Sunday, April 20, 2014

Adduunyaddu way tagtaa amaba Ruuxaa ka taga!


Ujeedada ugu wayn ee uu ilahay suxaanu waacaalaa aduunyada inoo keenay ee uu inoo abuuray waxaa weeyi inaan isaga caabudno sida uu ilahay kitaabkiisa qaaliga ah ku sheegayna waxaa uu ilahay yidhi jinka iyo insiga umaanaan abuurin ilaa inay aniga i caabudaan mooyaane sidaa awgeed waxaan leenahay ahmiyada aan kownkan u joognaa waa cibaado iyo wanaag samayn sideedabana aduunyadu waa imtixaan waxaana la inooga baahan yahay inaan imtixaankaasi iska giijino oo ku tala galno inaan ka gudubno oo aynaan ku dhicin hadaan imtixaankaasi ku guulaysano waan liibaanaynaa oo aakhiro waxaan galaynaa janooyinkiisa hadaan imtixaankaasi ku guul daraysanana waa khasaaraynaa oo waxaan galaynaa naarta ilahay ha inaga nabad galiyee.




 




dhinaca kale waxaa iyana imtixaan ah maalka oo isna wata dhibkiisa waayo waxaa uu leeyahay saamayn balaadhan oo uu ku sameeyo qofka haysta laba wado mid uunbuuna mariyaa ama waa lumiyaa ama waa toosiyaa oo  hadaad maalka u adeegsato sidii ay ahayd inaad u adeegsato oo aad wada khayrka badan ku bixiso diinta ilahay ugu gargarto masaakiintana wax tarto wado kasta oo khayr ahna aa maalkaaga ku bixiso aduunyo iyo aakhiraba waad badhaadhi maalkana ilahay waa kuu barakayni sidaa cagsigeeda hadaad maalkaaga ku bixiso meel aan ilahay raali kahayn oo aad kaga shaqayso xumaanta iyo kala dilka umada wado kasta oo aan banaanayna aad ku bixiso if iyo aakhiraba waad guul daraysan maalkaaguna waxaa uu kuu horseedi doonaa inaad lakulantociqaabta ilahay.




 




sida uu nabi muxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu inoo sheegayna waxa lagu yidhi aduunyada waxaad ku ahaataa sidii mid qariib ku ah ama mid safar ku maraaya.




macnaha xadiiskuna waa aduunyada ha isku ilaabine ka shaqayso oo aakhiro u hub ururso ha isku ilaabin waayo garan maysid warna uma haysid goor lagaa qaban markaa waa inaan ku tala gashaa in adoo wax ilahay raali ka yahay wada lagaa qabto nafta.




 




cumar binu khadaab ilahay raali ha ka ahaadee waxaa odhan jiray markaad waa bariisato ha sugi galabatsi.




waayo hadaad adoo caafimaad qaba soo kacday war kama haysid inaad galabta gaadhi iyo in kale kolkaasi walal waxaa kula gudboon intaad nooshahay waa inaad ku mashquushaa kana shaqaysaa wax ilahay raali ka yahay kana dheeraataa waxkasta oo ilahay neceb yahay oo aan inoo banaanayn.




 




hadab si aad u yaqiinsato ama aad u rumaysato in aduunyada laga tagaayo waxaad eeg eegtaa hareerahaaga waxaad iswaydiisaa meeye dadkii aduunka kaaga soo horeeyey waxaad xasuusataa inta aad garanayso ee shalay aduunka joogtay maanta daartii dhabta ahayd qabtay.




waxaad is waydiisaa awoow yaasheen meeye xagay qabteen imisaa se shalay aad taqaanay aduunyada qoodh ka ahaa maanta u caraabat hoygii dhabta ahaa ee aakhiro walaal markaad waxaaso oo dhan iyo tusaale yaal fara badan qaadato waxaad ogaan doontaa in aduunyadu dhaxdin tahay balse aanay ahayn meel la isku halayn karo waana inaan  ka diyaar garawnaa.




guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay aduunyadu way tagtaa amaba ruuxaa ka taga.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)