Maayirka Caasimadda oo Dejiyay Hudheelayaasha iyo hogaanka Ururkooda oo cabasho ka dhan ah Mulkileyaasha u gudbiyay
Hargeysa(GNA)-Shaqaalaha Hudheeladda Cuntada ee Caasimada Hargeysa ayaa maanta cabasho u gudbiyay Maayirka Caasimada Hargeysa, taasoo ay kaga cabanayaan faro gelin ururkooda kaga timi Mulkileyaasha Hudheelada ay ka shaqeeyaan.
Hudheelayaasha ayaa samaystay Urur ay ku bahoobeen oo ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqda xoogsatadan.
Hogaanka Ururkaasi iyo qaar ka mida dad ku bahoobay ayaa cabasho ka dhan ah Mulkilyeyaasha goobaha ay ka shaqeeyaan la hortegay Xafiiska Maayirka Hargeysa, iyagoo sheegay inay loo shaqeeyayaashu ku kaceen waxyaabo xad-gudub ku ah xuquuqdooda iyo Ururka labadaba.
Maayirka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo xubno ka mida Golaha Deegaanka ayaa kulan albaabadu u xidhanyihiin la yeeshay xoogsatada cabanaysa oo markii shirku dhamaaday ka dib ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan ujeedada cabashadooda iyo waxay maayirka is-yidhaahdeen.
Mid ka mida Hudheelayaashan oo Gobanimonews la hadlay markii shirku dhamaaday ayaa si kooban u sheegay “waanu is-afgaranay Maayirka si fiicana wuu noo qaabilay, waxaanan ka rejaynaynaa guul”ayuu yidhi.
Mid kale oo ka mida Hudheelayaasha ayaa Gobanimo u sheegay ka hor intaanay maayirka la kulmin “maanta shaqo joojin ayaanu wadnaa, waxaanu khaati ka taaganahay nimankii aanu u shaqaynaynay oo ilaa Ururkii nagu haysta”ayuu yidhi Cumar oo ka mida Kooxda ururka Hudheelayaasha ee cabashada samaynayay.
Xubin kale oo aanu wax ka waydiinay sababta ay ugu caban waayeen Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, ayaa yidhi “Wasaaradduba waa tan waxan aanu ka cabaynayno noogu wacan, warqadii aanu geynay sanad ka hor ayaa wali Miiska u saran oo ay wax ka qaban la’dahay ee maxay noo qaban kartaa ee kale”ayuu yidhi.
Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ayaa dawladda u qaabilsan ilaalin xuquuqda shaqaalaha rayidka ah.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com