Jaamac Kuutiye ayaa ka mid ah Maxaabiista isku dayay inay Baxsadaan...GNA
Hargeysa(GNA)-Hal Askari ayaa ku dhintay dhawr kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo israsaaseyn dhex martay goor dhaweyd Ciidanka Ilaalada Xabsiga dhexe ee Hargeysa iyo Maxaabiis ka baxsaday Jeelka.
Maxaabiista ayaa u xidhnaa Falal Agagixiso, waxaana ka mid ah Jaamac Kuutiye oo ka mid ahaa Ragii Magaalada Sheikh ku dilay Macalimiinta Dugsiga SOS sanadkii 2003-da iyo qaar ka mid ah Kooxdii lala soo qabtay.
ma cadda sababta keentay dhacdadan, laakiinse waxa la sheegay inay Maxaabiistu Gaddooddeen.
Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga ayaa Gobanimo u xaqiijiyay inay Rasaas ku fureen Askarta ka hor intaanay gudaha Jeelka ka bixin.
Rasaastaasi ayaa la sheegay inuu Hal Askari ku dhintay, shan kalena dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in askarta qaarkood dhaawac halis ah qabaan.
Kolanyooyin ka tirsan Ciidamada ka jawaabista Xaaladaha deg deg aha (RRU) iyo kuwo kale oo bilayska ayaa u soo gurmaday dhacdadan, kuwaasoo ku gulaystay inay gacanta ku soo wada dhigaan Nimanka Maxaabiista ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa shan askari.
Ammaanka agagaarka Jeelka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi isugu soo uruuray dadweyne aad u tiro badan oo qaarkood gacan ka geysanayeen sidii ragaasi loo soo qabqaban lahaa.
“arrintani baadhis qoto dheer ayay u baahantahay, maaha wax dhici kara sababta keentay in maxbuus jeel ku jiraa Xabad isticmaalo”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Khabiir dhanka Xabsiyada ah.
Xabsi dhexe ee Magaalada Hargeysa oo dhawaan lagu sameeyay dib u dhis balaadhan ayaa waxa ku xidhan Maxabiis kala duwan oo isugu jira Argagixiso, Budh-cad-baddeed iyo Fal-dambiyeedyo kale.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com