Friday, February 7, 2014

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo oo maanta Tacsi u diray R/wasaarihii hore ee Somalia


Warsaxaafaddeed maanta ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo Tacsi u dirayo geerida Reysal-wasaarihii hore ee Somalia oo todobaadkan horaantiisii ku geeriyooday Cariga Maraykanka.




AHN Marxuum C.risaaq Xaaji Xuseen oo Janaaso qaran loo sameeyay laba maalmood ka hor, ayaa u geeriyooday xanuun dhinac Sanbabka ah.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraalka la soo saaray ku sheegay inuu ahaa siyaasi miisaan culus ku lahaa siyaasadda Somalia ilaa sanadihii lixdamaadkii, markii reysal-wasaaraha ka ahaa Dalka Somalia.




DHamaalka Tacsida ah  ayaa u dhignaa sida “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), oo haatan socdaal ugu maqan dalka Ingiriiska ayaa tacsi u diray  Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo guud ahaanba dadka soomaalida, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii dhawaan ku timid raisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaanu illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dadka somalidana samir iyo iimaan ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)




Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.