Shabakada Alldhacdo.com ayaa soo ogaatay oo soo bandhigtay xog culus oo ku saabsan waxa laga damacsan yahay Soomaaliya iyo rajada jirta.
Soomaaliya waxaa ka jira dowladda hadda lagu sheegay in aysan KMG ahayn, lagana rabo in sanado ka dib ay dalka gaarsiiso doorasho xur ah.
Hase ahaatee sidaasi ma ahan sheekada oo qorasha tani wey ka weyntahay sida aynu ku helnay xog qarsoon oo ay inoo soo gudbiyeen qaar ka mid ah siyaasiin iyo xubno dowladda la shaqeeya.
Waxaa la doonayaa in hadda iyo kow la bilaabo wadahadlo ku saabsan dhamaan gobalada dalka, sida dowlad gobaleedyada la aqoonsanyahay.
Sanadaha ugu dambeeya ee dowladdaan ka dhiman waxaa la bilaabi doonaa Road Map cusub, waxaana saxiix laga qaadi doonaa, Somaliland, Puntland, Gal-mudug oo sida ay hadda tahay ka balaaran doonta, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Shabelle State.
Intaasi ka dib waxaa hadana lasoo dhisi doonaa dowlad kale oo noqon doonta tii ugu dambeysay ee la dhiso, iyada oo shaqeyn doonta Muddo Shan Sano ah, sidaasna waxaa cad in doorasho xur ah aysan dhaceyn sideedsano oo hadda dhiman.
024
Soomaaliya ku dhawaad 25-sano waxaa ka jirta dhibaato, hase ahaatee maalinba maalinta ka dambeysa dhibaatada waxay tahay mid aad uga sii daraysa.
Hadaba su’aasha meesha taagan ayaa waxay tahay, beesha Caalamka Soomaaliya ma waxay la doonayaan inay sidaan sii ahaato, mise waxay hayaan qorsheyaal kale oo dalka wax looga qabanaayo.
Dhanka kale Soomaalida iyaga uma jeedaan miyaa dalalka kale ee caalamka horumaray, maxaase u diiday in dalkooda iyo dadkooda ay wax badan u qabtaan.