Saturday, April 12, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Casariye u doontay Makhaayadda Emperial


siilaanyo3Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka baxay Madaxtooyada.




Axmed Siilaanyo ayaa u Shaah tegay Hudheelka Emperial, halkaasoo uu dad badan kula kulmay.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in Madaxweynuhu goor dambe oo fiidkii ah ku soo gaadhay Hudheelkaasi.




Ma cadda inuu cid gaar ah kula kulmay Hudheelka.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawr jeer oo hore gelin dambe sidan oo kale madaxtooyada uga baxay, booqdayna goobo ka mid ah meelaha lagu kulmo ee Magaalada Hargeysa.




Sanadkii hore ayay ahayd markii uu booqasho tamashle ah ku tegay Makhaayadda Kaah ee Bariga Hargeysa.




Mar kale ayuu booqday Suuqyo Ganacsi oo ku yaala degmad kood-buur.




Mar kale wuxuu booqday Cisbitaalka Adna oo uu dad bukaan ah ugu tegay.




Warkan oo goor dhaweyd na soo gaadhay ayaanu gadaal isagoo faahfaahsan idiinku soo gudbin doonaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office