Friday, April 18, 2014

Waran-cadde: dib u dhici mayso Askari qof Shicib ah tooganaya"Daawo


Daawo:Furtitaanka Shirka hogaan Dhaqameedka Gobolka Awdal oo maanta Boorama ka furmay




waran caddeBoorama-(GNA)-Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane.cali maxamed warancade ayaa waxa uu maanta furay magaalada borama gaar ahaan hotelka haldoor kulan socon doona mudo labo maalmood ah oo laga hadlayey horuamarka iyo Nabada.




Kulan ayaa waxa ka qayb qaadanayey hogaanka dhaqanka Ee Gobolada Maroodi Jeex,Awdal,Salal waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirada boosaha iyo isgaadhsiinta,xidhiidhka golayaasha iyo technooliyada iyo cilmi baadhiska iyo wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta qaranka,badhasaabada sadexda gobol iyo haween.




Waxa halkaasi ugu horeyntii ka hadlay duqa degmada Borama Saleebaan xasan Hadi waxa uuna sheegay in uu waftiga uu ku soo dhawaynayo degmada Borama.




Waxa kale oo iyagna halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka awdal cabdoo axmed aayir,badhasaabka gobolka salal c/laahi waberi iyo badhasaabka gobolka maroodi jeex maxamed maxmuud jeeni yare waxa ayna ku dheeradeen mihiimada uu kulankani uu leeyahay oo sheegay in uu ahaa mid loo baahnaa wakhti xadirkan.




Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta mudane.maxamed jaamac abgaal iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha technooliyada iyo cilmi baadhiska Aaadan Axmed Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariqay in ay Nabadgelyadu ay tahay mida kale ee ay Somaliland ay ku caano maashay.




Waxa halkaasi ugu danbeyntii ka hadlay wasiirka arimaha gudaha somaliand mudane.cali maxamed warancade Oo Halkaasi ka hadlay ayaa wax uu ku dheerday mihiimada uu kulan uu lahaa isaga oo wasiirku uu hogaanka dhaqanka uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan dhinaca nabadgelyada isaga oo xusay in hogaanka dhaqanku ay garab siin daalibka.




Si kastaba ahaate kulankan socon doona muda labo maalmood ee laga hadlayo horumarka iyo nabada ayaa wax uu noqonayaa kii ugu horeyey ee noocisa ee ay ka soo qayb galaan hogaanka dhaqanka ee gobolada maroodi jeex,awdal salal ee lagu qabto magaalada borama.”




http://youtu.be/-X880G0igcY




Gobanimo news




Mustafe caraale




Boorama-Somaliland