Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo ah Ninka Ifka u soo saaray Buugga laga qoray Odayga Somaliland ee Xaaji Cabdiwaraabe, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Warbaahinta Aftahan.
Siciid Maxamuud Gahayr ayaa hore uga tirsanaan jiray Warbaahinta kale ee Dawladda gacan saarka la leh ee Somalilandtoday oo ay hore xurguf u dhex martay Tafaftiraha Guud ee Aftahan oo soo saareyaasha Wargeyska Somaliland to day ka mid ahaa.
War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal, ayaa lagu faahfaahiyey qaabka loo magacaabay Guddoomiyaha guud ee Aftahan Media iyo go’aanka ka soo baxay shirka ay maanta ku yeesheen Hargeysa, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
Shir ay maanta magaalada Hargeysa ku wada-yeesheen Maamulka, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha, Shaqaalaha kala duwan iyo Guddiga Boodhka ee Shabakadda Aftahannews oo ay kaga wadahadleen arrimo door ah, ayaa lagu go’aamiyey in Shabakaddu yeelato Guddoomiye guud.
Sidaa daraaddeed Mulkiilaha Aftahannews, ahna Tifaftiraha guud ee Aftahannews Cabdifataax Ismaaciil Mursal isaga oo ka duulaya soo jeedinta iyo go’aanka Shaqaalaha iyo Maamulka kale ee Shabakadda waxa uu go’aansaday inuu Siciid Maxamuud Gahayr noqdo Guddoomiyaha Aftahannews iyo dhammaan Aftahan media copration laga bilaabo taariikhda maanta 16/April, 2014.
Waxaan rejaynayaa in Shaqaalaha, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan hawl-wadeennada kala duwan ee Aftahan media ay sida ugu habboon ula shaqayn doonaan Guddoomiyaha Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi).
Waxaan u rejaynayaa Guddoomiyaha in Illaahay ku asturo xilka uu qabtay, isla markaana uu u gudan doono sida ugu habboon ee waajibaadka xilku farayo. Waxaan rejayanayaa inuu noqdo Guddoomiye isku wada hawladeennada iyo shaqaalaha kala duwan ee Aftahannews meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
Allaah Mahad Leh.
Tifaftiraha guud ee Aftahannews.com
Cabdifataax Ismaaciil Mursal