururo yar yar oo muruq maalaato iyo iskaashatooyin samaysatay sida Nafaqo,iskaashatada basaslayaasha laakiin ururadaas oo dhammi waxa ay laayihiin taageero ama dalad ay ku midoobaan.
wax kastooy ka hor yimaadadana awood ay iska caabiyi kari waaynaan baa ku dhacday…garab iyo gashaan la,aan iga dheh.
Gaba-gabadii maqaal yar kuma soo koobi karo faa’iidada uu ururkani qabto laakin waxaan leeyahay ha laga fikiro halkaas iyo awooda dahsoon.
Mahadsanid
Wixii ra’ayi aha fadlan iigu soo dira Nimco .E. Maxamed nimoazhari@gmail.com