Virginia(GNA)-11-02.2014-Maxkamad ku taala Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa 30 sanadood ku xukuntay nin hore uga tirsanaa Bad-mareenadda Maraykanka.
Robert Patrick Hoffman, oo afartan jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu goobo rayidka ka caagan oo Milateri geeyay Kooxo Rusian ah oo Gobolkaasi yimi.
Xeer-ilaaliyaha Kiiska ku oogayay, ayaa ninkan ku eedeeyay inuu khatar muuqata geliyay dalka maraykanka, isla markaana ku uu meelo sir ah oo aan loo ogolayn shisheeyaha tusay dad aan wadanka u dhalan.
Kiiska afartan jirkan 30 sanadood lagu xukumay waxa si wada jir ah u baadhay Xeer-ilaalinta Maraykanka iyo Waaxda Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da loo yaqaano.