Xukuumadda Siilaanyo maxay umadda ugu caddeyn wayday jiritaanka Dhibaatada Itoobiyaankii Kala-baydh lagu qabtay sheegteen?GNA
Guddoomiye Yamaarug: Maayirka iyo dadkaa ka waraysta anigu kama hadlayo arrintaasi"jawaab
Golaha Deegaanka Gabiley: Been yaan loo sheegin Dawladda Itoobiya”?
Gabiley(GNA)-Badhasaabka Gobolka Gabiley ayaa shaqadda laga joojiyay maalmihii la soo dhaafay ee todobaadkii hore.
Tani waxay ka dambeysay, kaddib xiisad ka dhalatay Saraakiil Itoobiyaan ah oo afar todobaad ka hor laga soo qabtay Kaantaroolka Magaalada Kala-baydh oo la sheegay in laga qaaday Qalab Sir ah, handidaadna loo geystay, kuwaasoo falalka ay sheegteen in lagula kacay loo soo xidh-xidhay saraakiil tiro badan oo laamaha dawladda ka tirsan iyo Taliye ku-xigeenkii qaybta Bilayska.
Kiiskan ayaa xiisad diblomaasiyaddeed oo xaasaasiyad dhalisay ka dhex dhalaysay labada dawladda ee Itoobiya iyo Somaliland.
Saraakiisha kiiskaasi lagu eeddeeyay oo ay Somaliland xidh-xidhay laba todobaad ka dib marki dhinaca Itoobiya laga soo dacweeyay ayaan wali wax natiijo ah laga soo saarin falka lagu eeddeeyay, iyadoo qaarkood wali maqanyihiin.
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi oo markii falkani dhacay Gobolka joogay,soo qabqabashada Nimanka xidhan kaddibna C.I.D-du Su’aallo waydiisay, ayaa la sheegay si rasmiya shaqada looga joojiyay, sida uu Gobanimo u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan laamaha dawladda ee Gabiley.
“haa waa laga joojiyay shaqada Badhasaabka oo maalmahanba muu shaqaynayn ee waxa shaqada waday ku xigeenkiisii”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Sarkaal ka cudur daartay in magaciisa la soo xigto.
Arrintan ayaa timi maalmo kaddib,markii ay sagaal Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ay farta ku fiiqeen in Nimankii ka dambeeyay falka lagu baadhay saraakiisha Itoobiya ragii ka dambeeyay ama fuliyay ay Magaaladda Gabiley joogaan, xubnaha xidhan ee lagu eeddeeyayna aanay wax lug ah ku lahayn dambigaasi.
Xildhibaanno Gabiley
“dawladda Somaliland waxaanu u sheegaynaa waxba yaan Itoobiya been loo sheegin nimankii ka dambeeyay falka diblomaasiyiinta Itoobiya loo geystay waxay joogaan Gabiley dhexdeeda, nimankan xidhanna wax dambi ah may gelin”sidaasi waxa yidhi xubin ka mida sagaalka xildhibaan oo Isniintii todobaadkii hore hadlay.
Dadka Gobolka ee arrimahan la socda ayaa tilmaamay in cidda eeddan ay Mudaneyaashu saareyaan uu ka mid yahay Maayirka Magaaladda oo ay doonayaan inay xilka ka qaadaan si kiiskaasi wixii ku leeyahay loogu qaaddo.
Maayir Shucayb waa la ridayaa
Maayir Shucayb ayaa ilo-wareedyo xogogaal ah oo Gobanimo heshay ay tibaaxayaan inuu halis ugu jiro in maamuus ka xayuubin iyo xadhig falka saraakiisha kale ee dawladda loo heystaa waajaho, hase ahaatee wali war cad lagama helin Hay’adaha baadhista ee arrintan ku foogan.
Dhinaca kale, wargeysyada ka soo baxda Magaalada Hargeysa ayaa qaarkood qoreen maanta in la bedelayo Badhasaabka Shaqada laga joojiyay, inkasta oo aan xog dhab ah laga haysan arrintaasi.
Badhasaabka oo Hudheel Hargeysa ah Camal la'aan la jooga
Badhasaabka Gobolka Gabiley Ibraahim Yuusuf Geedi (Yamaarug) oo wariye ku tirsan Gobanimo uu kula kulmay Hudheelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, kaddibna uu isku dayay inuu wax ka waydiiyo arrimaha Gobolka ka dhacay ee shaqadda lagaga joojiyay ayaa ka gaabsaday inuu wax war ah bixiyo.
Gudddoomiyaha ayaa Wariyeha ku yidhi “annigu hada kama hadlayo arrimahaas oo Telefishankii Dawladdaba waan eryay, cid kalena lama hadlayo ee iga tag, Maayirka iyo dadkaa waraystoo”ayuu yidhi isagoo si adag u diidan in mawduucaasi lagala hadlo.
Hadalka Guddoomiyaha iyo wararka la xidhiidha shaqo ka joojinta lagu sameeyay ayaa muujinaya inay marxalad kale madaxa la gashay baadhista dawladda Somaliland ku samaynayso kiiska Itoobiyaanka ku andacooday in la baadhay oo aan wax caddeyn ah ilaa hada dawladdoodu soo bandhigin inta la ogyahay.
Raalin gelin aan jawaab laga helin
Dawladda Somaliland ayaa hore raali gelin uga siisay Addis-ababa falkan “Dawladda Itoobiya waxaanu ka raali gelinay falkaa foosha xun ee lagula kacay Saraakiishooda”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis oo Jimcihii shalay u dhoofay addis-ababa.
Wasiirka ayaa waydaartay Madaxweyne ku-xigeenka Xukuumadda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna shalay kaga soo laabtay safar arrintan la xidhiidha oo dhawr Maalmood qaatay.
Saylici ayaa ku doodday inay meel wanaagsan wax isla dhigeen Dawladda Itoobiya markii ay arrintan ka wada hadleen.
SHacbiga oo Shakisan
Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Siilaanyo ayaa talaabooyinkan is daba socda qaaday, iyadoo aan soo bandhigin caddeymo shacbiga loogu beyaaminayo jiritaanka dhibaatooyinka Saraakiisha Itoobiya sheegteen oo hadal hayn uu ku ah.
Waxaana dadka qaar ku jira shaki ay ka qabaan eeddan, iyagoo u arka arrin mu’aamarad siyaasaddeed loogu dhigayo dawladda Somaliland.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com