Wednesday, April 30, 2014

La-taliye Hambalyo u diray Kulmiye


axmed awroWaxa dhammaaday shirweyni xisbi xaakimka Kulmiye, xisbi sal balaadhan, loolan adag, rag iyo haween miisaan siyaasadeed lihi buuxshay, xisbi gogal xaadh badan, dhegeysi wacan, guddiyo badan, soo-jeed badan, tabco iyo xeelad badan, dimuquraadi fursado badan, tartanku furan yahay, haddana uruuris wacan.




 




Waxa la rogrogay qaabab badan oo wax loo curto. Waxa la saadaaliyey tan ugu habboon, maan jeceleysan oo sibaan u arkaayey. Waxay noqotay mid cid meesha ka saaraysa cidna soo galinaysa. Talo se waxay la taala nin la tumay. Wey qaateen arrin ugub ku ah xisbiga, waxa qiimo weyn la siiyey cidda xisbiga ku cusub. Rag iyo haween hore cadhoode, badina laba halmaan. Mey hadhin oo waxay dhiibteen badheedhahooda, foodda ayaa leys daray. Waxay noqotay idinku cidda wax soo dhoweynaysa ayaa tihiin, cidda martida loo yahay yaa tihiin, cidda u baahan cududa ku soo biireysa ayaad tihiin.




 




Gar waaqsanay anagoo guuxayna. Ka hawl galnay sida cid marti loo yahay wax u soo dhoweyso. Habeenkii guuraynay, ka hawlgalnay soo uruurinta rayiga iyo roorayaasha. Sida xisbi kasta oo dimuquraadi ihi u dhaqmo u roornay oo doonay inaanu tartanka soo uruurini, xal u helno oo afgarad shirki horti la gaadho. Wax yar ayey dhacda dunida dimuquraadiga ah in shirweyne lagu tartamo, waxa lagu soo dhammeeya debedda oo loo kala hadha iyadoon leys jujuubin, ee tanaasul iyo is qancin ayaa guntu tahay.




 




Ku guuleysanay oo boos kasta u helnay qof kaliya oo buuxsha. Waxa xigta in loo helo oggolaanshaha shirweynaha oon la' aanti ayna suurtagal ahayn in la meel mariyo tanaasulkii debedda lagu soo dhammeeyey. Hawsha waxa gunteeda hayey Hoggaanka xisbiga iyo Xukuumadda.




 




Waxa suurtagal ka dhigay inay soo afjaraan kala-maan dhexyaalay Hoggaanka iyo Koox Wasiiro ah, labada hoggaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo ah rag muddo dheer rafaad iyo raaxaba isla soo maray, laba hoggaamiye oo aqoontooda khilaaf suulintu tahay mid taariikhi ah. Waa hoggaamiyaal kolkay cidhibta isla helaan aan cidi is hortaagin. Xeelad iyo tab yaqaano xadhiga siyaasadda meelo badan ka garaaca.




 




Wey timid goobteed iyo gole il yartu is qabatey waa xiligeedi. Guushii la soo dhiraan dhiriyey afaafka ayey isa soo taagtay.. Waa Siyaasi Gaafaadhe iyo taladii Qudhaanjada..habeen ka hor yaa taladeed la gaadhay, farxadda se waxa lala sugaayey Golaha..Mujaahid Maxamed Kaahin loo bannee jagadi bariga lagaga soo duulay. Gaafadhana qaaday go'aan ka dib kolkuu muujiyey inayna Beeshu ahayn mid afka la hayo ee ay tahay mid qof waliba hankiisa sheegan karo.




 




Waa halyeeyadi Basbaaso oo iyna sheegtay inay Shinidu tahay mid ilaashata midnimada iyo isku duubnida, Waxa barbarb taagan Xoghayaha Guud Xasan Saciid, waxay raacsaday siday ugu faraxday go'aanka Madaxweynha ee kootada Golayaasha ee haweenka..Haweenkana u dirtay fariin ah aynu is muujino kolka doorashadu timaado.




 




Waxa la sugaayey libaaxyada iyo reenkooda oo la maqlay ayaamihii ugu dambeeyey. Dhakhtarki soo kac kana sanqadhi lalo libaax oo Waabeeye oo ayaamahan hareeraha eegaayey mar kaliya dhoolo caddee, iyagoo gacmaha is haystana taaj libaax la saar.




 




Waxa la sugaaba waa coddeenti. Waa raggii hawsha soo waday oo xisbigu isla gartay inay yihiin hoggaankii guusha keenay xili adag oo la furay ururada. Xili la filaayey inuu wiiqmo wadajirka xisbigu, xili ururo reereysani soo baxeen. Waxaan la halmaamayn guusha xisbigu ka keenay dhammaan lixda gobol oon cidi u soo dhoweyn, si gaar ahna guusha Madaxweyne xigeenku ka keeney Gobalada Awdal iyo Salal iyo tan Guddoomiye Muuse ka hantiyey Gobalada Maroodi-Jeex iyo Saaxil, iya Guusha Maxamed Kaahin ka midho- dhaliyey Togdheer.iyo tan Tanlanye ka keenay Sool iyo Sanaag.




 




La weydii sida sharciga ah in ay jiraan cid diidani kolkuu gacmo tiro beelay ay u taagan haaa raaciyeena dhawaaq iyo sacab. Guddoomiyaha la waa cid kaliya oo maya tidha inta kalena waxaan faro ku tiris ahayn loo waa. Waa haa iyo haa aan maya iyo mooji meelna lagu sheegin.




 




Waa guulahaas kuwa dhaliyey in dib loogu doorto kooxdii guusha dhaklisay.




 




Hanbalyo iyo bogaadin diiran ayaan u diray Hoggaanka Xisbiga, waxaana na deeqday balanka aad u qaadeen inaydun dhowrtaan sharciyada xisbiga iyo qaranka, una hawl gashaan horumarka iyo midnimada qaranka. Waxaanu nahay tiirarka xisbiga ee la halmaamay, dulqaadkeed waanu leenahay, laakiin mar walba ahaan karimeynu inaanu noqon hangool.




Tanaasulka waxa ka hawlgalay hangooladi Kulmiye.Hangoolku reerka wuu soo oodaa, oo colkana wuu ka deyraa, cid ka baxdana wuu ka deyra.




 




Guul iyo Wadajir




 




Axmed Xasan Carwo




samotalis@gmail.com

Hambalyo ku socota Naasir Yuusuf iyo Shukri Siciid


Waxaan Hambalyo u Dirayaa xoghayaha Gaarka ah ee saxaafadda madaxtooyadda JSL Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Qaaligaa Hooddo Siciid Shukri oo meherkooddu saaka ka dhacay Hotel Maansoor ee magaaladda hargaysa waxaanan leeyahay Aqal galkiina ku gaadha bashbash iyo barwaaqo
AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Aniguba Aabbo Ayaan Ahay!!


Da,diisu waa sannad iyo toban bilood, qurux ilaahay siiyay firfircoonina u dheertahay, naxariis badan oo dareemada iyo ficilada uu gudbinayo qaarkood markaan ka arko aan is idhaahdo malaha da,diisa iyo maskaxdiisu carri iyo ciirsi.




 


Jacaylkaan u qabo ma sheegi karo waxaan ku qiyaaso, malaha waa mid uun dareenkiisa uu ila fahmi karo beer wax dhalay, ma odhanayo waan kasoo wada baxay waajibkiisii sababtoo ah mashquulkaygu wuu badan yahay oo maalinkii waxaan shaqeeya in kabadan 15saacadood anigoo isku qancinaya inaan isaga u maqanahay hadana daqiiqad maskaxdayda kama baxo maqalka hadaaqiisana aad ayaan ugu soo hiloobaa marwalba.





Maalinka jimcaha badanaa waan kaxeeyaa oo salaadda jimce ayuu ila soo tukadaa inkasta oo dadku igula yaabaan oo qaarkood ay igu qabsadaan iyagoo leh waar ilmaha yar maxaad usoo kaxaysay ma ubadka kale ayuu ka fiican yahay?.. Jacaylkaa indha la,




Kalmado kooban ayuu ku hadaaqaa oo ay ka mid yihiin Baabaa Maamaa Iyo Allaah oo uu mid walba markuu ku dhawaaqayo fartiisa yar ee quruxda badan midabkeeduna cas yahay uu ku fiiqo kolba halka aabihii ama hooyadii ka xigto ama samada isago Allah tilmaamaya, waxa intaas u dheer markuu wax la yaabo intuu gafuurka yar uruuriyo ayuu yidhaahda Naw.. tolow yaa baray ma aqaan!!




Gaadhiga hadaanu korno ma ogala meel aan dhabtayda ahayn aniguna waa meesha kaliya ee aan ku aamino, waan la ciyaaraa, waan la sheekaystaa sida qof aan muddo dheer asxaab ahayn, waanan la qoslaa laabtaydana muddo dheer ayaan ku hayaa iyadoo wadnahaygu naxariis badan dareemayo.




Waqtiyada iigu xiisaha badan waa markaan arko dhawrka ilig ee dhawaan usoo baxay markuu muujiyo isagoo qoslaya si kalana maahee farxaddiisu waa farxaddayda, hadana waxaan is arkaa iyadoo ilmo igu taagan tahay ma aqaan sababteeda laakiin waxaan xasuustaa maalin aan gagida diyaaradaha ee berbera kasoo dagay anigoo muddo dhawr sano ah dalka ka maqnaa halkaas oo aanu aabahay allah haka raali noqdee ku kulanay markaan salaamay een laabta saaray waxay ishaydu si tuuga ah u dareentay isago indhihiisa ilmo ku taagan tahay iskuna dayaya inaanan arkin ee uu qariyo maan fahmin sababta uu la ilmaynayay maalinkaas laakin hadda ayuu dareenkaasi i taabtay muddo sanado ah kadib markaan aniguna waalid noqday.




Dareenkan aan cabirayo waan ogsoonahay in aabayaal badani ila wadaagaan, waxa se igu dhaliyay waydiimo is daba yaal oo gabadh qoraa ah magaceeduna yahay Muna Axmed Cumar ay ku taxday maqaal ay ugu magac dartay MA IYAGAAN DHALIN?! Oo ay ku raadinaysay sidaan u fahmay aabbo soomaaliyeed oo dareenkan oo kale leh kadib markay dhaayaha saartay una qushuucday nin ajnabi ah oo ilmo uu dhalay kaligii sita oo la dheelaya .




 Inkasta oo Muna ay maqaalkeeda kusoo gagabaysay inaan dhambaalkeedu khusaynin aabayaasha wanaagsan ee xilkoodii kasoo baxay hadana waxaanan jeclaystay inaan Qoraaga ku idhaahdo ANIGUBA AABAAN  AHAY!! Waxaanan hubaa in si dhab ah bulshada ay uga buuxaan dad intaan sheegay toban laab ka naxariis badan waqtiyo badanna la qaata ubadka halkaan anigu waqti kooban haleelo kuwaas oo koolkooliya la ciyaara una sheekeeya midhaha beerkooda.




