Tuesday, April 8, 2014

Dib u habayn lagu sameynayo Xeerka Shaqaalaha dawladda oo Guddi farsamo loo saaray


Reysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Agaasimeyaasha guud ee dawladda ka dalbaday wada shaqayn iyo isku xidhnaan iyo horumarinta shaqaalaha oo laga fikiray 22 sanno ka dib..




dib u habay  Muqdisho, 08, April, 2014 (GNA)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiraka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha. 




Kulankaasi ayaa looga hadlay tayeynta iyo dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda, waxaana  soo qaban qaabiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada .dib u hayb2




Masuuliyiintii ka soo qeyb galay kulanka ayaa soo jeediyey in dib loo habeeyo sharciyadii shaqaalaha rayidka, si loo helo nidaam ay ku hawlgalaan shaqaalaha rayidka , islamrkaasina ay raacaan hay’adaha dowladdu.




Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka ayaa sheegay in Agaasimayaasha Guud ee dowladda laga doonayo in ay la yimaadaan wada-shaqayn iyo isku-xirnaan dhinaca shaqada ah, si horumar farsamo looga gaadho addeegyada dawladdu bixiso.




“ Agaasimayaashu waxay laf-dhabar u yihiin shaqada Wasaaradaha, waana lagama maarmaan in ay yeeshaan kulamo joogta ah si markasta loo ogaado baahiyaha wasaaradaha, korna loogu qaado habsami-u-socodka howlaha dowladda. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenku.




Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Luqmaan Ismaaciil Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in ay muhiim tahay in la tayeeyo aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha.




“Waxaad arkeysaa wasaarad ay joogaan shaqaalo tira badan oo aan lahayn xirfadihii iyo aqoontii loo baahnaa, lama eryi karo aqoontooduna wasaaradihii ma kaabayso, marka waxaa lama huraan ah in tababar loo furo si aqoontooda kor looug qaado halkii laga eryi lahaa” sidaasi ayuu yiri Wasiir Luqmaan.




Agaasimaha Guud ee Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Aweys Xaddaad ayaa  isna sheegay inay jiraan baahi ballaaran oo ay qabaan shaqaalaha Dawladda, marka la eego dhinacyada horumarka iyo tayada aqoontooda, isla markaana laga doonayo Agaasimayaasha in ay arintaasi xalkeeda raadiyaan.




dib u habaynUgu danbayn, waxaa laysku raacay in la dhiso guddi ka kooban Agaasimayaasha Guud iyo khubaro Soomaaliyeed oo ka soo baaraandaga dib-u-habayn la doonayo in lagu sameeyo xeerka shaqaalaha Dowladda.




Waxaa sidoo kale la isku afgartay in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isla-markaasina loo sameeyo tababaro iyo aqoon-kororsi.




Natiijada kulankan ka soo baxday ayaa rejo weyn u abuuraysa dadka u shaqeeya xafiisyada dawladda oo aan 22kii sanadood ee dalku burbursanaa horumarintooda laga fikirin.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com