Hoos ka dhegeyso Wasiir Xirsi oo dhaleeceeyay dhaliilaha looga soo jeediyo Waddooyinka iyo Masuuliyiin kale oo ka hadlay waddada Hargeysa ilaa Berbera..
Lafo-ruug(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ay weheliyaan maareeyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Saraakiil La-taliye uga EU-da arrimaha Wadooyinka, ayaa maanta kormeer ku soo maray dhismaha Laamiga isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo maraya dacalka barri ee degmada Lafo-ruug.
Dib u dhiska Laamigan lagu samaynayo, ayaa laga bilaabay Tuulada Haleeya ee Duleedka Hargeysa iyadoo ilaa deegaanka lafo-ruug dayactir lagu sameeyay.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta kula hadlay halka dhismuhu ka socdo haatan ee duleedka lafo-ruug, ayaa sheegay in dayactir lagu samaynayo waddadan ilaa degmada Sheikh.
Dayac badan ayaa ka muuqda Jidkan laga bilaabo Lafo-ruug ilaa Tuulada Galoolay oo u dhexaysa Magaalada Burco iyo Degmada sheikh, sida uu dhawaan warbixin ku sheegay Wariye ka tirsan Gobanimonews u safar halkaasi ku maray.
Xirsi ayaa intaasi ku daray in hawlaha dib u sameynta waddooyinkii hore u dhisnaa socon doonto ilaa Gobollada kale ee Bariga, waxaanu xusay inay todobaadka dambe dalka soo gaadhi doonaan qalab loogu talo-galay horumarinta waddooyinka dalka oo cusub.
Wasiirka ayaa sheegay in qaadhaanka loo soo uruuriyay dhismaha laamiga Ceerigaabo Shilin laga leexsaday jirin, kuna xafidanyahay Buug-xisaabeed loo sameeyay oo Guddida loo xilsaaray heshiis ku gashay inaan wax lacaga lagala bixin ilaa la soo dhamaystirayo.
“Dhaqaalaha Waddada Ceerigaabo ilaa Guddidu wada saxeexdo, wax laga isticmaalayna ma jiraan, waxaanan soo bandhigi doonaa todobaadka dambe marka qalabku noo yimaado si aanu indhaha dadka wax u tusno”.ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “waxaan jecelahay inaanu xus EU-d lacagbay noo balanqaadeen, hawshan iminka socota waxa qabatay dawladda, laakiinse waxay noo balanqaadeen oo inay soo dhamaato aanu sugaynaa. Laba Milyan ayay markii hore balanqaadeen laba kalena way soo daayeen oo iminka ayay deed-line-ka ku jirtaa”.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xirsimp3.mp3"][/audio]
Xubno ka socda Hay’adda wadooyinka Shirkadda wadada dhisaysa iyo Komishanka Tayo dhawrka Qarank, ayaa iyaguna halkaasi kaga dhawaaqay in mashaariicda horumarinta waddooyinku meel wanaagsan marayaan.
“dhismaha Waddooyinka ka sekow waxa Hay’adda Waddooyinku wadaa oo samaynaysaa sharcigii Hay’adda iyo waddooyinka, kuwaasoo dhawaan Goleyaasha la horkeeni doono”sidaasi waxa sheegay sarkaal RDC u qaabilsan xidhiidhka Caalamiga ah.
Hoos ka dhegeyso Khudbadaha xubno ka kala socda Hay’adda Waddooyinka, Midowga Yurub iyo Hay’adda Tayada Qaranka:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiirka-Macdanta1.mp3"][/audio]