Ugu danbayn waxaan allah ka baryayaa inuu ubadka inoo hagaajiyo .. aabayaashana allah kayeelo kuwo ubadkooda u naxariista oo dhaqanka suubban ku koriya dareemana in masuuliyadu aabaha iyo hooyada labadaba ay saaran tahay oo hooyada aanay ku gaar ahayn




W/Q  Xamse M Cumar Kujoog




 




Halkan ka akhri Maqaalka Muna Axmed Cumar ee jawaabtan igu dhaliyay




http://muna19.wordpress.com/2013/05/28/ma-iyagaan-dhalin/

Madaxweyne Silaanyo Oo Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday dalka koonfur Africa (Sawiro)


waftiga4Hargeysa (GNA) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday dalka  koonfur Africa kuwaas oo Somaliland kala shaqayn doona hawlaha ictiraaf  raadinta Jamhuuriyada Somaliland iyo in Dalkani noqdo mid ka mida beesha caalamka ee la aqoonsan yahay  ayaa waftiga uga mahad naqay  imaatin kooda  iyo gacan ka gaysashada  qadiyada Somaliland  Madaxweynaha Somaliland oo ku bogaadiyay  sida ay diyaarka ugu yihiin inay  qadiyadaasi aad nagala shaqaysaan kulankaa madaxwaynuhu markuu dhamaaday waxaa ka warbixiyey wasiirka arrimaha Dibeda iyo Xubin ka mida weftiga.




waftiga3




halkan ka dhageyso warbixinta wasiirka arrimaha dibada:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Wasiirka-Arrimaha-Dibada-iyo-Weftiga-dalka-soo-gaadhay-.mp3"][/audio]

Masuuliyiin Hambalyo "Meher" u diray Naasir Yuusuf Daahir iyo Hoodo Siciid Shukri


naasir ioHAMBALYO MEHER WACAN




30/04/2014




1.     Wasiirka Madaxtooyada JSL  Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan




 




2.     Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees




 




3.     Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari ee JSL, Mudane Cali Maxamuud Axmed (Sandule)




 




4.     Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Mudane Xasan Cabdi Madar




 




5.     Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali




 




6.     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul




 




7.     Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada        JSL,  Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi)




 




8.     Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada JSL Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Xarbi




 




9.     La-taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Marwo. Aamina Xaaji Axmed Miisaan




 




10.                         La-taliyaha Dadka la hayb-sooco Mudane Barkhad Jaamac Xirsi




 




11.                         Agaasimaha Maamulka Xisaabaadka Madaxtooyada JSL Mudane Maxamed Xirsi Xasan (Digaale)




 




12.                         Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada JSL Mudane, Abshir Xasan Xaashi  




 




13.                         Xog-hayaha gaarka ah ee Wasiirka Madaxtooyada JSL, Cabdiraxmaan Faarax Xasan




 




14.                        Maxamed Ismaaciil Daahir




 




15.                         Muxiyadiin Cabdiraxmaan Tiyaabo




 




16.                         Sharmarke Axmed Muxumed




 




17.                         Caydaruus Mahdi Xaashi




 




18.                         Maxamed-amiin Cabdi Xasan




 




19.                         Axmed Yuusuf Yaasiin




 




20.                         Mowliid Xaashi Maxamed




 




21.                         Caydaruus Mahdi Xaashi




 




22.                         Cabdikariin Axmed Jaamac




 




23.                         Hodan Axmed Jaamac




 




24.                         Xamda Cumar Cabdi




 




25.                         Ifraax




 




26.                         Sabaax Cali Diiriye




 




27.                          Axmed Jaamac




 




28.                         Maxamed Warsame Xirsi (TT)




 




29.                         Najax Maxamed




 




30.                         Mahad Cabdoo Cumar




 




31.                         Axmed Yusuf Yaasin




 




32.                         Maxamed-Amin Cabdi Xasan




 




33.                        Xuseen Cabdalle




 




34.                        Cabdilaahi Cali Suudi




 




35.                         Zaki Daahir Xasan




 




36.                         Cabdilaahi Aadan Cabdilaahi iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee qasriga madaxtooyada JSL.




IMG_0184




waxay Hambalyo Meher wacan u dirayaan Xog-hayaha Gaarka ah Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL, Naasir Yuusuf Daahir iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shukri  Oo meherkoodu ka dhacay Magaalada Hargeysa, 30/04/2014 gaar ahaan MANSOOR HOTEL.




Ugu danbayna Dhamaan Masuuliyiintaasi iyo Shaqaaluhuba, waxay qoyskan cusub ugu ducaynayaan ducadii Rasuulka (S.C.W) ee ahayd BAARAKALAAHU LAKA WABAARAKA CALAYKA WAJAMACA BAYNAKUMAA FILKHAYR,




AAMIIN  AAMIIN AAMIIN  AAMIIN

Burco: Beel ku Hanjabtay inay Kulmiye iyo xukuumaddiisa ka tashanayso


Burco(GNA)-Odayaasha,Siyaasiyiinta,Waxgaradka Beesha Ba,Muxumad Basanbuur Biciide,habarjeclo ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Burco waxay ku taageereen




Baaq ay hore Beeshu uga soo saartay Magaalada Ceerigaabo ee gobolka sanaag,Baaqaas oo ku kaga hadlayeen sida ay beeshu uga maqantahay xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo waliba xisbiga talada haya.




Odayaashan iyo waxgarkan hadlay Burco ayaa waxay cod dheer ku sheegeen in hadii aan tabshadooda wax laga qaban ay ka tashanayaan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadaba.




waxay sheegeen in dadka ay Xukuumadu diratay ay Umada iyo beelaha walaalaha ah kala qaybinayaan,




Ugu Horayn waxaa kulankaas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka ahna kusimaha Beesha  Kayse Xasan Cabsiiye waxaaanu yidhi''waanu taageersanahay odayaashii ceerigaabo ka hadlay 28 kii Bishan ee muujiyay waxyaabihii Xuquuqda ay u lahaayeen Xukuumada iyo xisbiga kulmiye inaanay waxba ka hayn,waxaan sheegayaa xildhibaanka C/raxmaan yuusuf Cartan hadii uu xisbiga Kulmiye leeyahay talo ayaanu iska wadayniinaynaa,hadii uu yahay xisbi qaran dadka uu kal qaybinayo ee uu tuurta waxoodii ku qaadanayo ha laga qabto,waxaan leeyahay dadkan aad dooratay waxay hantidii umada ku bixinayaan sidii ay dadka ugu googayn laaayeen sida hantida madbacada qaranka oo kale”.




Oday Jaamac warsame Cabdi(Wamle) oo isna hadlay ayaa yidhi  “Odayaashaas Cabanayay ee ceerigaabo ka hadlay  waanu ku raacsanahay hadii aanu nahay odayaasha Beeshaas ee Burco Fadhigoodu yahay,Xuquuqdii aanu dawlada ku lahayn ma hayno,hadii aanu ba,Muxumad”,




Xasan jaamac Axmed ayaa isna yidhi''waxaanu taageersanahay odayaashii kan hadlay Gobolka sanaag ee Beesha Ba,Muxumad anigoo ku hadlaaya afka Gudiga  beesha ee Gobolka togdheer,waayo Beesha Ba,Muxumad Ma hayso wixii ay xaqa u lahayd  ilaa heer Degmo,Gobol,Heer wasiir iyo Heer Xisbiba,waxaanu ahayn taageerayaashii kulmiye ilaa hadana qatan,qoys yar oo nala siman ayaa Tobonaan qof  u shaqeeyaan,Madaxwayne markii aynu macaaradka ahayn ee aynu wada halgamaynay,waxaanu xilalka ku waynay waa kulmiye,markii la helayna hasha nin qudhu ha wada maalo waa wixii  hore laysugu laayay,Muusa biixina waxaanu leenahay Xisbiga Gudi cadaaladeed u samee oo la shaandhaysa Xildhibaanada waxay soo xulayaan,waxaan kugula talinayaa Madaxwayne isku shaandhayntaada danbe Beesha Ba,Muxumad ee sanaag degta waa inay helaan wasiiro iyo Agaasimayaal iyo waxay xaq u leedahay.




Nuur Saalax Diiriye,Cumar Saalax doon,oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa cod dheer ku sheegay inaanay saamigii ay dawlada ku lahaayeen uu ka maqanyahay beesha Ba,Muxmad ee degaankoodu yahay ceeri gaabo.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




 

Turkiga Oo Deeq Gawaadhi Ah Ku Wareejiyay Wasaarada Madaxtooyada S/land (Sawiro)


Hargeysa (GNA) -Dawlada Turkiga ayaa deeq gawaadhi  noocoodu yahay Unbalance ama kuwa Cusbital-ada loogu adeego gaar ahaan kuwa Gurmadka Degdega ah oo ka kooban 5 Unbalance iyo laba gaadhi oo kala ah V8 iyo Gaadhi Mine-Buss ah  ku wareejisay  Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan waxa ka gudoomay Wasiirka Wasaaradda IMG_0481IMG_0478Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay wehelinayaan Wasiir-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Mudane Xasan Cabdi Madar, Xoghaya gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali iyo Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada, Mudane Abshir Xasan Xaashi sidoo kalena waxa ku wehelinaysay xafladan kala wareejinta baabuurta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan oo iyadu goob joog ka hayd madashan.

Baabuur lagu dhejiyey Waraaqo ka dhan ah xayiraada Haatuf iyo Hubaal oo la xidhay


SAMSUNG




Hargeysa(GNA)-Bilayska ayaa xidhay sida la sheegay Gaadiidley baabuurtooda ku dhejiyay Istiikaro lagu dalbanayo in xoriyadooda loo soo celiyo Wargeysyada Hubaal iyo Haatuf.




Talaabadan aya u muuqata tii ugu dambeysay ee ay Xukuumadda Siilaanyo  ku cabudhinayso xoriyatul-qawlka,ka dib markii ay maanta sifo sharciga baalmarsan u xidh-xidhay muwaadiniin basaskooda ku dhajiyey Istiikaro ay ku xardhan yihiin Free Haatuf and Hubaal, kuwaas oo baabuurtaas iyo ragii wadayba xabsiga ay u taxaabeen ciidamo Bilays ahi.




Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku jira muwaadin magaciisa la yidhaahdo Qorane Yuusuf Cawaale, kaasoo isaga iyo baskiisaba ay ku xidhan yihiin halkaasi, isla markaana aan ilaa imika si dhab ah loo garaynin cida amartay xadhiga baabuurkaas lagu xabisay Istiikarka uu ku taageerayo Xoriyatul-qawlka.




Dhinaca kale talaabadan ay maanta qaaday xukuumadda Siilaanyo ayaa noqonaysa mid muujinaysa in heerkii ugu xumaa ay la marayso Xoriyatul-qawlkii dalka, iyada oo aanay wali dalka hore uga dhicin in la isku xidh-xidho afkaartii uu muwaadiniinta u ogolaaday Distuurka Somaliland, isla markaana dhacdooyinkii Wadanka ka dhacay Saddexdii Sano iyo badhkii ay xukuumadda xisbiga Kulmiye talada dalka haysay ayaa waxa dalka ka dhacay tacadiyadii, gabood-faladii  iyo xad-gudub-yadii ugu badnaa mudadii ay Somaliland jirtay.

Somaliland oo Caddeysay inay Puntland ka wada hadlayaan Muranka Xuduudka


“Dadku haday deris yihiin way wada hadli karaan”Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax




Baashe MHargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland iyo Puntland ka wada hadlayaa arrimo ku saabsan muranka Soohdinta labada Maamul.




Baashe Maxamed Faarax oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa ku dooday inaan waxa labada dhinaca ka wada hadlayaa ahayn gor-gortan laga gelayo Dhulka Somaliland, balse ay tahay sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.




Muran dabada dheeraaday oo dhanka Soohdinta ah ayaa u dhexeeyay labada maamul, kaasoo marba marka ka dambeysa sii xumaanayay.




Dhawaan ayay isugu hanjabeen dagaal, kaddib markii ay Somaliland qabsatay degmada Taleex oo ay gacanta ku hayaan Maamulka la baxay Khaatumo , taasoo Puntland ku tilmaantay daan-daansi cad.




”wada hadalku waxa weeyaan sidii ay nabada ugu wadan noolaan lahayn xuduudka somaliland gor-gortan ma laha cid lagala hadlayaana ma jirto waxa weeyaan waa xuduud waa ay calaamadaysan tahay waa la yaqaan markaas xuduudka somaliland lagama wada hadlayo Sool iyo Sanaag ee waxa laga wada hadlayaa sidii ay nabada iyo jaar wanaag loogu wada noolaan lahaa”ayuu yidhi.




Masuulkan u hadlay Somaliland ayaa intaasi ku daray “dadkuna haday daris yihiin waxa ay ka wada hadali karaan nabada ee lakiin xuduudaha somaliland waa lama taabtaan cidna looma daba fadhiisanayo amnigooda”.




Puntland




Puntland ayaan wali ka hadlin dhankeeda wadahadalka u dhexeeya Somaliland ee dhanka xuduudka.




Hase ahaatee Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa dhawaan Itoobiya u tegay bilowga wada xaajoodka labada dhinac oo ay Itoobiya dhexdhexaadinayso.




Wasiirro ka socda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadu ayaa iyaguna halkaasi muddo kusugnaa, kuwaasoo maalin saddexaad dalka ku soo laabtay, war faahfaahsana aan ka bixin natiijada kulamo ay Addis ku yeesheen.




Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay




Maraykanka, Dawladda Soomalia iyo qaramada Midoobay ayaa laba todobaad ka hor dhawaaq midaysan kaga digay xiisad ka hurta Soohdinta Goboladda Sool iyo Sanaag ee Somaliland iyo Puntland u dhaxaysa .




Dhinacyada ayaa dhamaantood ku baaqay in wada hadal iyo maslaxad lagu xaliyo Khilaafka jira.




Hanjabaad Somaliland




Maalmo ka dib markii ay soo baxeen dhambaalada ka soo yeedhay dhinacyada Caalamku, ayaa Somaliland jawaab adag ka bixisay.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inaanay Somaliland marna aqbali doonin in faro-gelin dibadeed iyo mid guddeed toona lagu sameeyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Roobbab ka Da'aya Hargeysa 24-kii sacaadood ee u dambeeyay


Hargeysa(GNA)-Roob ayaa ilaa xalay ka  da'ay Magaaladda Hargeysa, kaddib markii xalay fiidkii roob  aan xoog badan lahayni ka da'ay qaybo ka mid ah Magaaladda.




Abaaro 12:00 Caweysnimo ee xalay ayaa mar kale dhibic lagu qabowsaday ka hoortay Magaaladda, waxaanu  hayay ilaa rubuc saac wakhti ku dhow.




