Kolanyo Askar ah Yuusuf Cabdi Gaboobe Gurigiisa ugu tegay, kana dalbaday inuu Saldhiga u raaco…
Hargeysa(GNA)-Ciidamo Bilays ah ayaa Maanta Gurigiisa ugu tegay Guddoomiyaha Wargeyska Xukuumadda Somaliland u Xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo sida la sheegay ay isku dayeen inay xabsiga u taxaabaan.
Kolanyo Bilayska Saldhiga Degmad kood-buur ee Magaaladda Hargeysa oo uu hogaaminayo Taliyaha Saldhigaasi Cabdisalaan Diin-qale, ayaa Yuusuf Cabdi Gaboobe ku amray inuu u raaco Saldhiga,iyagoo aan wax waraan ah sidan, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen goob-joogeyaal ah.
Mulkilaha Haatuf ayaa ku gacan-daydhay amarka Bilayska oo aan wax fasax ah ka haysan Hay’adaha garsoorka marka la eego talaabada Xukuumaddu ku xayirtay Wargeyskiisyada Haatuf Media iyo Somaliland times oo uu Mulkile ka yahay.
Qorshahan ayaa u muuqda mid xukuumaddu doonayso inay ku xidho Masuulkan oo aanay ilaa hada wax dacwad ah Hay’adaha Dambi baadhistu ku soo oogin,sababta wargeyskiisa loo xayirayna aanay Hay’adaha Garsoorka dacwad looga gudbin.
Saraakiisha Ciidanka Bilayska Somaliland oo aannu la xidhiidhnay si aannu wax uga waydiino sababta ciidanka loogu diray Guddoomiyaha ayaa ka jawaabi waayay Taleefoonnadooda gacanta.
Mid ka mid ah Hawl-waddeenada Wargeyska Haatuf ayaa Gobanimo u sheegay inaan ilaa hada wax dacwad ah lagu soo oogin, isla markaana cid haysata iyo meel laga haysto toona aanay garanayn.
Wargeyska Haatuf ayaa xaruntiisa ay la wareegeen Ciidamo Bilays ahi Isniintii todobaadkii hore, ka dib markii sida Masuuliyiintiisu sheegeen ay wax ka qoreen Faddeexado musuqmaasuq oo ay galeen Wasiirka Macdanta iyo Wiil uu Madaxweynaha Qaranku Sodog u yahay oo ku shuraakoobay Mashariicda Shidaal baadhista ee dalka ka scoda.
Wargeyska ayaan ilaa hada wax eedda ah Hay’adaha Garsoorka looga gudbin, balse masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha guduhu ayaa caddeeyay in lagu haysto qoraallo ku soo baxay Wargeyska oo dawladdu dhibsatay.
Xukuumadda ayaa hore sidan oo kale isugu dayday inay xabsiga dhigto soosaareyaasha Wargeyska Hubaal ee horaantii sanadkan sidan oo kale Hay’addaha amnigu ula wareegeen Xafiiskiisa.
Bilayska ayaa muddo dheer daba socday Guddoomiyaha Wargeyskaasi Maxamed Axmed Jaamac iyo Tafaftiraha Xasan Cabdillaahi, inkasta oo markii dambe Ergo iyo maslaxad lagaga baajiyay xadhig dawladdu u diyaarisay.
Talaabooyinka noocan ah ayaa muujinaya gabood fallo badheedh ah oo Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Warbaahinta Madax banaan ee dalka ka soo baxda oo haatan Wargeyskii labaad ku xayiranyahay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com