Thursday, April 17, 2014

Somaliland "ma taageerto Argagixisada"Jawaab"dhegeyso


Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyay Xeerka la dagaalanka Argagixisadda iyo ka waxbarashada iyo nuxurka go’aamo ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada




Golaha wasiirradaHargeysa(GNA)-Laba Xeer ayaa lagu ansixiyay Shirka Golaha Wasiirrada ee  Somaliland, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada oo Warbaahinta la hadlay.




Xeerarkan ayaa kala ah xeerka la dagaalanka Argagixisada iyo ka waxbarashadda oo markii ugu horaysay la abuurayo Somaliland.




Somaliland ayaa bulshada Caalamka kala shaqaysa la Dagaalanka Argagixisada, laakiinse Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku eeddeeyay inay wada shaqayn la leedahay Kooxda Al-shabaab.




Eeddayntaasi waxa beeniyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Tafaasiil ka bixinayay waxyaabihii Shirka Golaha Wasiirrada lagaga wada hadlay.




“Somaliland Argagixisada ma taageerto ee way la dagaalantaa, walina lama sheegin qof argagixiso ah oo Somaliland ka baxsaday”ayuu yidhi Dhuxul.




Xeerka ayaa waxa soo diyaariyay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ka la Dagaalanka Agagixisadana Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo amaanka gudaha qaabilsan iyo Hay’adaha kale ee dawliga ah ee la shaqeeya.




Shirkan Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin siyaasadda Arrimaha Dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah, waxaana warka ka soo baxay Madaxtooyada lagu sheegy in Dawladda Kenya ay ogolaatay inay Xafiis ka furato Somaliland.




Shirka ayaa warbixin lagaga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis.




Afhayeenka Madaxtooyada ayaa Faahfaahin ka bixiyay go’aamo ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Shirka-Golaha-Wasiirada-iyo-Goaamada-ka-soo-baxay-.mp3"][/audio]