Roobka ayaan lahayn wax dabeyl ah iyo Danab toona, laakiinse Onkod fara badan ayuu lahaa.




Roob Maanta Da'ay




abaaro shantii subaxnimo ee saaka ilaa gelinkii dambe ayaa roob goos-goos ahi ka dayay Magaalada iyo Nawaaxigeeda.




ilaa hada lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay roobabku geysteen,




Roobabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay si teel teel ah uga da'ay meelo kala duwan.




Sabtidii ayaa Salaad Roob doon ah laga tukaday Deegaamada Somaliland, kaddib markii Madaxweyne Siilaanyo ku baaqay todobaad ka hor.




Roobka ayaa la sugayay ilaa bishii March oo Kaliishu bilaabantay.




Cimiladda ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kululaanaysay.




Raxmaadkan Caawa ka da'ay Hargeysa ayaa si wanaagsan loogu qabowsaday, kaasoo meelo badan biyo dhigay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Bayern Munich Oo Gurigeeda Lagu Dubtay + CR7 Oo Jabiyey Rikoodhkii Messi Ee Gooldhalinta CL


Wareega Semi-finalka CL lugtiisii Labaad ayaa waxa ciyaar xiiso badan ku dhexmartay Real Madrid iyo kooxda horyaalka difaacanaysa ee Buyern Munich Real Madrid oo libinta lugtii koowaad ee todobaadkii hore haysata ayaa ka soo degtay garoonka Buyer nee Arena stadium, iyadoo dad badani ay is lahaayeen buyern inaan gurigeeda lagaga badin karayn ayaa isla daqiiqadihii ugu horeeyayba ay real shabageeda taabsiisay goolkii ugu horeeyay, waxa rajadu ka sii laalantay buyern, hase ahaatee waaba loogu sii waday oo difaax qabta ayaa la waayay weerarka real waxa lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta 3-0 isku soo noqodkiina wax yar oo buyern muujisay weerar, balse difaaca real ayaa beeniyay, 89 daqiiqadu markay maraysay ayaa CR7 dhaliyay goolkii afaraad oo uu ugu sii quus gooyay wixii rajo ka naawilayay Buyern




Dhanka kale rikoodhkii goolasha ee uu haystay Messi ayaa waxa jabiyay CR7 isagoo haatan leh 16 gool CL




By mustafe faro

Arda Turan : Atletico waxa ka go’an Inay Finel ka CL u gudubto


Arda Turan ayaa ku nuux nuuxsaday in kooxdiisa Atletico Madrid ay wali rumaysan tahay inay madaxooda mijo ka yeelaan Chelsea kulanka Stamford Bridge, una gudbaan ciyaarta dhamaadka ee horyaalka Yurub (the final of the Champions League).




Naadiga lagu naanayso The Rojiblancos ayay Chelsea ku qabatay barbardhac 0-0 ah ciyaartii la joogay garoonkoda Vicente Calderon khamiistii aynu soo dhaafnay, natjiiadaas oo fursad fiican u ah ciyaaryahanada Jose Mourinho inay u dhow yihiin safarka bisha dambe ee magaalada Lisbon oo ciyaarta Finel ku ka dhici doonto.




Xaal siduu doono ha ahaadee, Arda ayaa sheegay in dagaalku yahay wali mid furan , oo aan guushu raacin wali dhinacna , ciyaarta habeen dambe ee go’aankana ay Atletico haysato fursad ka qaalisan ta Chelsea waa siduu u yidhiye. “[0-0] laftiisu waa guul ee maaha guuldaro; hadduunbuu bilow yahay dagaalku,” ayuu yidhi laacibka qaranka Turkey oo la hadlayay wakaalada wararka ee Andadolu News Agency.




“Weynu arki doonaa. Waxaanu nahay koox kubad walba ku dagaalanta; daqiiqad kastoo ciyaarta kamid ah.




“Waxaanu ku kalsoonahay awoodayada, kooxdayada. Waxaanu god walba ka baadhi doonaa riyadayadu waxay tahay si kastoo ay noqotoba iyo meel kastoo aanu ku jirno si aanu uga dhabayno. Taageerayaasha Atletico wey og yihiin inaanu u hurno wax kasta oo aanu ka kasban karno garoonka dhexdiisa ka hor intaan laga dareerin – guul ama guuldaro. Waxaanu aaminsanahay inaanu u baxayno Finelka.”

Daawo:Warkii bulshotv 29/4/2014‏

https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=eR89CP48cvQ

Xaflada Xuska 18 May ee Gobolka Seattle Washington iyo Masuuliyiin ka qayb gelaya


Fanaanada Hodan Cabdiraxmaan Dheere iyo Hoobalo kale oo ka heesi doona…




WASHINTTONMunaasibad lagu xusayo sanad guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland ayaa lagu qabanayaa Seattle Washington ee dalka Maraykanka.




Xafladan oo ay qabanqaabinayaan Jaaliyada Somaliland ee Gobolkaasi degen oo uu hogaaminayo  Mujaahid Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddida qabanqaabinaysa munaasibadaasi,ayaa waxa ka qayb-gelaya Masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland oo dhawaan dalka ka dhoofi doona.




Xubno ka mid ah Guddida qabanqaabada ayaa Gobanimonews u sheegay inay hawsha diyaarintu meel wanaagsan u marayso, isla markaana ay hada ku gudo jiraan u diyaar garowga soo dhaweynta Madaxda kala qayb-gelaysa.




Xaflada ayaa dhacaysa hadii alle ka dhigo, Habeenka Sabtida ee 17 Bisha oo ay soo gelayso Axad 18 May, waxaana ka qayb gelaya Fanaaniin caan ah oo ay ka mid yihiin Hodan Cabdiraxmaan Dheere iyo Caydaruus Maxamuud.




Fanaaniintaasi ayaa goobta ka qaadi doona Heeso badan oo Waddani ah, sida uu sheegay Guddoomaha Guddida qabanqaabada Muj. Caydaruus.




Haddaba mawaadin hadaad joogto Gobolka Seattle Washington ama Gobollada kale ee u dhow haka maqnaan Habeenkaas inaad u dabaal degto Maalinta Qaranimada dalkaaga ee 18 May.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com

Tuesday, April 29, 2014

Madaxweyneha oo kormeeray Mashaariic Dawladda Emaraadku dhisayso


Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeeray Xarumo cusub oo ka mid ah mashaariicda lagu horumarinayo dalka kuwaasi oo ay Dowladda Imaraadka Carabta ka hirgelineyso gudaha Muqdisho.




Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay la socdaan Taliyayaasha Ciiidamadda Meleteriga iyo Nabad-Sugida iyo Safiirka Dowladda Imraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya ayaa tegay xarun cusub oo lagu tababari doono Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya taasi oo ay hitgelineyso Dowladda Imaraadka Carabta.




Xarunta cusub ee uu dhismaheedu socdo ayaa markiiba waxaa tabababar ku qaadan kara 12,00 oo askari oo leh, jiifkooda, xarun waxbarasho, goobo lagu cunteeyo, Masaajid, meel gaar ah oo ay ciidamadda dabridku ku sameyaan iyo Xarun caafimaad.




Madaxweynaha ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa la hadlay boqolaal qof Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha xarunta cusub ayaa yiri “ Mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota waa bilow, kuwa ka waa-weyn ayaa soo socda oo aan dooneyno inay dad badan shaqo ka helaan si shaqo la’aanta meesha uga baxdo, Idinku hadda fursad shaqo ayaad ka hesheen dhismahaan aad wadaan dalkana dhismahiisa waad ka qeyb qaadaneysaan”.




Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Isbitaal cusub oo ay dowladda Imaaraadka Carabta ka hirgelisay Degmadda C/Casiis ayaa mahad ballaaran u jeediyey Dowladda Imaaraadka Carabta.




Abdul Hamid Suleiman oo ah Madaxa Mashaariicda Dowladda Imaraadka ay ka wado dalka ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Maashaariicdan Horumarineed ayaa sheegay in isbitaalka maalintii uu la tacaali karo 500 bukaan ah.




Isbitaalka iyo Xarunta Tababar Ciidamadda Xoogga ayaa waxaa ku baxaya qaraash dhan $9 million oo Dollarka Mareykanka ah, waxayna dib u howl bilaabi doonaan labadda xarumoodaba muddo Afar bil gudood.

Somalia: Boqolaal kun oo qof oo ku dhibaateysan Deegaamo go’doon ah


Xukuumadda iyo kuwa ka shaqeeya Samo-falka oo walaac ka muujiyay xaalada amniga..




godaxMuqdisho(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Barre ayaa sheegay inay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo deegaanada laga saaray Al-Shabaab, sababo amni daro iyo go'doon awgeed.




Goodax oo ka hadlayay warbixin ka jeedinayey fadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta oo isaga iyo Masuuliyiinta amaanka iyo arrimaha gudaha dawladda u qaabilsan ayaa sheegay in deegaanada qaar biyo la’aan ka jirto.




"Sababo ammaan dartood ayaa gar gaar lagu gaarsiin la'yahay meelaha laga saaray Al-Shabaab, meelaha qaar waa go'doonsan yihiin sida ogtihiin"ayuu yiri Mr Goodax.




 




Wasiirka ayaa sheegay inay hayaan raashin ku filan oo loogu tala galay in si gar gaar bani'aadanimo ahaan loo gaarsiiyo, hase ahaatee waxaa uu xusay in aanay awoodin in deegaanadaas ay gar gaar gaarsiiyaan.




 




"meelaha qaar waxaa ka jira biyo la'aan, dadka waxaa soo wajahay abaar, dowladda raashin ku filan ayay heysaa, balse waa adag tahay in meelaha qaar gar gaarka la gaarsiiyo"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre.




 




Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Xukuumada Soomaaliya iyo Hey'adaha sama falka ay ka hadli doonaan qaabka ugu dhaqsiyaha badan ee gargaar loo geyn lahaa degmooyinka laga saaray Shabaab.




Waxa uu intaasi raaciyay inay dhinacyada dawladda iyo Hay’addaha gargaarku ka fikirayaan qaabka ugu fudud ee deenaadaasi taakulo loo gaarsiin karo.




Dhinaca kale, xoogaga al-shabaab ayaa sheegay inay go’doomiyeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Ceel-buur.




Ceel-buur ayaa ka mid ah Degmooyinka dhawaan Al-shabaab laga qabsaday ee ay Xaalada bino’aadantinimo hada ka taagantahay.




Al-shabaab ayaa weeraro ku soo qaaday Xoogaga AMISOM ee halkaasi ku sugan.




Dadka ka shaqeeya samo-falka ayaa walaac weyn ka muujinaya xaalada ay ku suganyihiin dadka ka baro-kacay deegaamada Dagaallada laga qabsaday Shabaab.




Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa arrimaha kaga mashquulsan dhibaatooyinka lagu hayo mawaadiniinteeda Kenya soo tarxiilayso.




Waxaana taasi caddeynaysa Masuuliyiinta ugu saraysa dawladda oo aan inta badan arrintan si qoto dheer uga hadal.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 




 




 

Muuse Biixi oo loo Caleemo saaray Hogaamiyaha rasmiga ah ee Kulmiye.Daawo


Wasiir Samaale oo bogaadiyay…




 “Afar sanno oo ku-meel gaadh ah, kaddib wuxuu noqday Guddoomiye ku fadhiistay Kursi la feentay” hoos ka daawo Khudbadiisii Maanta + Warbixin




Shirweynaha kulmiye1Hargeysa(GNA)-Todoba xubnood oo hogaamin doona Xisbiga talada haya ee Kulmiye Shanta sanadood ee soo socda ayaa Maanta Guddoomiye looga dhigay Muuse Biixi Cabdi oo afar sanaddood xilka ku meel-gaadh u hayay, waana hogaamiyaha sharciga ah ee xisbigaasi hada laga bilaabo.




Sidaa waxa lagu xaqiijiyay shirweyne laba maalmood socday oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan Kun Ergay oo Beel-beel u kala fadhiistay Kuraasta Madasha shirka.




Muuse Biixi Cabdi ayaa jaran-jaro dheer u soo maray Kursiga, waxaana kula loolamay rag badan oo aanay Madasha Shirka isla soo gaadhin, balse dibada lagaga reebay.




Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa muddo dheer kula hirdamayay xilkan, kaasoo doonayay inuu shirweynahan kula loomi si uu uga  tuuro Muuse isagoon wali shaarubaha gelin dheefta mansabkan ama isagaga lagaga guulaysto.




Hase yeeshee dhexdhexaadiyeyaal siyaasaddeed oo Guurtidu horseed ka tahay ayaa horaantii sanadkan, ku taliyay inaan Muuse iyo ku-xigeenadiisa toona lagula tartamin Kuraasta ay fadhiyaan.




Wasiir Samaale ayaa si aan sabab cad lahayn, lidna ku ah xaragadda siyaasadda , geedi socodka dimuquraadiyadda loogu qanciyey inuu ka tanaasulo hankiisa,waanu aqbalay.




