Wednesday, April 16, 2014

Puntland: u dulqaadan mayno Xad-gudubka Somaliland iyo Al-shabaab”Dhegeyso


Taleex: Somaliland iyo Puntland toona gacanta ugumay jirin”GNA




indhogurrGaalkacayo(GNA)-Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay talaabada Ciidamada Somaliland Maanta ku qabsadeen Degmada Taleex ee Saldhiga u ahayd Maamulka Khaatumo la baxay.




Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran oo Saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Dowladiisu u dulqaadan doonin Gardarada isdaba jooga ah ee maamulka Soomaaliland,taasi oo uu sheegay inay dabada ka riixayaan ururka Al-Shabaab.




Dawladda Somaliland ayaa wax jawaab ah ka bixin wali Eedda uga timi dhanka Puntland, kana hadal gacan ku dhigista Taleex ee Ciidamaddeeda.




Hase ahaatee wasiirka Puntland ayaa yidhi  ‘’Daandaasiga maamulka Siilaanyo ee kuso qaaday Gobolada Puntland wuxuu salka ku hayaa fashilka Siyaasadeed ee ka haysta gudaha maamulkiisa,si uu u jaha wareeeiyo shacabkiisa,mar walba oo maamulka Soomaaliland uu dhaqdhaqaaq sameeyo xarakada Shabaab oo aan ognahay inay xiriir joogta ah leeyihiin oo ay wada shaqeeyaan’’.




Indho guran ayaa intaasi ku daray ‘’Puntland waxay in badan ku baaqaysay illaalinta nabada iyo darsnimada,haddii taas la waayo Puntland waxay diyaar u tahay inay diufaacdo dalkeeda iyo dadkeeda,mana u dulqaadan doonto xadgudubyada faraha badan ee isdaba yaala,waxsay qaadaysaa talaabo u qalanta gardarada isdaba yaala ah ee maamulka Siilaayo kuso qaadayo deegaanka”ayuu yiri.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/puntland.mp3"][/audio]




Taleex




Taleex ayaa ka mid ah Deegaamada Somaliland iyo Puntland ku muransanyihiin ee Gobolka Sool.




Sanadkii 2012 ayaa Masuuliyiin ka socda Somaliland ku afduubeen Ciidamo Puntland ka socday, ka dib markii ay u galeen meel magaalada ka baxsan.




Muran Sanaag




Labada Maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa dhawr todobaad ka hor isku faro saari gaadhay deegaamada ay xuduudka ka wadaagaan ee Bariga Sanaag, kaddib markii Madaxweynaha Somaliland booqday Laasqoray.




Badhan ayaa loolan Milateri oo aan yarayni ku dhex maray, inkasta oo aan dagaal dhicin.




Laakiinse Degmada Taleex ee iminka yooyootanku ka bilaabmay maanta uun ayaan midkoodna gacanta ugu jirin, wax taageero ahna aanay ku lahayn.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com