Wednesday, February 12, 2014

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Amray in la baadho cida ka been abuurtay noloshiisa


Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Warar been ah oo maanta laga baahiyay xaaladiisa caafimaad.




Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu Dalka Turkiga ku joogo booqasho aan rasmi aheyn , waxa uuna intaa raaciyay in uu Turkiga la joogo qoskiisa Xaaladiisa caafimaadna ay tahay mid wanaagsan.




 “Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha.




Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacaka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan Dowladooda dhagahana ka fureestaan wararka been abuurka ah ee qal qalka lagu galinayo amaanka Dalka .




Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray Hay'adaha amaanka Qaranka in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad, sida uu sheegay.




Gelinkii hore ee Maanta ayay soo baxeen warar sheegaya inuu Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Geeriyooday iyo in xaaladiisa caafimaad culus tahay.




Arrintan ayaa dareen iyo dood ka abuurtay meelaha laga maqlay, inkasta oo afhayeenka Madaxtooyadu war kooban ku baahiyay Bog uu ku leeyahay Mareeha Bulshadu ku xidhiidho.