Kursiga Guddoomiyaha




Waxa Kursiga loogu ansixiyay Axdigii ku meel-gaadhka loogu wareejiyay sanadkii 2010-ka, kaasoo laga soo unkay Heshiisyo hore oo aan fur-furnayn.




Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa kursiga ku wareejiyay muddo yar ka dib markii uu ku guulaystay hogaaminta waddanka, taasoo u ahayd talaabo uu hore uga soo qaaday mansabkiisii hore.




Noqoshadiisa  Guddoomiyaha rasmiga ah ee Kulmiye, ugama dhigna inuu gaadhay himilada iyo ujeeddada dhabta ah ee uu doonayo inuu u sii maro,taasoo ah hogaaminta waddanka, sababtoo ay tahay wali ma kala cadda Musharaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga ee shanta sanadood ee soo socda.




Balse waxa uu awood buuxda u yeeshay maamulka Xisbiga Afarta sanadood dalka hogaaminayay, dhaliilo badan ku mutaystay xukunka.




Jaan-goynta siyaasadda iyo qorshe kasta oo xisbigu mar kale ku heli karo madaxtinimada ayaa gacantiisa ku soconaya,waxaana meesha ka baxaya gacan tuugaaleyntii maamul ee dhanka Madaxtooyada kaga socotay intii uu Kursiga ku meel gaadhka ku ahaa.




Muuse Biixi




 muusesMuuse Biixi Cabdi waa Nin ka mid ah Halgameyaashii SNM.




Waxa uu siyaasadda ku soo jiray tan iyo markii dalka lagu soo noqday.




laakiinse maaha siyaasi fur-furnaan dabeeci ah iyo dulqaad badan looga bartay.




Inkasta oo uu tobankii sanadood ee ugu dambeeyay kasbaday waayo aragnimo siyaasaddeed oo Mucaarid iyo mucaafidba ah, hadana siyaasigan malaha soo jiidasho bulsho ama taageero shacbi.




Maaha hogaamiye leh xidhiidh diblomaasiyaddeed oo caalami ah, waxaanu wax ku soo bartay dalka Ruushka xiligii Milaterigu xulumayay Soomaaliya.




Isagoo ka hadlayay Xafladii Maanta lagu caleemo saaray, waxa uu sheegay inay dad badan oo xisbiga ku jiraa kaga wanaagsanaayeen hogaaminta Xisbiga.




Wuxuu si kooban uga mahad naqay doorashada iyo sida loogu haneeyay Manaasiibta isaga iyo saaxiibadiisa kale.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=GBx91sIFDrA


Samaale oo Bogaadiyay




Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa bogaadiyay Hogaanka maanta Kulmiye loo caleemo saaray.




Wasiir Samaale oo khubadda uu maanta ka jeediyay gunaanaddka Shirweynihii saddexadd ee Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in Masuuliyadda Qofku qaado ay tahay mid uu waajibaadd ka saran yahay inuu si daacaddnimo ku dheehan-tahay uga soo baxo




 “ILAAHAY-baa mahadd leh kulankan inoo suura-galiyey, waxbadan oo wanaaga oo Dalkeena iyo Dadkeena-ba ILAAHAYOOW waanu kaga Mahad-celinee e noo Siyaadi Walaalayaal Munasibad qaaliya ayaa aynu joognaa Shirweynihii Saddexaadd ee Xisbiga KULMIYE oo run-ahaantii Muddo soo jiitamay waxaa ILAAHAY mahadii ah in Shalay iyo Maanta-ba u si Sharaf iyo Qiimaba leh uu uga socdo Hoolkan Qiimaha badan leh ee Hotel Maansoor” ayuu yidhi.




Wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Samaalle. Wasiirku waxa uu intaas ku daray “Waxaa ILAAHAY mahadiiya in haddii ay Baqddini ay jirtay ama uu wel-weli uu jiray Qabsomida Shirweynaha KULMIYE Shirweynihiisu inay Baqddintii iyo wel-wekii-ba ay inaga baxday oo si Habsami ah oo Qiimo le hay inoog socoto intii ugu muhiimsanayd aynu hada kuna Faatixaynay Alxamdulilaah, Hogaanka cusub ee aynu Dooranay waxaa aynu ILAAHAY uga baryeynaa in uu wanaaga waafajiyo in ILAAHAY uu hawsha uu u fudaydiyo oo uu Xilka u Sahlo”




 Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Runtii Masuuliyadd oo dhami waa ay u Culustahay marka uu Qofku Daacad noqdo, marka Qofku uu ILAAHAY la kaashado ee uu Samadda uu ku xidhmo Xilka ILAAHAY waa uu u Fuddaynayaa, haddii-se uu Qofku u arko Xilka iyo Masuuliyada uu hayo Raganimo, Karti iyo Aqoon uu leeyahay in uu ku wado-meel kuma gaadho”.




Musharax madaxweyne




Wali ma kala cadda in Madaxweyne Siilaanyo Fasaxayo ku  tartamida  musharaxa madaxweynaha marka la gaadho shirka Golaha dhexe ee Xisbiga oo lagu dooran doono labada qof ee Doorashada soo socota iska sharaxaya Kulmiye.




Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu wali baaqi ku sii ahaanayaan taasi.




Hadiise ay wax iska bedelaan saadaasha iminka la hayo, waxa cad inaan Muuse Biixi isku helayn guddoomiyaha Xisbiga oo uu banaan ka qaatay iyo Mushaharaxa Madaxweynaha oo lagula tartami waayo.




Waxa khasab ah in dhamaan raga Hanka siyaasaddeed ku jiro ee Xisbigu jagadaasi kula hirdami doonaan, waa hadii Madaxweyne Siilaanyo tanaasul bixiyo.




Tani waxay caddeynaysaa inuu wali waajahayo Tartan siyaasaddeed oo kala dhexeeya rag ka taageero iyo dhaqaale badan, balse aan xeelad badan lahayn.




Waxa ka mid ah ragaasi Wasiir Samaale oo isagu mar kale calaamadsaday halkaasi (Musharax madaxweyne), wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali iyo ashkhaas kale oo badan.




FG: Fadlan Aragtidaada ka dhiibo Doorashada Hogaanka Kulmiye ,kuna soo dir aragtidaada emailada hoos ku qoran ama bogga soo dir maqaal ee Website-keenan




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com




editor@gobanimonews.com / gobanimo2013@gmail.com / Gobanimo News Agency/Facebook.com/ aba Boga Twitterka GNA.Twitter.com

18-ka May kaalay oo Nala Tuways!


Xaqiiqdii waa maalin mudan qiimaheeda, waa maalin ummadi isku sara taagtay in ay yeelato jiritaan u gaar ah oo ay kaga go’day soomaali inteeda kale. Waa maalin lagu kalifay in ay ummadda reer Somaliland sidaa yeesho kadib markii lagu qaday, hungo iyo hagardaamana ka soo gaadhay xulafaysigii iyo isku tagii wixii la odhan jiray Soomaali weyn. Waa maalin hadda laga joogo 23 sannadood, waa maalin bokhran bar tilmaameedna u ah qaddiyada Somaliland, waa maalin aan qofna ku bakhayli karin in uu muujiyo farxaddeedda, hadaf iyo sharafina ku dheehan yihiin. Haddaba maalintan weyneynteedu taariikh kaliya ma aha ee waa maalin la taagay calan ka kooban caddaan, casaan iyo cagaara. Calankan saddexda C-a midabada ka bilaabmay ka kooban waxaa iyana ku asteysan laba callaamadood oo kale, mid waa xiddigta magow ee dhex hurudda qaybtiisa cad iyo inta ugu makaanka saraysa calanka oo dhan oo ah Tawxiidka lagu xardhay qaybta cagaaran. Tilmaamaha dhammaan calanku ka koobanyahay ayaa ah kuwo xigmadaysan oon layska mala awaalin balse lagu dajiyey hindise habaysan oo hadaf ku qotama.




Haddaba aniga iyo idinkuba inagoo jecel calankan, xuskiisa karaamayntiisuna tahay xil saaran qof kasta oo waddani ah ayuun baa waxaa isku kay qaban la’a  qiimaha maalinta 18ka May iyo sida ama habka loo xuso, cida dan ku qabta iyo waxa laga barto maalintaa/habeenkaa. Dadka malaha in hal sambiil lagu rido laga wanaagsan ee waxaan farta ku godayaa qolyaha khaasatan qurbe jooga ah, oo aad badhkood moodo in ay habeenkaa uu soo hambabaraan kana dhigtaan in xilkii waddaninnimo intaasi ka kor qaaday.




18ka May ayaa loo qabtaa, ayaase qabsada?




Waxaa mihiim ah in wax kasta oo la qabanayo saddex su’aalood layska weydiiyo haddaba:




 




1. Maxay tahay ujeedada loo qabto munaasibada lagu xusayo 18 May ee qurbaha ka dhacdaa?




 




2. Ayaa qabta ama qabanqaabinaya?




 




3. Yay dani ugu jirtaa  xafladan qabashadeeda?




Saddexdan su’aalood oo si hufan looga jawaabaa waxay gundhig u noqonayaan in aan habeenkaasi ahaan habeen layska dhaanso ama qoob-kaciyaar uun laysku dhaafin ee uu noqdo kulan lagaga faa’iideysto fursadda loo helay in ay isku yimaadaan dad ay dani ka dhaxayso. Ka faa’iidaysugu wuxuu noqon karaa mid dhaqaale, aqooneed iyo wada tashi intaba, waxaase is weydiintu tahay qorshahaasi ma ku jiraa intaan la qabanba?




Sida ka jirta qurbaha intiisa badan waxaa xafladdan qabta soona qabanqaabiya cid ala ciddii doonta oo iyada dan gaar ahaaneed ugu jirto inta badan, dantaas oo ah mid dhaqaale! Waxa ugu weyn ee cidda doonta in ay xaflada noocan ah qabataa ku dadaashaa sidii ay u heli lahayd FANNAANIIN heersare ah oo magac iyo cod wanaagsan lagu og yahay.




Fannaan la helyaaba lacag la hel! Wixii intaa ka dambeeya waxa uu qofkaasi u baahanyahay in uu helo xero uu dadka kusoo xereeyo, iyo makarafoono wata sameecado dannanaaya, halkaas oo dig iyo damtaa laga hayo ilaa waaberiga. Inta heesahaasi socdaan haba iskugu jiraan kuwo calanka loo qaado iyo kuwo kale oo waddaninimo ka hadlayaba ee waxaan iyagana aan la gafin in kuwo jacayl ah oo lala miraaqoodo iyagana tiitaada la qaado dadkuna laabta wada waydhaamiyo. Waxaa intaa sii dheer in calankan aan kor kusoo xusay ee Towxiidka Rabbi ku xardhan yahay la lulayo intaa la heesayo, waxaana dhacda in saacadaha dambe aad aragto isagoo dhulka quban ama lagaga yimid musqulaha dhexdooda(khaasatan ka warqada ah). Waxaan soo xusuustaa gabaygii wanaagsanaa ee Abshir Bacadle uu suufiyada shalaadaya ee ku dhawaaqa ‘’Allaahu Allaah’’ ee kolkay narsada iyo shalaadka isku qasaan hadalku ka beddelmo ee u beddela Allaahu dii; Ah Ah Ah..., taas oo uu Abshir lahaa ‘’Ah baa magac Illaahay ah baa ii cuntami weydey’’ Wuxuun baa ii cuntami weydey in calanka dhulka la jiidjiido iyadoon loo miidaan dayin waxa ku qoran iyo haybadiisaba.




Waxaa hubaal ah haddii dadku ahaan lahaa dad xasiloon oo daraman shaydaan loo tumayn in ay ku baraarugsannaan lahaayeen calanka oo ay kor u hayn lahaayeen. Musiga oo aynu ognahay in Quraanka laynoogu sheegay in kolka kufaarta naarta lagu hagaajin kari waayo in bigil iyo musik looga dhex garaaci doono, bal ee aynu innagiiba la xadrayno musigii,  waxaa mihiim ah bal in aynu dib iskugu noqonno habeenkan loo qoondeeyey calanka iyo tumashadan muusigu halka ay walaalo ka noqdeen.




In yar oo ay karahsadaan baa kaga hadhay!




