Saturday, February 15, 2014

Mucaaridaddii Kululeyd eee shalay iyo Maarxaladda Maanta


Waa Taxane , isbar-bar dhigaya Marxaladda Siyaasiga ah ee Maanta iyo Mucaaridadii shalay ee xisbiga Kulmiye ku hayay Xukuumaddii Daahir Rayaale.




Kulmiye




 



 6/4/2009 Ayey ahayd maalin uu magaalada Hargiesa ka dhacayey xuskii sanad Guuradii 28aad ee shuhaadadii SNM.




Kulmiye2 Taasoo markii uu Xuskii ka dhacay Xarunta xusbiga kulmiye uu gudomiyaha xisbiga  Kulmiye ahna madaxwaynaha waqtigan mudane Axmed Siilaanyo uu ku Khudbadeeyey in Socod lagu maro laamiga isku xidha xarunta kulmiye ilaa gurigii uu markaa degenaa gudoomiyaha kulmiye oo ahaa guriga uu kuleeyahay Magaalada Hargiesa oo qiyaas ahaan u jira xarunta kulmiye ilaa rubuc kiloomitir.




Waxaanay socod ka so bilaabeen xarunta dhexe ee xisbiga kulmiye halkaasi oo ay madaxdii sare ee xusbigu gacmaha isa soo Qabsadeen kadibna ciidankii bilayska ee halkaa joogay  ayaa rasaas ooda kaga Qaaday.




hasa ahaatee dhag looma  dhigin Ciidanka, iyadoo markii uu socodkii ama isku soo bixii Dhamaaday uu warbaahinta la hadlay gudoomiyiihii waqtigaa ee kulmiye oo ah madaxwayne hada mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.




Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si kulul u weeraray Madaxweynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisa, waxaanu wacad ugu maray inaanay xisbi ahaan ka joogsanayn wax kasta oo ay xaq u leeyihiin, xataa hadii ay dhimasho ku mutaysanayaan.




Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyihii Kulmiye , ayaa Daahir Rayaale ku tilmaamay Fowdo wadde iyo ninka bixiyay amarka Ciidanku ku rasaaseeyay.Kulmiye3




 



Axmed Siilaanyo ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan“Shirbaanu iskugu nimid xafiiskayaga nabadgalyo ah umadana waxaanu ugu Baaqnay nabadgalyo, Anaguna waxaanu ku dhaqmaynaa nabadgalyo shacbiga waxaanu utilmaamaynay, waxaa ay maslaxada umadu ku jirto, waxaanu utilmaamaynay inuu maanta xukunkii gacanta ku qabtay Cid aan nasteex u ahayn Cid aan Halgankoodii Qirsanayn maanta halgankii snm uu marinayo inuu nagu Qasbo inaanu xafiisyada hortooda ku qabano oo maalintii khayriyada lagu qaban jiray uu ka joojiyey oo maalinba hudheel iyo meel madow uu la tagayo halkaa banaankaasanu ku qabanoo xafiiskayaga hortiisa ah anagoo waliba ciidamada Nabadgalyada umahad celinayna waad arkayseen oo waad maqlayseen anagoo wax dhibaato ku jirto halkaa ka gaysan inaanu tilmaamno dulmiga dalka ka socda mooyaane waad arkayseen inaanu nidhi aanu ulugayno ilaa gurigaygaa  anigoo usoo lugaynaya xabad iyo rasaasta nagu socotay taasina maanta waxay muujinaysaa ayaan daro ciidamada loo adeegsanayo dulmiga waxaasi waxaanu u qaadnay inuu yahay amar ka yimid madaxwaynaha.




waxaanu leenahay madaxwayne wax ala waxaad la hadhaa ma jirto Cirka soo guji waan lugaynayaa waan baxayaa waan soconayaa imikaba halkaasan soo lugeeyey ciidamadaada amar sii waxaad fulinayso fuli waa dulmi waa boob waa dhac aniga iyo umada iyo shacbigutoona kaa biqimayno.




 waanu lugaynaynaa oo waanu soconaynaa oo mudaharaad joogta ayaanu samaynaynaa oo marwalba usoo baxaynaa oo aanu xaq uleenahay oo dastuuriyan uleenahay oo nabada jabinmayno adiguna siday kula tahay udhaqan oo u wad waxaad ka heshaad leedahay”ayuu yidhi.




Garoo Ninka uu Sidaa ula Hadlayey waxa uu ahaa madaxwaynihii markaa dalka Xukumayey waa Mudane Daahir Riyaale Kaahine..




La soco