Hargeysa(GNA )Dr Aadan Ismaciil oo ku magac dheer “ Suldaanka” waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee aqoontoodu gaadhsiisan tahay Double PHD waxaana uu inta badan wakhtigiisa ku bixiyaa kor u qaadida, tayaynta iyo dhiirigelinta ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka.
Boqolaal arday oo wax ka barata Jaamacadda Hargeysa ayaa xalay Prof: Aadan Ismail waxa uu hoolka shirarka ee jaamacadaaasi uga jeediyey Lecture si qotodheer Prof Ismail ugu lafa guray barashada aqoonta dhaqaalaha iyo muhiimada uu dalka somaliland uu leeyahay in la helo aqoonyahano da’yar oo ku lebisan aqoonta dhaqaalaha.
Sidoo kalena waxa uu ku dheeraaday sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka iyo waxyaabaha lagaga gaashaaman karo amaba lagaga badbaadi karo sixir bararka iyo kor ukaca maceeshada sida ba’an saamaynta ugu yeelan karta bulshada sida togana u saamayn karta dadka danyarta ah.
Sidoo kale waxaa ardaydu aqoonyahanka kadib su’aalo ugaga weydiiyeen faa’iidada iyo khasaaraha Isticmaalka Adeega Zaadka taaso Dr Aadam uu ku sifeeyey in adeega Zaad yahay u adeegaha dan yarta iyo kan taajirka ahba sidoo kalena uu yahay saaxiibka sirta dhaqaalaha cid kastaba isla markaana Maalin kasta bulshada u fuliya in kabadan 200,000 kun oo faa’iido taaso buu yidhi balaashlaha ilaa bagaashlaha, dilaalka iyo ninka reer-miyiga ah arday ilaa macalin shaah iyo sharaab qado iyo quraac shaxaad iyo sadaqo si sahlan meel kastaba kuugu fududaynaya.