Walow ay furitaanka ku bilaabaan aayado quraan ah iyo in duqayda iyo siyaasiyiinta la casuumay wax ka yidhaahdaan meeshaas iyagoo la dagdagsanayo qudbadooda loona jibaysanyahay muusiga, ayaa waxaa is weydiin leh Calanka duqay iyo dhallinyaro kaliy ah ma laha ee aaway carruurtii? Maxayse u dhici weydey in la helo hab ka habboon sidan hadda wax loo qabto, habkaas oo suura galinaya in ay dhammaan dadku wada xusi karaan Carruur, cirroole iyo inta u dhaxaysaaba maalimtan, hal meelna ku wada damaashaadi karaan? Waxa kale ee nidaamka hadda loo qabtaa suura galin kari la’a yahay in ay innoo yimaaddaan dad kale oo aan Soomaali aheyni, sababtuna tahay saacadaha qallooca iyo waxa aynu meesha ku hayno oon qoob-kaciyaar dhaafsiisneyn. Ummadan farshaxan ayey leedahay, hidde iyo dhaqan bay haysataa, suugaan mug weyn iyo ciyaaro u gaar ah, waxaa waliba intaa sii dhaafsan cuntada oo iyadu ah mid dhadhan, udgoon iyo qurux isku darsatay. Haddaba hadii muddo 23 sanno ah aan carruur la keeni karayn habeenka caynkaas ah waxaan ka walwalayaa 23 sannadood dabadood ilmihii dhashay malintii calankan la taagay wuxuu noqonayaa 46 jir aan wax xidhiidh ah ka dhaxayn isaga iyo calankaa, midna yeynaan iloowin carruurta qurbaha ku dhalatay dee calan kale bay leeyihiin oo ay aroor walna isku taagaan, haddaad adna sannadkii hal habeen calan lusho adoo jaasaya carruurtana aanad gayn, ilmahaaguna aroor walba calankiisa salaamo, waxaannan garanaynba waxa aad kusoo biirisay jiritaanka calankan.




Fadlan maalinta ganacsiga ka daaya!




Haddaad tahay kuwan qabanqaabiya ee kula shuraakoobay fannaaniinta fadlan maalintan iyo calankan qoomiyadbaa kula leh ee ganacsiga nooga daa aad ka lacagaynaysaan. Maan diidin in kharashka ku baxay laga soo saaro, laakiin gar iyo dawtoona ma aha in dadweynaha calanka taabacsani hal fannaan ama laba, go’ mugii oo lacag ah ka hoobaansadaan iyagoon dalkii iyo dadkii midna waxba ugu tarin bal ee ay jeebkooda ku xerooto! Hadda calanka bilaash laguma keenin ee garo! Dad baa u dhintay oo agoontoodii nooshahay, qaarbaa dhaawacmoo naafoobay, haddaad adigu calankay u dhinteen ama u dhaawacmeen dhaqaale ka samaynayso ma waxaad garan weydey badhna qaado badhna iyagii ku taageer? Ma waxaad garan weydey hooyada goblantay ee inamadeedii calankan u dhinteen wixii ka nool sannadkii maalintaa wixii kasoo baxa badh u gee bal inay naruuro u noqoto.




Ma wanaagsana in shicibka intiisii kale u afduubnaado koox heesta iyo inta u gogol xaadha. Fannaaniinta baahi gaar ah uma hayso dhaqaalaha ka soo baxa xafladaha maxaa yeelay sannadka intiisa kaleba way shaqaystaan, dadkayna ula siman yihiin risiqooda. Duulaan kuma ihi Abwaanada/Fannaaniita balse waxaan garan waayey waxa ay siday doonayaan uun u noqotay ee dadka intii aan sidaa wax u rabin loo muquuniyey!




Waxa iga dardaaran ah calanka iyo maalinta fannaaniin iyo xulafadoodu ma laha ee ummada reer Somaliland baa la leh. Maalintani ha ahaato maalin/habeen ay dadku ka wada qayb gali karaan yar iyo weynba, wadaad iyo waranleh. Ha ahaato maali bandhig u noqota ummadaha aynu la noolahay si ay inoola arkaa ciddeynu nahay iyo waxaynu rabno. Fadlan calanka nooga daaya sidan, maalintana hanooga afduubina fannaaniin iyo daasadahooda.




 




Qalinkii: Fardowsa Maax

XISBIGA KULMIYE LACAG KA BADAN $ 800,000 OO HANTIDDII UMMADDA AH AYEEY KU BURBURIYEEN SHIRWEYNAHOODA.” Jamaal Cali Xuseen


Hargeysa (GNA) –Musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay kharashka ku baxay shirweynaha xisbiga Kulmiye isaga oo sheegay in lacag ka badan 800,000 oo Dollar oo uu sheegay in ay tahay hantidii umada ay ku bixiyeen shirweynahooda. Qoraal uu soo dhigay barta uu Facebook-ga ku leeyahay ayaa waxa uu u dhignaa sidan




 Dalku Wuu biyo laayahay, lacagtaasi waxay ku habooneyd in mashiino loogu iibiyo cusbitaaladda dalka ama laguba daro waddada Ceerigaabo ee qaadhaanka loo waddo.




Intaanan sheegin sidaan ku keenay lacagta ku baxday shirka, waxaa isku kay qaban waayey markii horeba baaxadda shirka iyo qadarka lacagta aan xisaabiyey ee shirweynaha Kulmiye ku bixi karta. Waxaan is weydiiyey halka ay ka timid lacagta ku baxday shirweynaha 3aad ee Kulmiye. Taa Jawaabteeddii deg-deg baan ku helay oo waa hantiddii Qaranka iyo canshuurtii la wadda lahaa ee laga soo ururiyey islaanta Tamaandhadda ku iibinaysa suuqa dhexdiisa, iyo canshuurta laga qaadayo ninka danyarta ah ee u kalaha caruurtiisa. Waxaan xasuustay in xataa ardaydii la yidhi nusasaacahiina ku dara wadadda Ceerigaabo. Waxaan yiqiinsaday in falka uu ku kacay xisbigga Kulmiye ee talladda hayaa ay tahay mid ka soo hor-jeedda habraaca, iyo dhaqanka wanaagsan ee dawladnimo. Mid ah xatooyo xoollo dadweyne, mid tilmaamaya in aanay meelnaba kaga jirin sharciga iyo xisbi ahaan ay ku takri falaan xoolaha ummadda, oo ay weliba ku sii jees-jeesaan.




Beesha caalamka ee caawimadda ina siisaa waxay daawanaysaa xoolaha ummadda ee lagu burburinaayo shirkaasi. Miyeey inaga go’adaa? Ma awoodi karnaa? Ma xaqbaa? Maanta ceeb bay ku tahay Somaliland in Shirweyne xisbi xaakim oo 10 jeer sharciga xeer 14 jebiyey oo wakhtigiisii dhaafay in weliba loogu sii daro in lacag intaa le’eg lagu baabiiyo.




Kulmiye wuxuu hore u qirtay in lacag rubuc malyuun doolar ah u qoondeeyey kharashka ku baxaaya shirweynahiisa oo iyaduba qalad weyn ahayd, laakiin bal waxaan sugayey waxa shirka ka dhacaya inta uu le’eg yahay. Markuu shirku furmay ee aan arkay waxa meesha iiga soo baxay sidatan; ilaa in ka badan 2,000 (laba kun oo ergo), ergooyinkaasi kharashaadka hoos iman kara waxa ka mid ah; horta direyska calaamadda xisbigga Kulmiye ku xardhan ee leh jeeni-qaarka, koofiyadaha, boodhadhka waaweeyn ee sawiradda, kiradda hoteelka, huraddadda iyo marti gelinta ugu yaraan 2,000 oo qof, safarka ay soo galeen laba kun oo qof oo meello fog ka kala yimid oo isla dalka uun ah, cuntadda ay cunayaan, qaadka iyo casuumaddaha daba socda. Haddii aan aad u yareeyo oo idhaahdo qofkiiba $400 (afar boqol) bal ka soo qaad kharashka ku baxayaa inuu yahay hadda waa kharashka kala nooca ah ee aan kor ku sheegay. Haddaba hadaad 2,000 kun ku dhufatid $400 waxaa kuu soo baxaaya lacag ah $800,000 (sided boqol oo kun oo doolar) waana sidaan ku helay kharashka Kulmiye oo aan yareeyey. Anigu waxaan waxaan rumeysnahay inuu intaa ka badan yahay sababtoo ah kumaan darin wax badan sida sooryadda, tikidhadda dadka dibadda ka yimid iwm.




Is ma laha naf hurista ummadeena Somaliland, kibirka, iyo ku takri falidda xoolaha ummadda ee xisbiga Kulmiye. Kulmiye wuxuu u haystaa in indho sarcaad ummadda lagu haysto. waxa aan cod togan ugu sheegaynaa Xisbigga Kulmiye ee talladda dalka hayaa in uu ka waantoobo buunbuuninta iyo ka-badbadinta dhacdooyinka yaryar iyo iska indhosaabka ama daahsaarka in ay ka hadasho arrimaha waaweyn ee ka midka ah waxyaalihii loo igmaday ee xilka iyo waajibaad gudashadeedu ku suntanaayeen sida biyo la’aanta dalka ka jirta, shaqo la’aanta, caafimaad la’aanta, boobka iyo dhaca, cadaalad daradda, musuqmaasuqa dul hoganaya, iyo maamul xumaanta. Sidaas awgeed, baannu muddarro u aragnaa in wax yar la koolkooliyo, wixii waynaana dhabarka loo sii jeediyo. Shirweynahii Kulmiyaa qabsoomay iyo dalkoo dhan baanu dhagaxaan soo dhignay, iyo hantiddii danyarta ayaanu ku faanaynaa laguma kasban karo quluubta ummadda. Ummadda Somaliland indhaha iyo dhegaha ha furto waxaana la soo gaadhay xilligii la soo faqi lahaa fadeexadaha tiradda beelay ee ay xukuumadan taagta darani ku dul fadhido.




Allaa mahad leh!




Jamaal Cali Xuseen




Musharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID

Somalia: Presidents Visit two Project Funded By the UAE


 




hasaas  “I thank our Emirati brothers for their generous donation to the people of Somali, one that will help us to deliver both security and medical treatment.”said Hassan Sheikh




Mogadishu, 29 April 2014,(GNA)His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today visited the sites of two development projects in Mogadishu, funded by the United Arab Emirates. HE the President visited the sites with the UAE’s Ambassador to Somalia, Mohamed Al Osmani along with senior members of the Somali National Army (SNA) and the construction project management.hasasm




The Project Manager for both builds, Emirati Abdul Hamid Suleiman, explained to HE the President that the sites, an SNA training facility in Hodan district and a hospital in Cabdulcasis district, have been built at a cost of $9 million and will both be completely operational within 4 months.




The military training facility is capable of training up to 1200 troops at a time and has accommodation, classrooms, a canteen, a medical facility and a mosque as well as a sports field and a shooting range. The Head of the SNA, General Dahir Dan Ilmi, expressed his pleasure at the design of the centre, particularly the dedicated facilities for the training of female soldiers. He commented, “I look forward to the day when all Somali security personnel are trained in Somalia.”




The hospital is located by the Old Sea Port and is a state of the art general hospital that will be capable of treating up to 500 citizens per day.




HE the President paused on his tour of the sites to speak to the projects’ workforce, all of whom were recruited from the local community. “I thank our Emirati brothers for their generous donation to the people of Somalia, one that will help us to deliver both security and medical treatment”Xasanss




HE the President concluded, “I commend the United Arab Emirates for the approach they have taken in employing the Somali people as the workforce for these projects, bringing much needed jobs to the local people. We need many more projects like this to offer the young men of Somalia a way to earn an honest living instead of working for the enemies of security and stability such as al-Shabaab.”

Soomaaliya oo Bangiga Horumarinta Afrika "weydiisatay Kaalmo"


Somalia kal7Tunis(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Bankigaasi.




Kulanka ayaa looga dooday dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta ee Bankiga ugu talagalay dalka Soomaaliya oo aan helin kaalmadii uu kaga baahnaa Bankigaasi mudadii qaran burburka iyo colaadaha ay ka jireen dalka .




Kulankani oo uu sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya H.E. Hussein Abdi Halane iyo saraakiil kale oo wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa lagu falan-qeeyay fududeynta deeqaha maaliyadeed iyo fulinta mashaariic kala duwan .




Waxaanna sida la sheegay uu qeyb ka ahaa dedaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso Xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya hey’adaha maaliyadeed ee heer gobol iyo heer caalami ,iyadoo lagu muujiyay qorshayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ay ku doonayaan inay fursado maalgeshi.




Dib u dhis iyo horumarin uga suuragelin lahaayeen dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye oo burburiyay nidaamka dowladnimo, deganaansha ammaan, dhismayaasha hey’adaha Xukuumiga, nolosha Siyaasadda iyo maamulka.




Codsiga DFSSomalia




Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika inay taageeraan hey’adaha maaliyadda dowladda oo uu ku jiro Bankiga Dhexe , si loogu saldhigo nidaam maaliyadeed oo sugan.




Somaliland




Bangigan ayaa dhawaan shaaciyay inuu Dawladda Soomaaliya soo marinayo lacag uu kaga qayb qaadanayo mashruuca Tiro-koobka Medeniga ah ee Somaliland.




Somaliland ayaa ku gacan saydhay in lacagtaasi loo soo mariyo DFS.




Wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire ayaa tilmaamay inaanay Somaliland qaadan doonin lacag loo soo mariyo meel kale.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Dhaqan xumaddu waa Hooyadda bur-burka!Jamaal Abu-giza


Waxaa ilahay kitaabkiisa inoogu sheegay inaan noqono umad wanaga is farta xumaantana iska reeba waana siraha muhiimka ah ee umada fahamta ee sidaa ku dhaqantaa ay badhaadhe iyo barwaaqo helayaan ilahaya ugu naxariisanayaa.




hadaba anigoo taasi ka duulaaya ayaan waxaan rabaa inaan maqaalka maanta kaga waramo dhaqan xumo waayadan danbe aad uga soo shaac baxaysa gudaha magaalada hargeisa taasi oo hadaynaan wax ka qaban oo aan si deg deg ah wax looga qaban isla markaana aan talaabo laga qaadin ay dhamaanteen ina wada saamayn doonta waay ilahay ayaa kitaabkiisa qaaliga ah ee sharafka iyo karaamada badan waxaa uu inoogu sheegay inaan ka baqano fidno ama balaayo aan ku koobnaan doonon oo kaliya qofka sameeya oo kaliya balse ina wada taabanaysa hadaynaan iska qaban.




hadaba hadaan guda galo ka waranka dhaqan xumadan aan soo sheegay waa dhaqan xumada ay ku kacaan dhalin yaradu iyo dad waaweyn labaduba oo hadaad habeenkii u fiirsato suuqyada magaalada hargeisa waxaad markaaba isha ku qabanaysaa ama aad arkaysaa hablo yaryar iyo wiilal gacmaha iyo dhexda is wada haysta oo aad moodo inay park ka ciyaarayaan isla markaana gabdhahani way qaawanyihiin oo waxay qabaan dhar yaryar oo gaagaaban oo aad moodo inay geed ka boodayaan qaabka ay suuqa ay u dhex marayaana ay tahay sida ugu akhlaaqada xun wax ruux damiir lihi u adkaysan karaana aanay ahayn.




dhinaca kale waxaad xaafadaha dhexdooda ku arkaysaa xiliyada habeen kii gawaadhida loo yaqaano bajaajta ama noocyadan danbe ee waayadan danbe magaalada hargiesa ku soo badanaya oo inta guryaha hortooda la iska dhigtay xumaan lagu dhexsamaynaayo cid wax ka qabanaysaana aanay jirin taasina way ina galaafanaysaa oo waa la inagu ciqaabayaa oo maantaba waxaad ujeedaan in abaaro wadanka meel walba laga soo cabaadaayo ilahayna naxariistiisa inaga xidho taasina waxaa sabab marag ma doona u ah xumaanta soo shaac baxday ee aynu iska daawanayno.




markale waxaa uu ilahay kitaabkiisa haybada baan inoogu sheegay hadii dadyawga magaalooyinka ku nooli haday ilahay rumayn lahaayeen oo ka cabsan lahaayeen waxaan u fari barkada samada iyo tan dhulka.




bushaarada intaasi leeg ee ilahay inoogu bushaareeyayna waxaan ku helaynaa markaan ilahay ka baqano ee aan xumaanta iska nahino iskagana digno.




Nabigeenii suubanaa naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee waxaa uu inoo sheegay in hadaan xumaan aragno aan gacanta ku suulino ama wax kaga qabano hadaan kari waynana carabka wax kaga qabanaa inagoo sheegayna xumaanta isla markaana dadka uga digayna hadaan taasi kari waynana albiga ayaan ka nacaynaa oo waxaad muujinaysaa inaanad raali ka ahayn.




Guud ahaan cida hawlahan inooga masuulka ahi waa dawlaa oo iyadu iska leh inay gacanta wax kaga qabato oo xoog iyo awood u adeegsato shacbigana waxaa la inooga baahan yahay kaliya inaan sheegno oo cadayno in xumaani jirto tahayna in waxa laga qabto.




sidaa awgeed waxaan leenahay waar xumaanta ayeynaan daawane aan wax ka qabano oo u sheegno ciday khusayso oo dawlada ah hadii kale waxay noqonaysaa inaan raali ka  nahay waayo inaad shayga ka aamustaa waxay keentaa ama sheegtaa inaan raali ka nahay sidaa awgeed waxaan ku soo gaba gabaynaynaa oon leenahay DHAQAN XUMADU WAA HOOYADA BURBURKA.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

Haddii wasiirkii arrimaha dibadda ee loo hanwaynaa Dilaal noqday maxaa la yeelayaa ?


Sidii uu u soo galay Shaqada wasiirnimada waxa uu Maxamed Bixi aad ugu dadaalay sidii uu lacag u urursanlahaa oo uu isu sharaxo madaxweynaha Somaliland (SL) ee soo socda hal sano ka bacdi. Anshaxumada lacagdoonka degdega ah ayey waxay ku kaliftay inuu farageliyo wasaarado aan tiisa Ahayn. Waxa ka mid ah wasaradahan ama hayadaha madaxabanaan, dekeda Berbera. Intaanu laba wiig joogin shaqadiisa ayuu si cadaan ugu badheeday Mareeyaha dekeda Mudane Cali Xoxor oo uu laba dibleeyey sida uu u fahmsiin lahaa qadiyada Bollore oo ah shirkad fransiis ah. Arinka dekeda Berbera waxa kala shaqaynaayey shirkad loyera (Lawyers) ah oo u dhashay dalka ingriiska. Shirkadaa   oo u horkacayo nin la yidhaado (Jason Daniel McCue) oo dliaalista afrika ku cano maalay Maxamed Bixina ay wax wada dilaalayeen mudo ka badan 20 sano. Arrimahan wasiirka khaarjiga iyo saxiibkiisa ingriiska ah   waxay ka shaqanyaeen mudo 2 sanadood oo ay abuurkeeda iyo maal gelinteeda ka shaqaynayeen. Shaqadan wasiirnimadana way ka wada tashadeen sidey ugu hirgelilahayd hawshoodu dekedu. Ninkan ingriis waa nin ku shaqo leh arrimaha nabadgelyda oo aan wax aqoon aan u lahayn dekedu iyo arrimaha bada la xidhiidta. Marka aad geleyso deked maamulid had iyo jeer waxa la qaata niman aqoon badan u leh dekedaha caalamiga ah, laakinMaxamed wuxu door biday saxibkiisa uu wax la cuni karo. Ninkan wuxuu leeyahay shirkad la yidhaahdo (Moda Alliance Group) oo ka hawl gasha arimaha nabadgelyada. Shriikadihii hore dawlda kala xajoonayey arimaha dekeda dawladu waxay adeegsanjirtay niman khubara ah oo ku xeel dheer arimaha dekedaha laakin wasiirku cidna kamuu




 Xadhig xidhan ee saaxbkii (Jason McCue) ayuu ula gurguurtay. Waxa marka wasiirka iyo saxiibkii sameeyeen shirkad gooniya oo loo xil saaray inay la xaajooto Bolore oo ay u bixiyeen (Berbera Development Company, BDC). Shirkadan oo ay wasiirka iyo ninka saaxibkii kula shurkeen niman kale oo kala ah ingriis, jabuutiyaan, iyo kaneedian u dhashay Somaliland. Nimankaa oo lakala yidhaahdo (John Richrad Moore) oo ah ingriis, Ibrahim Ali Yusuf iyo Ahmed Mohamed Abokor. Ninka la yidhaahdo Ahmed Mohamed Abokor wuxuu ku noolyahay magaalda jabuuti waxaanu la shariig yahay Madaxweynaha Jabuuti. Wasiirku wuxu aad ugu dadaalay inuu xantiisa foogeeyo oo uu la shurko dad ajaanib iyo shisheeya ah si aan sheekadiisu usoo bixin. Maxamed bixii siduu u radd gato wuxuu ku gacan laabtay wasiirka ganacsiga (Maxamed Cabdillaahi Omar) iyo maareeyaha dekeda Cali Xorxor isga oo aan u sheegin sharikdahan isaga u qarsoon oo uu daboolka ka saaray. Waxan aan halka ku soo qoray ma aha wax aan anigu alifay ee waa warar lagu soo qoray wargeyska afka dheer ee loo yaqaano (the Indian Ocean News letter) oo lagu faaleeyo arimaha qor kasoo bax Afrika. Waa jariidadan loogu talo galay inay akhristaan dadka raba inay wax ka ogaadaan dalalka ku yaala cadceed soo baxa Afrika. Waxan idiin ku soo leefaqayaa jaridatan sidaad u ogaataan waxa uu wasiirkeeno ku mashqullka yahay. Markii uu Wasiir kaharajigu manjo habaabiyey Cali Xorxor iyo wasiirka ganacsiga ayuu sharkadiisa uu dhiibay siday ula xaajoodaan shirkada dekedha Bollore. Waxan Kharajiga aad ugu waanin lahaa inuu talada wax ka siiyo maareeyha dekeda madaama isaga iyo shirkadiisu (BDC) aanay waxba ka aqoon dekedaha. Cali Xorxor 20 sanadood ayuu deked tagnaa adiga iyo saaxibadaa riyo kamaad daawan deked. Waxad u nasiib daro ah ninkii aynu is lahayn manta ictiraaf ayuu somalilnad u raadinayaa wuxuu u xuslinayaa musunaasaq iyo qaraabo kiil,




Isku soo wada duuboo wuxuu ku riyoonayaa waxa aan u suuro galayn oo ah inuu dekedii berbera hoos geeyo jabuuti 




 




C/salaam dharaar cilmi




Tel 906506  \063 442860




 

Taageero ku socota Caaqilka Aadan-madoobe


Baaq Taageero Ku Socota Caaqilka Beesha Aadan Madoobe Ee Maxamed Abokor Khadar Xasan X.Nuur Ku Biiritaanka Beesha Ee Xisbiga Wadani.




Xisbigii hore ee Kulmiye ee beeshu u codaysey sanadkii 2010,waxay beeshu leedahay nabadgelyo




Anigoo ku hadlaya Magaca Aqoonyahanku Beesha Aadan Madoobe ee ,Maxamed Abokor, Habar Jeclo ee Qaarada Yurub,North America,Dunida Muslimka, Iyo Oceania waxaanu taageersanahay Ku biiritaanka Beesha Ee  Xisbiga wadani waxaanuna Caaqilka beesha Adan Madoobe Caaqil Khadar Xasan X.Nuur ku raacsanahay oo ku barbar taaganahay ku biiritaanka Beesha Aadan Madoobe ee Xisbiga Wadani.




Beeshu markii ay akhriday ee ka baaraan degtay dastuurka Xisbiga Wadani,markii ay beeshu yaqiinsatay in xisbiga wadani yahay xisbiga keliya ee ku shaqaynaya rabitaanka shacabiga reer somaliland ayey beeshu mustaqbalkeeda siyaasadeed ku aamintay Xisbiga Wadani.




Madaxweyne Siilaanyo Oo Shakhsi ka ah beesha Adan Madoobe waxaanu leenahay waa in aad adeecdaa oo raacdaa rabitaanka Beesha isla markaana aad ixtiraamtaa go,aanka  Caaqilka Beesha Adan Madoobe iyo ku biiritaanka Beesha ee Xisbiga Wadani.




Xisbigii hore ee Kulmiye ee beeshu u codaysey sanadkii 2010,waxay beeshu leedahay nabadgelyo sheegsheegeena hadhsan sidaasina aan isku nabadgelyeyno.bye bye Kulmiye.




     Aqoonyahan.




Yusuf Abdilahi Janale.

Maxamed Salebaan Weyne: waa ayaan daro in Kulmiye Sharciga ku tunto”


Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Wershadaha Somaliland Maxamed Saleban Weyne ayaa mar kale laba maalmood guddahood dhaliilay hanaanka Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye u qabsaday shirweynuhiisa.




Maxamed Saleebaan weyne ayaa wasiir ka ahaa xukuumaddihii Daahir Rayaale in muddo ah.




War qoraal ah oo uu soo saaray Maanta ayuu ku qeexay sababaha uu ku dhaliilayo shirka Kulmiye.




“Somaliland waxay gobonimadeedii ka luntay 1960kula soo noqotay halgan hubaysan oo qadhaadh oo naf iyo maalba loo huray. Markii lahantay gobanimada ee lagu dhaqaaqay himiladii umadda iyo dhismaha qaran taaba gala oo saldhig looga dhigay AXDI QARAMEED beelaysan loogu talagalay mudo kooban.




Wuxuu axdi qarameedku ku mudeysnaa in looga gudbo habdhaqan Dawlednimo oo casri ah oo dimuqaraadiya oo leh dastuur iyo sharuuc ku saleysan Diinta Islamka dhaqanka umadda iyo sharciyada Aduunweynaha, looguna tartamo habka Xisbiyada badan iyo hanaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa u hanaqaaday hanaankii Dawlednimo ee ku salaysnaa himilada umada intii aan xusbiga Kulmiye talada la wareegin.




