Tuesday, April 15, 2014

Dadka Reer Somaliland Waxay Moodayeen Inay Doorteen Madaxweyne A.M.M Siilaanyo Balse In Reer Dhan La Doortay May Moodahayn.!!!


 “”Xukuumadana waxaanu leenahay Wasiir wuxu doono ku hadla oo Beel  balaadhan meel kaga dhaca wixii uu leeyahay xukuumada Siilaanyo ha ku qaado, Haddii cid la caayayo anagu aflagaado geysan mayno beesha Madaxweynahana  afku noo qabanmaayo ……..” .. ‘Awr tumaal geelbuu ka dhashee ninkan dadka ha laga qabto haddaan lagu raacsanayn.”




Aniga oo tixraacaya aflaagadada qaawan ee maangaabnimada iyo raad barashadu  ka muuqato ee sida joogtada ah  ugasoo yeedhaysa  Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamud Xaashi waxaan u holladay inaan u halceliyo Wasiirka Musaqa iyo Boobka hantida ummada ku astaysan,  Hadaladan deelqaafka ah ee milgaha iyo xubinta hadalka ka tagan  wasiirkuna caadaystay inuu kula dul dhaco Madax dhaqameedka iyo Guud ahaan beesha Ciidangale waxa  kamid ahaa sidan :““ Waxaanu khaatiyaan ka taaganahay beesha Ciidagale madax dhaqameedkeeda iyo dadkeeda, oo aanu marwalba isku haysano dhulkii airport-ka oo ay doonayaan inay baloogeeyaan, dadka ka shaqeeya airportkuna iyagay u badanyihiin xukuumada siilaanyana u joojinmayso ha ogaadaan midhaas.””




Haddaba Wasiirka duulista iyo hawada oo bulshadu gacantaag iyo musuq  ku taqaano, waxaanu leenahay Wasiirka  malaha maanta ayaa Hargeysa ugu horeysee, ilaa dawladii Maxamed Siyaad bare dadku deegaan ayay ahaayeen, xuduud gaar ahina muu jirin ninkastaaana beertiisa iyo gurigiisu halkii uu ku lahaa isagaa dambaaba cidna u daba fadhiisanmaayo.




Wasiir adigu Madaarka burco orod tag oo soo baloogee,  nin gabyaa ah ayaa hore looga hayaa “dhulka waa lakala leeyahay iyo dooga soo baxa.” Wasiirka intaas ayaa igaga filan.




Xukuumadana waxaanu leenahay Wasiir wuxu doono ku hadla oo Beel  balaadhan meel kaga dhaca wixii uu leeyahay xukuumada Siilaanyo ha ku qaado, Haddii cid la caayayo anagu aflagaado geysan mayno beesha Madaxweynahana  afku noo qabanmaayo oo sharafka iyo milgaha ka tegimayno, lakiinse awr tumaal geelbuu ka dhashee ninkan dadka ha laga qabto haddaan lagu raacsanayn.




Madaxweyne  A.M.M Siilaanyo waa madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa marka aan lagala masuugayn, doorashana wuu gelayaa dadka reer Somaliland-na  waliba aad ayay ugu hanqal taagayaan inay u codeeyaan, markuu na leeyahay xukuumada siilaanyo u joojinmayso cidna muxu micnaheedu noqonkaraa ? ma dadkuu ka eryayaa xukuumada iyo Madaxweynaha ?  Mise cid gaareey isku halaynaysaa xukuumadu ? bulshadu waa bulshadii nabada lagu naaloonayo cudada u ahayd Codna waad ka filaysaa Madaxweyne.




Xukuumada waxaanu kula talinaynaa inay dadka ay Mansabka Wasiirnimo ku aaminayso u meel dayaan oo isha si dhow ugu hayaan. Haddii kale cawaaqib xumo aan la mahadin ayaay dhaxalsiin iyaga iyo xukuumada ay ka tirsanyihiinba waxayna horseedi kartaa in laysku soo biyayso oon waxbaba laysku xeerin.




 




Wa bilaahi tawfiiq.




Hassan Ismail.




Horu-socod@hotmail.com