Saturday, April 12, 2014

Saylici oo Socdaal ujeeddooyin kala fog xambaarsan ugu baxay Itoobiya


Khilaafka Diblomaasiyaddeed ee labada dal, dacwad ka dhan ah Shirka Khaatumo 3 iyo dan kale midkuu daaranyahay?




saylici1Hargeysa(GNA) waxa Safar aan hore loo shaacin maanta ugu baxay dalka Itoobiya Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici maalmo ka dib markii uu dibada u soo baxay khilaaf diblomaasiyaddeed oo labada waddan soo kala dhex galay, ka dib markii si xun loola dhaqmay Saraakiil Sirdoonka Itoobiya ka tirsan oo Gabiley lagu qabtay todobaaddo ka hor.




Ethiopia ayaa todobaadkii laga soo gudbay dabayaaqadiisii sida la sheegay dalkeeda ka soo eriday Safiirkii Somaliland u joogay, khamiistiina warar soo baxa ay sheegeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland booqasho arrimahan la xidhiidha ku tegay.




Saraakiil ciidan iyo isuduweyaal Wasaaraddeed ayaa Gobolka Gabiley looga soo xidhay falal lagula kacay raga Itoobiyaanka ah oo laga shakiyay.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ka hor intaanu Madaarka ka dhoofin ayaa sheegay in la soo afjaray khilaafka labada waddan.




Saylici ayaa sheegay inay dawladda Itoobiya ka raali-geliyeen xadhiga Saraakiisha laga xidh-xidhay iyo falalka kale ee lagula kacay nimankaasi oo markii la qabtay hub iyo Gawaadhi Taariko Itoobiyaan ahi ku xidhantahay watay.




Qaar ka mida Warbaahinta Gudaha ee Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland qiratay qaladka ragan lagu soo qabtay oo itoobiya ka biyo diiday.




Ilo-wareedyo madaxbanaan ayaa Gobanimo u sheegay in ujeeddada Safarka Saylici isla arrintan iyo dhacdooyin kale oo sanadkan gudihiisa ka dhacay xuduudka salka ku hayso.




Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh siyaasaddeed oo dhinacyo badan ku qotoma, kaasoo ka wada shaqaynta amniga iyo isu socodka Xuduuduhu qayb ka yahay.




Arrimaha kale ee safarka Saylici loo suuraynayo waxa ka mid ah dhaqdhaqaaqyo dawladda Itoobiya waddo u furtay Shirka Maamulka Khaatumo ee Gobollada Bari ee Somaliland ka dhisan oo Taleex ku soo qul-qulaya.




Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa dhawaanahanba ku sugnaa Dalka Itoobiya oo ay isaga gudbeen Caasimada guud ee Adiis ababa iyo Jig-jiga.




Cali khaliif iyo Garaad Jaamac ayaa booqashaddooda Itoobiya Salka ku haysay arrimaha Shirka Khaatumo3 oo Taleex dhawaan ka furmaya.




Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku gadaal kaga debada tegayso dhacdooyinka diblomaasiyaddeed ee Itoobiya soo kala dhex galay iyo gufaacooyin siyaasaddeed oo durba ka soo gaadhay dhaqdhaqaaqa Shirka Taleex oo ay horeba wax uga qaban kari wayday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com