 Waxa nasiibdaro ah in xisbiga Kulmiye bilaabay ku tumashada shuruucdii iyo dastuurkii dalka dibna u bilaabay habdhaqan Dawlednimo oo beelaysan kana fog dimuquraadiyada iyo hanaankii xusbiyada badan iyo dooroshooyinka xorta ah.




 Waxa nadin iyo anfariir lahaa masuuliyiintii ka hadleysay shirweynihii xusbiga kulmiye ee kadhawaajinayey hab dhaqan dimuqaraadinimo  iyo hanaanka dawlednimo iyagoo og inay sibadheedha ugu tunteen meeshana keeneen:-




1. Habdhaqanka xulista ergooyinka shirka oo beelaysan.




2. In aanay jirin cidla dooranayo iyo cid waxa doorankartaaba.




3. In hogaanka xisbiga Kulmiye u afduubnaado koox.




4. In cidii hungureysa hogaanka xibiga loo aqoonsade fidma wade Dimuquraadiyad diida.




IN ERGOOYINKA HABEELEEDKA LAGU SOO XULEY SI JOOGTO AH SACAB IYO MASHXARAD UGU TAAGEERAAN HANAANKA DEMOCRACY KUMIYE STYLE.       




Mohamed Suleiman (WEYNE)




Wasiirkii hore ee Warshadaha.

Baarlamanka Soomaaliya oo Su’aalo waydiiyey Masuuliyiinta Hay’adaha amaanka


barlamanka somaliaMuqdisho(GNA)-Xildhibaannada baarlamanka Somalia ayaa Maanta mar kale su’aalo waydiiyay wasiirada amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre.




Baarlamanka ayaa Maalmahanba kulamo su’aalo lagu waydiinayo labadan masuul soo waday.




Wali Konton su’aallood ayaa u harsan inay Mudaneyaashu waydiiyaan labaan masuul sida uu sheegay shir-guddoonka Baarlamanku.




Kulankii shalay oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Maxamed C/lla Cawad ayaa wasiirradan lagu weydiiyay su’aalo la xiriira ammaanka dalka iyo maamul u sameynta gobollada dalka.




Su’aal la xiriirtay odayaashii dhawaan lagu laayay duleedka degmada Buur-hakaba oo la weydiiyay wasiirka amniga Qaranka ayuu sheegay in guddi sare loo saaray baaritaanka dhacdadaas, natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxay baaritaankana ay sheegayaan in arrintan ay ahayd arrin wejiyo badan oo dhinac ka mid ah lagu sheegay inay Al-shabaab ku lug lahayd dhinac kalena ay lugta la gashay arrimo kale.




Taliyaha laanta socdaalka, Jen. Gaafoow oo isna la weydiiyay su’aal la xiriirtay sababta uu isu hor taagay dhaqan-gelinta go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu mamnuucay qaadashada warqadaha aqoonsiga ayuu sheegay in arintaas laga been abuurtay uusana ka hor imaan go’aanka baarlamanka, isagoo sheegay in howshaas ay tahay sidii uu baarlamaanku u joojiyay, laakiin waxaa jirtay ayuu yiri in dadkii horay lacagaha u dhiibtay ay warqadahii siiyeen, balse aysan jirin cid kale oo ay u direen xaruntaas.




Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax oo isna la weydiiyay su’aalo la xiriiray abaaraha ka jira gobollada dalka qaarkood iyo dhaqangelinta sharcigii maamul u sameynta gobollada dalka ee baarlamaanku uu horay u meel mariyay.




Wasiirka ayaa beeniyey inuu siyaabo qaldan u dhisay Maamuladda degaanno iyo degmooyin Gobollada dalka ah isagoo soo qaatay qodobo kua aadan hanaanka uu u maray Maamuladdaasi dhismahooda oo waafaqsan dastuurka dalka.




Dhanka kale Wasiirka oo la weydiiyay inay jiraan Musuqmaasuq lagu sameeyay Gargaar dowladdu ay qorsheysay degaanada Al-Shabaab lagala wareegay gacan ku heyntooda ayaa sheegay in taasi uu si aad ah uga taxadartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna u saartay guddiyo dabagal ku sameeya si dadku ay qaab cadaalad ku dhisan uga faa’ideystaan.




Xildhibaanada baarlamanka ayaa sheegay ineysan ku qanacsaneyn jawaabaha wasiiradu ka bixiyeen inta badan su’aalihii la weydiiyey, iyagoo labada wasiir ku eedeeyey iney ka been sheegayaan xaqiiqada ku saabsan waxyaabaha la weydiiyey.

Shirweynaha Kulmiye oo xidhmay iyo 116 Xubnood oo lagu Kordhiyay Golaha Dhexe


Shirweynaha kulmiye1




Hargeysa(GNA)-Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga kulmiye ayaa la soo gabagabeeyay maanta.




Hogaanka Xisbiga oo aan lala tartamin ayaa lagu ansixiyay Shirka maanta.




Sidoo kale todoba xubnood oo lagu Kordhiyay Guddida fulinta ayaa shirka lagu ansixiyey.




Sidoo kale waxa lagu ansixiyay 116 Xubnood oo lagu daray Golaha Dhexe ee Xisbiga.




10 ka mid ah Xubnaha Golaha Dhexe lagu kordhiyay waxa codsaday Madaxweyne Siilaanyo.




Lix kalena waxa watay Madaxweyne ku-xigeenka .




1162 ergay oo lagu soo xulay nidaam beeleed ayaa ka qayb-galay shirka.




Shirguddoon lagu doortay furitaankii shalay ee Shirka, ayaa maanta manjaraha u hayay Shirka.




Asxaabta mucaaridka iyo Indheer garadka Bulshada ayaa shirkan xisbul xaakimka ku tilmaamay mid Shuruucda dalka baalmarsan habka loo xulay ergooyinka iyo qaabka lagu doortay hogaanka.




Khaladdaad badan oo farsamo iyo kuwo Loolan jidh-diid ku lamaanyahay ayaa laga dareemayay madasha shirka labadii maalmood ee la kulmay.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com  

Shirwaynaha Kulmiye waxa uu la mid yahay shirarkii beelaysnaa ee 1991 dalka ka dhacay (Eng Calanle Farah Ismail)


10151795_712789418762756_6159390372420506439_nShirwaynahi xisbiga kulmiye ee wadanka shalay ka dhacay waxa u aha mid wadanka ku so caliyay marxaladi la marayay wakhtigi aynu la so noqonay gooni isu taga ee 1991 marxlad beleysan islamarkana reeraysan marka laga hadlayo xisbi sharci ah oo wadan waxa markiba maskaxdada ku so dhacaysa in eryaga xisbi yahay mid qabylada iyo reernimada lagaga so horjedo islamarkana bulshada u horseedi kara is dhexgal iyo isku so dhawan umada shacabka reer Somaliland lakin tani waxay ahayd mid inagu cusub kaga si daran waxa taas dherayd marki reerkasta wax uu u fadhisan dona gaarkis wali wax inagu cusub weye wa wax horusocdki iyo himaldi wadanka dib u celiyay wa wax laga xishodo in lagu tilmaamo xisbi xakim wadan dhan hogaminaya . Dhanka ergooyinka ka socday xisbiga kana so qayb galay waxa lagu qiyasay inay ahayen 801 ergo sida hadalka lo dhigay oo ka kala socda gobolkasta balse la oran karo waxay salka ku hayan qabil tusale koban an idinka siyo dunidan an manta jogo waxa ugu dad badan wadanka chine waxana ku nool qowmiyado kala gadisan kala diimo ah kala dhaqan duwan dadkisana waxa lagu qiyasa 1.357 billion waxana wadanka gacanta ku haya xisbiga shuuuciga lo yaqano , xubnaha xisbiga u diwan gashan waxa lagu qiyasa 80milyan .ergooyinka ka so qayb gala xisbiga ee u diwan gashni ee wadanka oo dhan laga so xulo waxa weye 2,270 waxad is waydin karta shinaha oo ah wadanka dunida ugu dadka badan islamarkasna Intas oo 2.270 qof yahin ergooyinka, manta inaga oo ah wadan yar oo curdin ah islamrkana misaniyadisa sanadki anay ka badneen 152 Million waxaynu aragna faraqa u dhexeya wadanka chine dhaqale ahan waxa u haysta ama sanadki ku xisabtama lacag dhan9.182 trilion tusale koban markan ka baxiyo wadanka chine oo ah wadamada aduunka ugu so wax so sarka badan aynu ku samenay isbarbar dhig dhanka xisbiga shuciga ah ee wadanka haysta iyo xisbiga kulmiye oo la oran karo 3 laba melod waxa badan xisbiga shuciga ,,, Tusale kale wadanka labad ee adunka ugu dadka badani waxa weye wadanka India oo ay ku nool yahin dad lagu qiyasay 1.237 bilyan xisbiga wadanka haysta wa xisbiga congreska islamarkana xubnahisu waxa weye 15 malyuun ergooyinka shirwaynahu waa 3,000 oo xubnood Hadaba runti manta wadanku waxan oran kara waxa gacanta ku haya dad an dan gara leh islamark la oran karo wa calooshoda u shaqeystayal wayo waxad ka garan karta lacagta inta leeg ee lagu luminayo shirwayne xisbi iyo ergooyinka intaas tiradoodu legtahay markan ka hadalo 801 ergo ama xubnood ka so qaad hargysa oo ah casimada wadanka somaliland inay saamiga ay ka heshay tahay 40% inta kale waxa lo qaybinaya 5 goboll ee Somaliland gobolkina waxa ku so hagagaya qiyaas ahan wax ka yar 10% . hadaba waxa nasiib daro ah wadanki iyo umadi iyo xisbiga lagu hanka wayne ee umadu codkoda siyen ee kulmiye islamarkana hadafka lagu dortay aha inay wax ka badal dhankasta ah ay jawabti umada uga dhigen inay ku so celiyan wakhtigi laga so gudbay iyo marxalad laga so gudbay an manta wadanku u bahan yahay umad yahay wadanku kharyad fican waa leyahay hadi la hayo dawlad nadiif ah islmarkana danta umada iyo bahida umada shacab wayanaha garata ………………………




. La soco qaybta danbe




Qalinkii: Eng Calanle Farah Ismail




Kuala Lumpur Malaysia

Madaxweyne Siilaanyo oo u Hanjabay Soomaaliya ”dhegeyso


M.weyne  Siilaanyo: “Soomaaliya haday nagu soo xad-gudubto waanu  iska difaacaynaa..."




halkan hoos ka dhegeyso madaxweyne Siilaanyo oo Khudbadii shirweynaha Xisbigiisa ugu hanjabay Somalia iyo Puntland, kagana hadlay arrimo kale oo gudaha dalka ah:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/CODKA-MADAXWEYNAHA-EE-SHIR-WEYNAHA-3AAD-EE-KULMIYE.mp3"][/audio]

Xukuumadda Siilaanyo oo Olole la Shir tagtay Degmo Mucaaridku ka damqaday baahiyaha ka jira


Xisbiga WADDANI oo Maxkamad ka dhisaya Degmada Qadiimiga ah ee Cadaadley iyo Xukuumadda oo Shardi ku xidhay dayac tir loo waydiiyay hal Dugsi..Akhri warbixin




 xuss Caddaadley(GNA)-Koox Wasiirro, siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo Taabiciyiinta Xukuumadda ka tirsan, xubno hore xilal uga soo qabtay Xukuumadda iyo Xisbiyahano Gadaal kaga soo biiray Kulmiye, ayaa todobaadkii hore ka qayb-galay, xaflad aad u abaabulan oo lagu qabtay Degmada Cadaadley oo ka mid ah Deegaamadda Qadiimiga ah ee Gobolka Maroodi-jeex “Hargeysa”.




Xafladaasi ayaa ahayd mid ay Xukuumaddu ku hadhaynaysay, dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani muddooyinkan dambe ka waday Degmadaasi, dhaqdhaqaaqaasoo raadad waxtar loogu fidinayo Bulshada deegaanku ay ka mid yihiin.




Xisbiga Maxkamadda Waddani Dhisayo waa istaraatiijiyad siyaasaddeedMaxkamada Cadaadlay




Xubno ka mid ah Madaxda Xisbiga Waddani, ayaa Maxkamad loo dhisayo degmada Caddaadley dhagax dhigay, isla maalinta xukuumaddu weftiga culus ku tagtay Magaaladan oo inkastoo ay qadiimi tahay hadana, ka aradan xiligan qaybo badan oo ka mid ah Adeegyada aasaasiga ah.




Xoghayaha Xanaanada Xoolaha WADDANI Md. Xasan Axmed Muuse (Xasan-Goodaad) oo Warbaahinta la hadlay markii uu qalabka mashruuca wareejinayay ayaa sheegay in qorshahani qeyb ka yahay istiraajiyad ay Xisbi ahaan kaga qeyb qaadanayo wax-ka-qabashada adeegyada aasaasiga  ah ee bulsho-weynta Somaliland, waxana uu Xukuumada ugu baaqay inay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh dadka wax  ugu qabtaan, kana daayaan balan-qaadada beenta ah iyo Dhagxaanta meelaha la dhig-dhigaayo maadaama aan la fulinayn wixii ay bulshada ugu balan-qaadeen.




