Wednesday, February 12, 2014

Somaliland: Madaxdhaqameedka Bulshada oo ku milmay Muranka Golaha Wakiillada


Isimo labadii maalmood ee ugu dambeeyay Warbaahinta isaga Hal-celiyay oo labada dhan la kala safan




BuurmodwHargeysa(GNA)-Madaxdhaqameedyo ka soo jeedda Gobolka Togdheer, ayaa todobaadkan horaantiisii meel adag iska taagay faro gelin ay sheegeen in xukuumaddu ku hayso wax ka bedelka lagu sameeyay xeer-hoosaadka golaha Wakiillada.




Golaha wakiillada ayaa awood dhimis ku sameeyay labada ku-xigeen Golahaasi, ka dib wax ka bedel lagu sameeyay xeer-hoosaadka Golaha.




Arrintan oo muran ka dhex abuurtay Golaha, isla markaana loolan adag laysku waajahay, ayaa haatan u muuqata mid bulshadu dareen celin ka bixinayso.




Madaxdhaqameedyo ka hadlay Magaalada Berbera labadii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa qolo difaacday go’aanka hore ee Golaha, qayb kalena taageertay mooshinno ka dhan ah wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha oo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ismari waa ka taagnaa.




Hogaan dhaqameedka ka hadlay arrintan waxa ka mida Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buur-madow iyo kuwo kale oo aad looga yaqaano Gobolka.




Geesta kale, waax Maanta Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ka hadlay ayaa arrintan ku dhaleeceeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iyagoo ku tilmaamay keligii taliya doonaya inuu xoog ku maroorsado Guddoonka Golaha.




Laascaanood iyo Gabiley ayaa sidoo kale Guddoomiye Cirro ugu baaqay inuu joojiyo awood sheegashada uu ku muquuniyo labadiisa ku-xigeenka, ilaaliyona saami qaybsiga dawladnimada ee ay labada masuul ku fadhiyaan iyo sharciyada Golaha Wakiillada.




Isimo dhaqameedyo ka soo jeedda Oodweyne iyo Hargeysa, ayaa hore u difaacay awood dhimista labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada , kana digay in Guddoomiye Cirro Kursigiisa la carqaladeeyo.




Dhawaaqyada ka soo yeedhaya hogaanka dhaqanka ee Bulshooyinka Somaliland, ayaa muujinaya inay arintu madaxa la gashay marxalad bulshada xiisad lagaga dhex abuurayo, isla markaana labada dhinac isu adeegsanayaan kooxo  abaabulan dhabarka la soo taabtay.




Dadka ku foogan falanqeynta Siyaasadda, ayaa aragti kala duwan ka qaba arrinta lagu muransanyahay, hase ahaatee waxa muuqata in dadka badankiisu ka soo horjeedo faro –gelinta Xukuumadda lagu eedeynayo inay ku samaysay doodda u dhexaysa Golaha iyo Shir-guddoonka.




Ergo uga soo gurmatay Golaha Guurtida ayaa maalintii shalay ku guntatay khilaafka oo marxalad xaasaasiya gaadhay, isla markaana muddo todobaad ah Golle weynaha Wakiillada ka codsaday in wakhti loo siiyo si ay isu soo dhaweeyaan shir-guddoonka.




Ergadaasi ayaa  kulamo ilaa shalay socday ka dib ku guulaystay inay labada dhinac ee Shir-guddoonka aqbalsiiyaan inay guddiyo arrinta uga xaajooda soo magacowdaan, sida ay warbaahinta gudaha dalku sheegtay.




Bulshada ayaa si weyn ugu dhegtaagaysa xalka laga gaadho yooyootanka oo ka sekow dooddaha sharci ee laysku muquuninayo salka ku haya dano siyaasaddeed oo Xisbiyada ku salaysan.




Waxaana aad loo saadaalinayaa in saddexda xubnood ee Golaha wakiillada laysugu soo dhaweeyo meel dhexe oo laysku waafaqsanyahay , inkasta oo aanay natiijo kasta oo la soo gaadhaa ka maarmayn in Golaha la horkeeno si go’aan sharci looga gaadho.




Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo haatan isugu difaacanaya guushii uu labadiisa ku xigeen awoooda kaga dhimay, ayaa la hadal hayaa in tanaasul badan laga filayo, hase ahaatee  talaabo kasta oo uu qaado waxa ka dambeeya go’aan Golle iyo garabkiisa mucaaridka oo talada la leh.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com