Hargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ee hoos yimaada dawlada maqaar saarka ah ee Somaliya Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa waxaa sheegay in Puntland ay si deg deg ah uga Jawaabi doonto Qabsashada Somaliland ee Magaalada Taleex, wuxuu Wasiirku tilaamay wixii ka dhaca magaalada taleex iyo dhulka ay Somaliland haysato dusha loo saari doono Xukuumada Siilaanyo sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Warfaafinta Indho-guran oo warbaahinta u akhriyey qoraal ay soo saareen golaha wasiirada Maamulka Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mida ahaa
“Ciidamada Somaliland Waxaa ay si gardaro leh ay ugu soo xadgudbeen una yimaadeen dagmda Taleex oo ka tirsan maamulka puntland ku waasi oo wali sii wada xadgudubyada ay ku hayaan dadka iyo dalka reer puntland gardaradaan iyyo daandaansigan ayaa maanta golaha wasiirada ee dawlada Puntland waxaa ay ka soo saareen Qodabadan Soo socda.dawlada Puntland waxaa ay si kulul u canbaareynaysaa xadgubka ay Dawlada Somaliland,waxaana ay uga digaysaa dawlada Somaliland cawaaqib xumada ka dhalan karta Gardarada ay wadaan”Ayuu yidhi Indho Guran