Burco(GNA)Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheikh Cismaan Nuur, ayaa Bulshada Magaaladasi ku dhaqan ugu baaqay inay saxadda iyo Nadaafadda ilaaliyaan, maadaama la guddo galay xiligii Roobka Guga.
Cismaan Sheikh Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay cudurro halis ahi ka dhalan karaan nadaafad darada, hadii aanay bulshadu qashinka iska hagaajin.
"waxa Diintu inoo sheegtay in Nadaafaddu badh ka tahay Imaamka, sidaa darteed waxaad ogtihiin in la galay xiligii Ilaahay SWT Raxmaadka roobka inoo shubi jiray,sidaa darteed waxaan dadweynaha reer Burco ku boorinayaan inay nadaafadda ilaaliyaan oo ay qashinka ku ridaan goobaha loogu talo galay"ayuu yidhi.
Xoghayaha ayaa intaasi raaciyay "hadii aanay dadku nadaafadda ilaalin waxa ka dhalan kara Cuduro halis ah illaahay inaguma keenee, sidaa darteed waxaan ka codsanayaa bulshada inay dawladda hoose kala shaqeeyaan bilicda iyo ilaalinta saxadda".
dhinaca kale, waxa uu sarkaalkani bulshada u soo jeediyay inay bixiyaan cashuurta ku waajibtay.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office