Saturday, February 15, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Reer C/qaadir Faarax


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax oo ku geeriyooday 14/02.2014, wadanka Ingiriiska.




Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




 




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




 




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)




    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.