“Gudoomiyaha Xisbiga WADANI, ayaa balan-qaaday inuu dhamaystiro Maxkamada oo ay qaybtii hore bulshadu dhisatay, Sidaa darted Safar deg-deg ah oo uu ku baxay aawadii ayuu iigu sii Wakiishay in aan bulshada gaadhsiiyo wax-qabadkii aanu ugu balan-qaadnay, sidaa ayaanu ku keenay alaabtii, Shaqadiina aanu ku bilownay, haatana ay ku socotaa”.  Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADANI, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray, “..Xukuumad  ma nihin ee   waxaanu nahay Xisbi Mucaarid ah, dhaqaalihii dalkana Xukuumadaa haysa, Anagu taageerayaasha Xisbiga iyo Masuuliyiinta Xisbigu waxay iska ururiyaan ayaanu bulshada wixii aanu kari karno ugu qabanaa,  wixii aanu balan-qaadnana sidiisa ayaanu u fulinaa ”.




Ololaha Xukuumadda




xukuumadBilowga Mashruucaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay ee xisbi Mucaarid ahi isagoon hogaaminta waddanka gacanta ku dhigin, waxa dhagax dhigay, isla markaana guddi farsamo ku wareejiyay xoghayaha Xanaannada xoolaha iyo xubno kale oo xisbiga WADDANI ka tirsan, ka dib markii Guddoomiyaha xisbigaasi u balan qaaday bulshada deegaanka mar uu booqasho ku tegay.




 




Xukuumadda ayaa sas siyaasaddeed ka qaaday ujeeddada Cabdiraxmaan Cirro deegaankan mashruuca uga fulinayo, taasoo ku keliftay inay ka daba tagto, isla markaana abaabul ay hormuud u yihiin xubno xukuumadda ku jira oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha guduhu  ka samayso halkaasi.




Wasiirka ugu awoodda badan xukuumadda Siilaanyo ee Madaxtooyadda horboodayay weftiga, waxaana xafladda ka dhex muuqday xubno siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire iyo Cawl Cilmi Cabdalle, maayirkii hore ee Hargeysa.




Weftiga oo baahiyo wax ka qabasho looga dalbaday Shuruud lama filaan ah ku xidhay




Magaalada Cadaaddley waxa ka dhisan Dugsiga Culuumta Sayniska lagu baran jiray oo qadiimi ah, kaasoo aan dayactir iyo dib uga shaqaysiin toona lagu samayn sidii dalka loo soo galay, waxaanay dadka deegaanku weftiga xukuumadda waydiisteen inay dawladdu dib u dhisto, si uu bulshada degmada iyo Somaliland oo dhan u anfaco.




Xubno u hadlay weftiga ayaa dalabka loo waydiistay wax ka qabashada baylahda Dugsigan kaga jawaabay shuruud, waxaanay caddeeyay inay xukuumaddu ka qayb qaadanayso dayactirkiisa, balse ay dadka deegaanku bilaabaan qorshe dhaqaalaha dib u dhiska ay dalbadeen loogu samaynayo .




Taasi waxa lagu fasilay hadal aan meesha qaban, waayo?,dadka tacliiqa ka bixiya arrimaha siyaasaddu, waxay filayeen in markaba ay Masuuliyiinta meesha maraysaa jawaab balanqaad ugu fogyahay ay bixiyaan codsigan iyo kuwo kale oo baahiyaha degmada ku saabsan oo halkaasi cod dheer lagaga sheegay.




Adeegyo kale oo looga baahi sheegtay




“Magaaladda Caddaadley waxa ku yaala Todobada Dugsi oo hoose dhexe iyo hal dugsi oo sare, dugsiyadaas macalimiinta ka hawl-galaa waxay u badanyihiin kuwo bilaa mushahar ku shaqeeya”.sidaasi waxa Madasha siyaasaddeysan ee Weftiga Xukuumadda loo sameeyay ka sheegay sarkaal u hadlay baahiyaha dhanka waxbarashada.




Waxaanu intaasi ku daray “Macalimiinta mushaharka qaata,  dugsiga ugu badan ayaa waxa ka shaqeeya saddex Macalin, inta kalena waxay ku shaqeeyaan Tabaruc, tuullooyinka kale ee hoos yimaadana hadalkooda daa”.




Xafladan Siyaasaddeed waxa hadallo ka jeediyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal aad u xirfadaysan oo dadkii dhegeysanayay si wacan u fahmeen ka sheegay, waxaanu dadka deegaanka ku booriyay inay u dhaqaaqaan dhanka wax qabsiga iyo horumar ku dhisan iskaa wax u qabso.




“hadii Maanta aynu nidhaahno Dugsigii Ingiriisku noo dhisayaa naga dunsan oo aanu in dib naluugu dhiso u baahanahay, halkii aad odhan lahaydeen Dugsigii waanu dhisnaye Jaamacad hanaloo dhiso, oo iyagu maxay qabsaddeen ayaa lays waydiinayaa”ayuu yidhi Xirsi.




Xubno kale oo ka hadlay Xaflada oo dawladda iyo Taageerayaasheeda ka socda ayaa iyaguna ka mahad naqay soo dhaweynta loo sameeyay .




Weftiga ayaa Degmada ka soo ambo baxay iyagoo aan wax raad ah ku samaynin, balanqaad guud iyo waji tus mooyaane, taasoo aan waddiiqada ka duwan aragtidii siyaasaddeed Bulshada oo marka horeba u janjeedhay dhinaca Xisbiyada Mucaaridka oo ugu tar sheegan kara Mashruucan ay ka wadaan.




“wax Alaalle waxay dhagax dhigeen iyo waxay qabteen toona ma jirto way tageen meesha waanay ka soo noqdeen”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Khadar oo ka mid ah Dadka Deegaanka.




Go’doomin siyaasaddeed




Siyaasi ka soo jeedda deegaankan ayaa sheegay in siyaasad ahaan Xukuumadda Siilaanyo deegaankan uga go’doomisay wax u qabashada Bulshada Degmada Cadaadley, taasoo lagu sababaynayo inaanay cod badan ka helin Doorashadii lagu doortay oo Xisbigii UDUB kaga awood badnaa.




Sidaa darteed waxa safarkan Mucaarid ku baraarugga ah sabab u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Siilaanyo Cali Maxamed Waran cadde oo deegaankan ka soo jeedda, kaasoo inta badan Taageerayaashiisa ku hogaamiya inay taageeraan hadba xukuumadda uu la shaqaynayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Daawo: Warka BulshoTV 28.4.2014

https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=_Nq2Bl0DG38

Walaaca Xukuumadda Soomaaliya iyo Cabsida Dadka haysta Sharciga Kenya


Raysal-wasaaraha Somalia “Dowladda Kenya waxaannu ka sugaynaa  jawaab rasmi ah oo ku aaddan xariggii loo gaystay Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya”Maanta




ReysalMuqdisho, Isniin, April 28, 2014 –(GNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur, oo Muqdisho soo gaaray Axaddii 27-kii April kaddib markii loogu yeedhay inuu Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Kenya.




Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay usbuucyadan ugu dambeeyey dhibaatooyin xooggan, kadib markii xukuumadda Kenya ay bilowday hawlgalo ka dhan ah Soomaalida oo dad fara badan oo qaxoonti ah waxyeelo loogu geystay.




Talaabadaasi ayaa sababtay jawi xiisad diblomaasiyaddeed ah oo labada dal soo kala dhex galay.




Hawl-galkaasi ayaa gaadhay heer  ay ciidamada Kenya xiraan Qunsulka Siyaasadda ee jooga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo dowladda Soomaaliyeed ay u aragto mid xadgudub ku ah heshiiska diblumaasiga.




Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si joogto ah uga wada hadlayay xaaladda dadka Soomaalida ah ee ku nool Kenya, waxaana ay dowladda Soomaaliya u dirtay hay’adaha xukuumadda Kenya ee ku shaqada leh hawlgalkan socda codsi ah in ay ixtiraamaan xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ku sugan Kenya.




Kulanka dhex maray Reysal-wasaare Cabdiwali iyo Dan jire Cali Ameeriko




Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa daba socday kulan aan caadi ahayn oo ay Sabtidii isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada oo lagu falanqeeyey xaaladda ka taagan Kenya ee Soomaalida lagu hayo.




Kulanka ka dib Reysal-wasaaraha ayaa fariin u diray dawladda Kenya, isagoo dib u xusuusiyay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada.




“Xukuumadda Soomaaliya waxay sii waddaa in ay qeexdo walaaca xooggan ee ay ka qabto qab-qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaas oo addeecsan sharciyada u yaala dalkaas. Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya intooda badan waa kuwo jecel nabad ku wada noolaanshaha, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobcinta dhaqaalaha Kenya.




 




“Dowladda Soomaaliya waxay si joogta ah xiriir ula samaysay dowladda Kenya si wax looga qabto qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaaliyeed, waxayna rajaynaysaa in dowladda Kenya ay dadaal kasta ku bixiso ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan”ayuu yiri.




Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ka sugaysaa dowladda Kenya jawaab rasmi ah oo ku aaddan xariggii loo gaystay Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Mudane Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo ah xadgudub ka dhan ah ximaayadda diblomaasiyeed.




“Labadeenna dawladood waxay ka midaysan yihiin walaaca dhanka nabad galyada, lakiin qab-qabashada lagu hayo Soomaalida aan waxba galabsan waxay abuuraysaa jawi ku dheehan cabsi iyo is aaminid la’aan oo horseedi doona kala qaybsanaan soo kala dhex gasha bulshooyinkeenna.




Cabdiwali Maxamed Sheikh Axmed, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Kenya iyo Soomaaliya Mabaadii’ida amaanka ka midaysanyihiin.




“Waxaa mar kasta ka dhexeeyay labada waddan xiriir xooggan, waxaana garwaaqsaneeynaa oon ku faraxsannahay taageerada joogtada ah ee dawladda Kenya ay siiso Soomaaliya. Labada dawladood waa in ay ka sii wada shaqeeyaan dadaalka aan ugu jirno inaan dalalkeenna ka nabad-galinno khatarta argagixisada.”ayuu yiri.




Dhacdo fool




Dhawaaqa ka soo baxay Reysal-wasaaraha ayaa ku soo aaday xili ay maalmihii la soo dhaafay Bilayska Kenya waxyeelo u geysteen Gabadh Uur leh oo soomaaliyeed,taasoo iyadoo ka cararaysa  ka soo dhacday dabaqa saddexaad ee guri fooq ah oo ku yaalla magaaladda Nairobi.




Dhacdadan ayaa argagax badan abuurtay.




Gabadhan oo lagu magacaabo Nadiifo Cabdi ayaa doonaysay inay meel Koone ah kaga dhuumato ciidankii raafayey balse si lama filaan ah ayey uga duushay fooqii, waxaana soo gaadhay dhaawac.




"Dabaqa saddexaad ayaa saarneyn, waxaa albaabka noosoo garaacay askarta, xilli saq dhexe ah oo aan hurudnay, albaabka ayaa eegnay waxaa arkay inay ciidammo yihiin, gabadh ila jiiftay ayaa kasoo kiciyay, albaabka fur ayaa idhi, anigana daaqada ayaa istaagay oo aan isku qarinayay, markaas kaddib daaqadii ayaa ila dhacday," ayay tidhi Nadiifo oo ka hadlaysay siday wax u dhaceen.




Xabiibo Xasan Cumar oo habaryar u ah Nadiifo ayaa ku tilmaamtay arrin murugo iyo naxdin leh, waxayna iyadoo ooyaysa sheegtay in dhibaato ay tahay in qof xaamilo ah ay habeen saq dhexe kasoo dhacdo dabaq saddexaad.




Dhaqtarka la tacaalaya xaaladda caafimaad ee Nadiifo ayaa sheegay in dhabarka ay jug kasoo gaadhay, isla markaana ilmaha uurka ku jiro aanay waxba gaadhin, ayna fiican yihiin markii ay baadhitaan ku sameeyeen.




"Markii baadhitaan lagu sameeyay laf-dhabarta ayaa jug ka gaadhay, daawooyin xanuun baabi'iye ah ayaa siinay sawirna waa la saaray, uur afar bilood ah ayay leedahay; ilmaha waxba ma gaadhin," ayuu yidhi dhakhtarka dadweynaha Nadiifo.




Cabsi sii kordhaysa




Wali cabsida Soomaalida Kenya ku nool ayaa sii kordhaysa, gaar ahaan kuwa sharciga haysa.




Bilayska iyo dadka Sawaaxiliga ah ayaa wali sii wada bartilmaameedsiga dadka Soomaalida ah, iyagoo aan inta badan u kala aabbo yeelayn ka sharciga haysta iyo ka kale.