Dhambaal Tacsi ah ayaa Madaxweynaha Somaliland wuxuu u diray qoyska Reer Xaaji Axmed Cabdillaahi (Xashiish) oo uu ka Geeriyooday Marxuum Aadan Xaaji Cabdilaahi Xashiish oo ku geeriyooday waddanka Canada.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyad ayaa sidaasi lagu sheegay, kaasoo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Reer Xaaji Axmed Cabdilaahi (Xashiish) isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Walaalkood Marxuum Aadan Xaaji Cabdilaahi Xashiish oo ku geeriyooday Ottawa Canada 18.04.2014.
Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Madaxweynuhu Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan reer Xaaji Axmed Cabdilaahi (Xashiish), Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqana ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN