Saturday, April 12, 2014

Ka baro kuna dayo


10173466_782433895114251_614134119_nMagaciisu waa Axmed Ibnu Muxammed Ibnu Muxummed “Al-Casqalani” , caai'ladiisu iyo awawyaashii waxay ku noolaayeen Al- Alcasqalaan halkaa oo ay soo dageen sanadkii 583 Hijriyada, Magaca Xajar waa magaca awawgii, waxa lagu kunyaa Abul Fadl (Fadl aabihii) waxaa lagu naanaysaa “ Shihabuddin”.



Magaalada Casqalaan waxay kutaal wadanka Falasdiin khaasatan Qasa. Ibnu-Xajar wuxa uu dhashay 12kii Shabcaan 773kii Hijriyada. Waxa uu ahaa agoon, aabihii waxa uu geeryooday 777kii Hijriyada, waxa uu ahaa caalim ganacsade ah. Waqtigaa aabihii geeryooday waxa uu ahaa Inu-Xajar 4 sanor jir, sidoo kale hooyadii way ka hor geeryootay aabihii, Waxa uu noqday agoon xaga hooyo iyo xaga aabbo. Ibnu-Xajar waxa uu lahaa walaal ka wayn, aqoonta aad ugu firfircoon isla markaana geeryooday intaanu dhalan isagu (Ibnu-Xajar).



Mid kamida culmiadii waqtigaa noolayd ayaa riyo ku arkay in mid ka mid ah caruurta Ibnu muxammed in uu noqon doono xaafid cilmi, caqli iyo cimri Allh SWT ku manaystay. Caalimkani waxuu uu u sheegay jeerkiiba Ibnu-Xajar aabihii.



Ibnu-Xajar waxaa lagu tiriyaa ashkhaasta dhif iyo naadirka ee taariikhdu qiyamkooga iyo karti hufnaantooda xustay, Sheekh "Al-albaani" waxaa laga wariyay in uu yidhi : In Ibn-Xajar ahaa inta xufaadka ah ee axaadiistii rasuulka CSW maskaxda ku qaada (Qayba) midka ugu wanaagsan garasho iyo garaadba, dhabtiina aanu jirin qof mudnaantiisa oo kale leh, tixgalin iyo qadarinba loogu maamuuso maskax wanaaga, iyo xamabaarista uu maskaxda ku sido axaatiista rasuulka CSW.



Ibnu-Xajar waxaa uu bilaabay dugsi qur'aanka, si uu qur'aanka u barto isla markaana u qaybo. Shanjir markii uu noqday waxaa uu dhamaystiray xifdiga Qur'aanka kariimka.



Markii sagaal gu’ u buuxsameen waxa uu noqday immaam, immaam tujiyada salaada taraawiixda magaalada barakaysan ee Makka sanadku markuu ahaa 785 Hijriyada.



Sidoo kale 12 gu’ xiligii uu baarka ka jaray waxaa kafaalo qaaday ama masuuliyadiisa qaaday “Sakiuddin” oo aabihii Ibn-Xajar kula sii dardaarmay in Ibnu-Xajar masuuliyadiisa uu tunka u rito.



Ku qaybida Ibnu-Xajar ku qaybay quraanka da’ yaraan waxay u sahashay una fududaysay maskax furnaan iyo garasho miigan isla markaa waqti yar in uu wax ku qaybi karo. Ibnu-Xajar markii uu horaysay  noloshiisa waxa uu maqlay “Saxiix Al-bukhaari” jeerkaas isagoo ka maqlay mid kamid ah culimadii waqtigaas “Affifuddin An-nashawari”



Sanadkii 786 Hijriyada waxa uu u guuray Masar isagoo ka guuray magaalada barakaysan ee Makkah. Waqtigaas waxa uu qaybsanaa tiro kutub ah: "Al-Cumda Al-xadiis", Sidoo kale Al-xaawi oo ah kitaab Shaafici fiqiga ka qoray, iyo kitaabka Mukhtasir Al-xajiib kitaabkan oo ah "Usuul Al-fiqi" iyo kutub kale oo naxwe ah.



 



Mudo yar oo kooban sababo awgeed waxa uu hakiyay geedigii baadigoobka cilmiga uu ugu jiray. Kadib sanadkii 790 Hijriyada waa uu soo rogaal celiyay dibna ugu xadhko xidhay sii wadida hayaanka aqoon raadiska cilmiga qaybihiisa kala duwan.  Sida qaalibka xiligaas ardayga cilmi raadiska ahi waxa ay xooga saari jireen Tafsiirka Quraanka.



Akhirska taariikhdu waxa ay ahayd mid uu aad ugu hamuun qabay, khaasatan taariikhda dagaalada waxa u dheeraa suugaanta carabta oo aad u jeclaa.



Akhriska taariikhda iyo suugaanta waxa si wanaagsan ugu dhiiri galiyay culimadii uu ku xidhnaa,  "Al-badar Al-bushtaki" oo uu kamid ahaa culimadaas si gaarana ugu dhiiri galiyay kitaabka "Al-Gani", kitaabkani waxa uu ahaa kutubka suugaanta laga qoray midka ugu wanaagsan uguna farshaxansan, waxan uu ka koobnaa 20-30 cutub, ugu dambn waa uu dhamstiray akhriskiisa.



(Dhagaysiga suuganta, fahankeega iyo sida abwaanadu u kala leeyihiin kala garashadooda waxay ahmiyad gaara u leedahay qofka raba in uu fahmo Tafsiirka quraanka iyo Sunaha rasuulka CSW.) Alifida gabaydana waxa ay ahayd mid uu hibo ulahaa.



Ibnu-Xajar waxa uu bilaabay akhriska culuumta axaadiista rasuulka CSW, Allah SWT waa jecleysiiyay akhrisaka dhiiri galina uga dhigay in uu qaybo ugana faaideeyo naftiisa iyo ummadaba guud ahaan.



Sanadkii 796 Hijriyada, Ibnu-Xajar waxa uu bilaabay dardar iyo dadaal xooga uu ku saarayo dhanka aqoonta. Hummaag u dhexeeyay isaga iyo cilmiga waa uu ka faydmay, jeerkaasna iridaha u furtay aqoonta. Ibnu-Xajar waxa Allah SWT u barkaeeyay kasbashada cilmiga, kasbashada cilmiga waxa uu safri jiray habeen iyo maalin, si uu climiga siiyaalkiisa nololeed u raadiyo.



Culimada ugu waawayn ee Inu-Xajar ardayga u ahaa ahaa waxa kamida ahaa "Al-xaafid Al-iraqi" iyo Ibn Al-Mulaaqqin ahaan labada caalim ee ugu caaansan gayigaa iyo waqtigaas jeerkaasna ugu aqoon badnaa. Waxana uu u safray Al-igsandariya ilaa Shaam, Suuriya ilaa Masar iyo meelo kale, ujeedooyinka safarkiisuna salka ay ku hayeen cilmi raadis naftiisa iyo Ummadaba uga faaidaynayo.



Waqti kamida waqtiyadaas Ibnu-Xajar waxa uu tagay Shaam waqtigaas oo da’diisu ahayd 60 jir markaana uu ahaa caalim ( Kuna gaadhay halkaa dadaal hadh iyo habeenba cilmi raadis ugu jiray). Noqoshada caalim uu noqday caalim iyo da’diisu midna kama ay joojin geedigii iyo hayaankii aqoonta iyo cilmiga diinta baadigoobka iyo faafinta ugu jiray.



Astaamahani waxay muujinayaan fahan wanaaga, maskax furnaanta, dadaalka iyo daacadnimada uu ku baadi goobayo cilmiga iyo aqoonta.



Waqti uu ku hawalana kuna gudo jiray safar uu Yaman kutagay waxa uu sheegay in uu lakulmay culimo ay kamid yihiin “Firasuddiin Al-cabbaadi” oo ahaa caalim ku takhasusay cilmiga naxwaha iyo caalim kale oo isna qoray Qaamuuska Afka Carabiga, waxa kale oo waqtigaas uu lakulmay boqorka Yaman. Markii uu soo dhamaystay hawshii uu u tagay Yaman, doontii uu kasoo raacay Yaman ayaa laqarraqantay hantidii uu sitay oo ahayd buug aadna ugu qaali ahayd ku waayay. Ibnu-Xajar geedigiisani waxa uu inoo iftiiminayaa shaacana ka rogayaa dadaal karnimadiisa uu aqoonta u fidinayo iyo qorista uu qalinka iyo tawaada u sito siduu wax uga qori lahaa ammuuraha islaamka.



Ibnu-Xajar geedi nololeedkiisa waxa uu soo qabtay xilal dhawr ah oo ummada musliminta u soo qabtay, dhab ahaantiina aanay xilalkaasi doonis iyo jacayl uu u qabo xil ku iman, balse ummada muslimiintu ay u dhiibtay jeerkaana uu u qaaday xilalkaas. Waxaa kamida xilalkaa tirade ah ee uu soo qabtay Barista dhinacyada kala duwan ee cilmiga diinta sida: Tafsiirka, Qiraa’ada IWM. Waxa uu ahaa mufti jeerkaana u fadwooda ummada islaamka, waxana uu ahaa khadiibka qudabada salaada jimcaha ummad waynta muslimiinta u akhriya.



Xilalkaasi dad gaara ayaa qaban jiray, macnaheeduna tahay in aan cid walba loo dhiibin, loo igmado dad aqoonteeda iyo kartideeda huwan hanan karan quluubta ummadiisa muslimiinta ah.



Ibnu-Xajar waxa uu caan ku ahaa hab nololeedkiisa nololeed mid salka ku haya kuna qotoma diinteen suuba ee Islaamka, jeerkaana ka saahdiday ama ka haajiray aduunyada iyo waxaa oogadeeda yaal dhaldhalaalkeda. “Al-buqay” waxa uu ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi cunto yar, marka uu dadka sooryo lacunayana tartiib iyo daganaasho ula wadaaga. Hadii uu safrayo waxaa uu isticmaali jiray jeebkiisa, cuntooyinka sida caadada ah dadku aanay cunin dadku ka door bidaan cuntooyin ka macmacan ka dhandhanaanka ah, macaankeeda isaga wax macna ah uma samaynayn.



Dadka waxay cunaan hilib kuwooga qaata musharada ee dawlada u shaqeeya, tusaale ahaan ciidamada iyo shaqaalaha kale aa dawliga ah, waligeed ma dhicin in uu cuntooyinkan oo kale cuno waydiistana ummada.



Culimada islaamku waxay u aqoonsadeen caalimkii noociisa ahaa ee waqtigiisa cidina aanay labayn iyo kuwii ka dambeeyayba. “Al-buqay” ayaa kayidhi kalmad, waa hogaamiyaha ummada, immaamka muslimiinta. “Al-shawkani” sodoo kalana waxa uu ka yidhi kalmad Ibnu-Xajar, xaafidka ugu wayn uguna caansan ee aqoontiisa xadiis faceeda iyo mugeeda aan lasuurayn Karin. Sidaa awgeed hadii kalmada Xadiis hadii cid lasiinayo waxaa lasiin lahaa Ibnu-Xajar. Gees kale hadii lasoo hadal qaado xaafid waxa lasoo hadal qaaday Ibnu-Xajar ilaa laga laraaciyo qof kale magaciis. Tani waxay ina tusaysaa heerka iyo mustawaha uu aqoonta ka gaadhay Ibnu-Xajar.



Caalim kale ayaa ku sifeeyay ibnu-Xajar inuu kamid yahay culimada ugu waawayn, isla markaana hoggaanka cilmiga axaadiista rasuulka CSW ahaa ama caalimka ugu aqoon roon waqtigaas. Waxa caalimku muujiryay ibnu-Xajar kitaabkiisii ‘‘Fathal-Bari” in uu yahay qaamuuska sunnaha, jeerkaana noqday qaamuuska culuumta islaamka. Ibnu-Xajar wuxuu ku tilmaamay faaidada macnawiga ah ee kitaabkan, hadaad waydiin suaasho rabtana in lagaa jaahil saaro. Jawaab u qalanta oo quman inay  ku xusantahay kitaabka.



Ibnu Xajar waxa uu qoray kutub  badan, kitaabkiisii caanka ahaa “Fad Al-baari” kasoo sharaxaya “Saxiix Al-bukhaari” iyo kitaabkiisa “Tahriib Wa Tahriib” oo kawaramayey sidii kala duwanaa  ee taabiciyuun u soo warinayen axaadiista rasuulka CSW.



Ugud dambayn waxa uu wax ka qoray dhinacyo badan oo cilmiga diinta islaamka ah sida, Tafsiirk, Xadiiska iyo Culuumta Quraanka.



Ibnu-Xajar maalin salaasa ah 14 Dul-Xija sanadkii 852 Hijriyada waa uu xanuunsaday ilaa Sabtidii 18 isla bishaas Dul-Xija,  waxa uu ku geeryooday Qaahira, Masar (Allah ha u naxariisto).
 



Eega iyo Dan (Kalmad ku socota bulshada)



Hadii aynu nahay Soomaali Maxamed gumaceenu meel baydhsan buu gawda ku hayaa, mana filayo intaa aragtideenu saa tahay inay guulaamo cilmi badhxani inoo da’aan. Hadii gawsaha ummadaha aynigeen ahi wax ruugi karaan, kuweena maxaa ragaadiyay? Su’aashan waxan u dhaafayaa garaadku in uu gorfeeyo goorteeda, ogaado halkay sartu ka qudhuntay.



 




Guyaal iyo guyaal baa loo habeen qadaa loona hilbo go’aa halka ay garashadu haybinayso inay gaadho. 




 



Waaxan ku soo afmeerayaa haatan iyo waxa inala gudboon, waa in aynaan dangeyn kuweena aan waxba qorin waxana akhrin, u hurnaa xoog iyo maalba, aynaan ku iloobin omoska, basaasta, habaaska iyo hagaaska jahliga. U hiilino qof iyo qaranba iftiinka aqoonta. Waxaan qabaa in qaalinimda aqoonta iyo qumanaanteeda aynu dhammi doono xalaawadeeda iyo macaankeedaba.  



 



F.G xigasho “Sunnah library”



 



Xasan Maal



Kampala, Uganda