Suldaan Xasan Sul. Cabdilaahi: Subeer Awal waxa dhalay Dhulbahante” hoos ka Dhegeyso
Daawo: Beesha Subeer Awal oo hadhimo sharafeed ku casuumay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Beeshiisa..
Hargeysa(GNA)-Beesha Subeer Awal ayaa Maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Deegaanka uu ka soo jeeddo.
Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa Garaadka iyo Beeshiisa si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana ka soo qayb galay Madaxdhaqameedyada Beelaha Subeer-awal iyo Harti ee Magaalada Hargeysa ku sugan iyo Siyaasiyiinta labada dhinac.
Siyaasiyiinta Xafladaasi ku sugan waxa ka mid ahaa Wasiirrada, Ganacsiga, Maaliyadda, Gaashaandhiga, Hawlaha Guud, Kalluumaysiga, Wershadaha, wasiiro ku-xigeenno, Agaasimeyaal guud oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Cilmi oo ka mid ahaa Guddida isku soo duba riday Xafladda, Xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamanka, siyaasiyiin uu ka mid yahay Xasan Geerash iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Xafladaasi waxa hadal ka jeediyay dad badan oo isugu jira siyaasiyiin, Madaxdhaqameed iyo wax-garad, kuwaasoo Garaadka ku soo dhaweeyay gacmo furan iyo laab debecsan.
Siyaasiyiinta Xafladda ka hadlay waxa ka mid ahaa wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xubno kale oo ka soo jeedda labada beelood ee Xaflada isku casuumay.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo Munaasibaddaasi ka hadlay ayaa Garaadka ku soo dhaweeyay weedho ka turjumaya xidhiidhka dhaqan ee ka dhexeeya Bulshooyinka Somaliland iyo hal ku dhiga Beelaha uu hogaanka u yahay.
Suldaan Xasan ayaa yidhi “Garaad marka hore halkan waxaad ugu casuumantahay beesha Subeer Awal oo aad Abti u tahay, waayo Beesha Subeer Awal waxa dhalay Dhulbahante”ayuu yidhi.
Sidaa darteed anigoo ku hadlay afka hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Subeer awal marka hore waxaan ku leeyahay soo dhawoow, soo dhawoow “oo Hargeysa ku soo dhawoow”. Maanta qaranbaynu nahay, qarankana waxa horumar gaadhsiin kara inteena halkan fadhida oo meel wanaagsanbaynu maraynaaye inta ka dhiman wada doona”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Suldaan-Xasan-Xasan.mp3"][/audio]
Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo dhaweyn ka dib Xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu yahay Madaxdhaqameed u dhexeeya dhamaan Umadda Soomaaliyeed oo aanu ku koobnayn deegaan qudha iyo Gobol toona .
Garaad Jaamac ayaa sidoo kale caddeeyay inaanu Hargeysa marti ku ahayn ee uu yahay Nin dadka reer Hargeysa iyo kuwa Gobolka Soolba hogaan dhaqameed u ah.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Garaad-jaamac.mp3"][/audio]
Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno kale oo ka soo jeedda Deegaamada Gobolka Sool ayaa shalay Hargeysa soo gaadhay, ka dib heshiis siyaasaddeed oo ay xukuumadda Somaliland ku soo wada gaadheen dalka Djibouti oo ay ka soo kaxeeyeen Wasiirro halkaasi loogu diray.
Garaadka ayaa ka mid ahaa Isimadda Gobolka Sool ee dhidibada u taagay Maamulka la baxay Khaatumo state.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Halkan hoose ka daawo Sawiro dheeraad ah: