Wednesday, April 16, 2014

Wasiir Cukuse oo Daaqada ka saaray Awooddii Maamulka Telefishanka Qaranka


Wariyihii BBC-da ee Burco oo Xil looga Magacaabay Wasaaradda Warfaafinta iyo Isku shaandheyn lagu magacaabay 49 Agaasime waaxeed




Gas iyo cukuseHargeysa(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa isku shaandheyn ku sameeyay madax-qaybeedyada Laamaha kala duwan ee Warbaahinta Dawladda oo Telefishanka Qaranku ku jiro.




Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maanta oo Salaasa ah, ayaa Tafaftiraha Guud ee warbaahinta dawladda loogu magacaabay Wariyihii Magaalada Burco ee Iddeecada BBC-da Xuseen Aw Jaamac Jibriil Xagar, xilkaasoo laga qaaday madaxii hore ee wararka ee Telefishanka Dawladda Maxamed Xuseen  Cali.




Maxamed Xuseen Cali ayaa sanadkii hore waxa xilkii Madaxa wararka  ka qaaday Khadar Cali Gaas oo Maareeyaha Telefishanka ah.




Wasiir Cukuse ayaa wareegtada Isku shaandheynta oo uu ku magacaabay 49 Madax-qeybeed oo isugu jira Maamul, Farsamo iyo ku-xigeenno, kuwaasoo qaarkood xilalka ku cusubyihiin qaarna hore u hayeen xilal kale.




Wareegtada ayaa lagu yidhi sidan: “Anigaoo ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamuuriyada Somaliland,waxaaan halkan ku soo saarayaa iskushaadhayn Waaxaha




Wasaarada aniga oo tixgalinaya ahmiyada wayn ee ay Qaranka u leedahay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.




Waxa waajib Qaran ah in la helo shaqaale tayo sare leh si  ay u gudato waajibaadka Qaranka ay masuulka uga tahay.




Sidaa daraadeed, waxaan idinla socodsiinayaa in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2014 aan magacaabis xilal cusub iyo dib u magacaabis  u sameeyay waaxaha Wasaarada ee hoos ku xusan:-




Magacyada Masuuliyiinta laysku bedelay




1.         Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh.  Maxamed Cawaale




 




2.         Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne




 




3.         Agaasimaha Idaacada,  Siciid Aadan Cigge




 




4.         Agaasimaha Qosrshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen “Cirro”




 




5.         Agaasimaha Waaxda Dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac




 




6.         Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre




 




7.         Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf




 




8.         Agaasime kuxigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed




 




9.         Gudoomiye kuxigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil




 




10.       Gudoomiye kuxigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax




 




11.       Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed




 




12.       Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale




 




13.       Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil  (Xagar)




 




14.       KaaliyahaTIfatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali




 




15.       Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi




 




16.       Madaxa Editorka IsmacIil Maxamed Cakuule




 




17.       Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali




 




18.       Madaxa  Kaydka TV-ga AxmedJaamacFaarax




 




19.       Ku xigeenkaMadaxa Kaydka Axmed Aare




20.       Madax aBakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal




 




21.       Kaaliyaha Bakhaarka (Store) MustafeYuusuf Ibraahim




 




22.       Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh




 




23.       Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd




 




24.       Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa  Khadar Max’ed Cakuule




 




25.       Ku xigeenka MadaxaBarmaajyada Radio Hargeisa Faysa  Cali Xuseen




 




26.       Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax




 




27.       Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf




 




28.       Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali “Curi”




 




29.       Madaxa laydhka iy oMishiinada Jaamac Axmed Faarax




 




30.       Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil




 




31.       Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)




 




32.       Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska MaxamedCabdi Idiris




 




33.       Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi “Shabeel”




 




34.       Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali “M.Deeq”




 




35.       Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan




 




36.       MadaxaTafatirahaCarabiga TV-gaAxmedXasanAadan




 




37.       Madaxa Dukmanteriga C/qani Xasan Faarax         




 




38.       Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan “Ugaas”




 




 




 




39.       Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed




 




40.       Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed




 




41.       Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac




 




42.       Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale




 




43.       Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac




 




44.       Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali AxmedCawaale “Canadhame”




 




45.       Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac “Panaroma”




 




46.       Ku xigeenka Madaxa Studio-yahaTv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax




 




47.       Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame




 




48.       Ku-xigeenka  Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen




 




49.       Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi




Waxaan idiin rajaynayaa in aad si xilkasnimo leh uga soo bixi doontaan howsha la idiin igmaday.




Sidaa iyo wada shaqayn wacan. Allaa Mahad Leh”




Qaab dhismeed hore




Isku shaandheynta wasiir cukuse sameeyay ayaa ah tii ugu miisaanka cuslayd ee lagu sameeyo madaxda Wasaarrada, wixii ka dambeeyay markii uu Wasaaradda Wasiirka ka ahaa Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire oo markii xukuumadda siilanayo talada la wareegtay agaasime waaxeedyo badan magacaabay.




Laakiinse xiligaasi Wasiirka hore muu faro gelin Madaxqaybeedyada Telefishanka Dawladda oo ah Laan maamulkeedu ka madaxbanaanyahay Wasiirka, balse siyaasad ahaan uun hoos  timaada.




Talaabada Wasiir Cukuse qaaday ayaa meesha ka saaraysa Masuuliyadda Maamulka Telefishanka Qaran oo Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen Madaxweyne Siilaanyo magacaabay haystaan.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sanadkii hore Wareegto Madaxweyne Telefishanka kaga dhigay Laan madaxbanaan oo Xeer, Maamul iyo qaab-dhismeed ka madaxbanaan Wasiirka Warfaafinta  Telefishanka Qaranka.




Sidaasi darteed, isku shaandheynta Madaxda Wasaaradda iyo Telefishanka lagu sameeyay ayaa ah mid ka hor imanaysa, isla markaana meesha ka saaraysa Madaxbanaanida Telefishanka iyo go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ka qaatay.




Maamulka Telefishanka




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Telefishanka Qaranka oo la xidhiidha aragtiddooda ku saabsan talaabada Wasiirku qaaday oo loo fasiran karo mid uu doonayo inuu kaga takhaluso Maareeyaha Tv-ga oo muddo dheer khilaaf ka dhexeeyay.




Khilaafka labada Masuul ayaa hore u sameeyay habsami u socodka Shaqada laamaha Warbaahinta dawladda, kaddib markii ay labada dhinac isu adeegsadeen Shaqaalaha kala duwan oo la kala saftay.




Si kastaba ha ahaatee waxa lays weydiinayaa waxa xigi doona talaabada wasiirku isku shaandheynta ku sameeyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com