Hargeysa(GNA)-Wasaaradda Biyaha Somaliland ayaa mashaariic biyo soo saar oo kala duwan kala wareegtay Ururo ka shaqeeya horumarinta adeegyada Bulshada oo Caalami ah.
Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Biyaha ee Somaliland Xuseen Axmed Cabdullah, ayaa ka qayb-galay Munaasibad balaadhan oo Xadhiga lagaga jaraayey Ceelal biyood, kuwaasoo laga hirgeliyey deegaanka Arabsiyo iyo meelo kale.
Ceelashan biyaha ee la furay ayaa ku kala yaalay Deegaamadda Caddo-Galiiley ee Degmada Boorama, Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebiley, deegaanka Balliga cas ee Gobolka Maroodijeex, magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, iyo degmada wadaamagoo’ ee Gobolka Saraar.
Wasiirka wasaaradda kheyraadka Biyaha ayaa si rasmi ah Ceelashaasi ugala wareegay Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Islamic Relief oo maal-gelisay shantaasi ceel biyood oo hirgelintooda uu fuliyey Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland Drilling oo ka hawl-gala horumarinta kheyraadka Biyaha .
Mas’uuliyiinta kala ah gudoomiyaha gobolka Gebiley Yuusuf Ibraahin Geeddi, Maayorka degmada
Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi faarax, isu-duwaha wasaaradda biyaha ee Gobolkaasi iyo Nimco Axmed cabdi oo ku hadlaysay Magaca Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa dhamaantood muujiyey dareenkooda ku aaddan in markii ugu horaysay taariikhda ay degmada arabsiyo hesho Biyo macaan oo nadiif ah.
Masuuliyiinta ayaa uga mahad-celiyeen wasaaradda Kheyraadka Biyaha dadaalkeeda dhinaca balaadhinta biyaha ee ay ka waddo guud ahaan dalka Somaliland.
Mr Caruus Aadan oo ka socday Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland drilling ayaa sheegay inay dadweynaha ku dhaqan Maagaallooyinkaasi ay heli doonaan Biyo Macaan oo joogto ah.
Waa mashaariicdii ugu balaadhnayd ee ay hal mar dawladdu ka guddoonto Hay’adaha Samo-falka ka shaqeeya.