AGAASIMAHA FULINTA DALLADA DHALINYARADA SOMALILAND EE SONYO OO MAANTA DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KANA WAR BIXIYEY SAFAR TODOBAADYO QAATAY OO UU KU TAGAY MARAYKANKA+DAAWO SAWIRADA
Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa waddanka Maraykanka ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimadda Somaliland.
Hargeysa (HWN):- Agaasimaha Fulinta Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed oo muddo laba toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa waddanka Maraykanka ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimadda Somaliland.
Soo dhawaynta agaasimaha Sonya ayaa waxa ka qayb galay xubno ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku Xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Agaasimaha Dalladda SONSAF Md. Maxamed Axmed Maxamuud Barawaani iyo Xubno ka socday Golaha sare ee SONYO.
Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Somaliland eee Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani Ayaa waxa uu sheegay inay soo dhawayntani mudan tahay doorka ay dhalinyarada Somaliland ka qaateen qadiyada wadanka waxaaanu yidhi “waxay mudan tahay soo dhawayntani doorka ay dhalinyarada reer somaliland ka qaateen in qadiyada madax banaanida Somaliland ay xanbaaraan oo ay gaadhsiiyaan dunida, gaar ahaana guriga cad ee looga taliyo wadanka Maraykanka, wasaarada dhalinyarara iyo ciyaarahana faan ayey u tahay iyo guud ahaanba dhalinyarada Somaliland, mudadii uu agaasimaha dalada dhalinyarada ee Sonyo joogay wadanka maraykanka waxa uu la kulmay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda wadanka maraykanka, kuwas oo kala tirsanaa guriga cad, dawladaha hoose iyo golayaasha wadanka Maraykanka, waxaanay muujinaysaa halka uu gaadhsiisan yahay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee dallada Sonyo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha dalada Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani.
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa dhiniciisa ka hadlay soo dhawaynta agaasimaha fullinta dalada Sonyo, waxaanu ka xog waramay waxyaalaha ay daladani u taagan tahay waxaanu yidhi “Waan soo dhawaynaynaa agaasimaha Sonyo hawsha badan ee uu soo qabtay ee uu ku matalayey dhalinyarada Somaliland iyo qarankooda ee uu qadiyada Somaliland gaadhsiiyey meel fog, dallada Sonyo waa dalad ay ku midoobeen dhalinyarada Somaliland oo samaysatay ururo kala duwan oo dalka Somaliland oo dhan ka kooban, mana jiro halkaana waxa ka muuqata inay Sonyo matalayso dadka iyagu ku midoobay adeegna u haysa dhalinyarada Somaliland, ilaa hadana dedaalka ay ku jiraan iyo sida ay ugu adeegayaan dhalinyarada waa mid aanu soo dhawaynayno oo dadka iyo dalkaba taariikhda u gali doona.” Ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye.
Ugu danbayntiina agaasimaha Fullinta dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Siciid Maxamed Axmed ayaa ka war bixiyey ujeedada safarkii uu ku tagay wadanka Maraykanka, waxaanu ka xog waramay dhawr arimood oo uga soo qabsoomay safarkaas uu ku tagay wadanka Maraykanka waxaanu yidhi “safarka aan ku tagay wadanka Maraykanka waxa sanad kasta lagu soo marti qaadaa dhalinyarada Afrika, waxaana soo marti qaada wasaarada arimaha debada maraykanka gaar ahana qaybteeda dhaqanka waxaanay uga gol leeyihiin inay ku wanaajiyaan xidhiidhka ka dhaxeeya maraykanka iyo aduunka kale, sidoo kalana inay wax ka bartaan habka maamul iyo maarayneed ee ay isticmaalaan duniduna iyaga wax ka barato, Somaliland waxa u sharaf ah inay ka mid noqotay sanadkan labaatan dal oo lagu soo marti qaaday geeska Afrikana waxa ku wehelinayey wadanka Kenyo oo kaliya.”
Agaasimaha Fulinta ee Sonyo Siciid Maxamed Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa ka war bixiyey kulan uu la qaatay la taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee qaarada Afrika waxaanu yidhi “Waxaan tagay guriga cad ee wadanka Maraykanka waxaan la kulmay la taliyaha madaxweynaha maraykanka ee arimaha Afrika oo ah nin dhalinyaro ah, waxaanu nooga waramay qorshaha madaxweynaha maraykanka uga taala Afrika kuwaas oo uu ku sheegay afar qodob oo kala ah Nabada, dimuqraadiyada,iskaashiga dhaqaale iyo horu marinta cilmiga iyo dadka.”
Sidoo kale waxa uu ka war bixiyey kulamo uu ku qaatay xarunta baarlamaanka wadanka Maraykanka waxaanu yidhi “Waxa kale oo aanu tagnay xarunta baarlamaanka wadanka Maraykanka oo ay nagu marti qaaday gabadha gudoomiyaha u ah gudi hoosaadka arimaha Afrika iyo xidhiidhka caalamiga ah waxaanan aad ugu farxay inay Somaliland aad u garanayso oo ay jaaliyada la shaqayso, waxaanan ka codsanay inay nagu soo war geliso sidii ay hay’adahooda fulinta ugu dhiiri gelinayso inay wax la qabtaan dhalinyarada Somaliland, waxa kale oo aanu tagnay qaar ka mid ah jaamacadaha wadanka Maraykanka waxaanan xooga saaraynay sidii ay xidhiidh ula samaysan lahaayeen jaamacada wadankeena ee ku yaala lixda gobol ee dalka.”
Dhinaca kale waxa soo dhawaynta agaasimaha fullinta ee dalada Sonyo ka hadlay xubno ka socday ururada iyo dalladaha kala duwan ee Somaliland kuwaas oo sheegay inay soo dhawaynayaan wax qabadkii agaasimaha Sonyo uga soo hir gelay safarkii uu ku tagay wadanka Maraykanka.
siciid abdilaahi gobanimonews.com/Office Hargeysa/Somaliland siciiddoodoo@gmail.com