Sunday, April 13, 2014

Waa barri Arooryaay Habeen kugu Walgahaay


Dhalinyaradu aduunyada waa waxa ugu qaalisan isla markaana ah kuwa maanta dawlad kastaaba dawlada kale ugu faanto maanta hadaad aduunyada u fiirsato waxa kaliya ee la iskugu faanaa waa dhalin yarada dhinaca kale maka laga eego ragii diinta islaamka usoo halgamay ee meeqaamka ay maanta aduunyada ku leeahay soo gaadhsiiyey waxay ahaayeen dhalinyaro.




 




wakhtiga dhalin yaranimaduna waa boqotooyo qaali ah oo aan soo noqod lahayn isla markaana maalinta qiyaamaha lataagan yahay ee khaalia la hortaagan yahay waydiimaha ugu waaweyn waxaa kamid dhalinyaranimada iyo meesha aad ku gaboojisay.




 




sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in dhalin yaradu ogato muhiimada ay leedahay iyo meeqaamka dahabiga ah ee ay aduunka kaga jiraan hadii kale waxay soo baxaysaan waxba la,aan iyo meel madhan taasina waa midh subxaanalah.




 




Hadaba inaga somaliland ahaan marka laga hadlaayo waxaad maanta arkaysaa dhalinyaadii oo waxba yahay soo baxday waxaanay garan waayeen ama qeexi kari waayeen meeqaamka ay bulshada kaga jiraan iyo doorka ay ahayd inay qaatay ama daboolaan bulshadoodana wax laqabtaan taasi badalkeedana waxay bilaabeen inay inay xayeysiiyayaal u noqdaan shirkadaha dhaqan xumada ka sheqeeya oo waxaad arkaysaa iyagoo dhaqankoodii iskaga tagay isla markaana qaatay dhaqamo aad u fool xun oo waxba aanay ka garanahayn.




dharka laqaadanayaa waa mid aan waaqica ka turjumahayn ama se aan ahayn dhar aan inagu leenahay ama waafaqsan diinteena islaamka ee qaaliga ah, waxaad akaysaa dhalinyaradii oo timo waaweyn labaxday surwaalkuna ka dhacaaya isla markaana xidhan shaadhadh aad ugu cidhiidhi ah iyo kabo yaryar oo shiraaq ah isla markaana uraaya ama buuqaaya intooda masaajida soo gashaana waay qaawan yihiin oo salaadi uma jirto ayaan odhan karnaa waayo way qaawanyihiin oo dabada ayaa banaan oo bilaa dhar ah markay sujuudaaana waxaa si cad dibada ugu soo baxaysa cawradooda.




dhinaca kale dhalinyaradii xooga dalka ahayd ee la filaayey inay wadanka waxtaraan oo hore umarka wadanka ka sheeqeeyaan ayaa waxay bilaabeen inay tahriibaan oo wadanka iskaga yaacaan iyagoo aan gaajo hayn oo wadankooda si xor ah uga shaqaysan karaaya iyagoo waliba diintoodana xor u ah wax dhibaato ah oo haysataana aanay jirin ayey si qayra sharci ah u yaaceen taasi oo ah midh xaaraan ah marka laga eego dhanka diinta islaamka waayo wadanka ay u yaacayan waa wadan gaalo kay ka yaacayaana waa waankoodii hooyo oo muslim ah ujeedada ay uyaacayaana waa aduunyo raadsi sidaa awgeed waxaan leenahay waa sifo xaaraan ah ee halaga digtoonaado dhalin yarooy.




 




waxaasi oo dhibaato ah ama duruufo ah ama isbadal ah markaad aragto waxaad kugu soo dhacaaya murugooyin fara badan iyo warwar fara badan ood is leedahay malaha wadankan mustaqbalka wax u hadhayaaba ma jiro.




guntii iyo gabagabadii waxaan leenahay dhalin yarooy sidan dantiin maahee dib iskugu noqda oo qayrkiin la tartama kaa sheqeeya hore u marka iyo sumcada wadankiina hooyo hadii kale waxaad noqonaysaan kuwii murtida soomaaliyeed shegtay ee ahayd WAA BARI AROOYAAY HABEEN KUGU WALGAAHAAY. oo macneheedu yahay waxaad tihiin dhalin yarooy waabari dhanka quruxda iyo sida waca ee la idiinku faraxsan yahay hadana waad khasaarteen oo waxaad noqoteen habeen dam ah oo iskuma baxaan ah.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)