Tuesday, February 11, 2014

Wadanka Burundi oo Heshiisyo Dhanka bada ah la galay wadanka Somaaliya


HESIISMuqdisho(GNA)War murtiyeed si wadajir ah ay maanta u soo saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo dhiggiisa dalka Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa lagu faah-faahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kadib booqasho seddex cisho ah qaadatay oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu ku sii sagootiyay gelinkii hore ee maanta Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza.




 




War murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi Ambassador Abshir Hassan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda , nabad gelyada iyo maalgeshiga




Gobanimonews=Desk




Muqdisho_Somalia