Kalshaale(GNA) Wararka ka imana deegaanka Kalshaale ee Gobolka Buuhoodle ayaa ku waramaya in iska hor-imaad maanta ku dhex maray meel wax yar u jirta Dhul-daaqsimeedka Hagoogane maleeshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda Bulshada Deegaamadaasi wada degen.
Labada Maleeshiyo ayaa soo jeedda Deegaano hore dagaal ugu dhex maray Baraago biyood laga qoday Deegaanka Kalshaale, laba sanadood ka hor.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in gelinkii dambe ee Maanta israsaaseyn culusi dhex martay labada Maleeshiyo, taasoo khasaare nafeed ka dhalatay.
Goob-joogeyaasha ayaa intaasi ku daraya in dadka dagaalku dhex maray ay yihiin Geel-jireyaal aagaasi Geel wada daajinayay, kuwaasoo utun hore u dhex taalay labada dhinac isku dhacooda u sabab tahay.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay xiisada maanta halkaasi ka soo cusboonaatay, balse warar laga helayo ilo madaxbanaan ayaa Gobanimo u xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawacba soo kala gaadhay maleeshiyaadka, khasaarehaasi oo aan xadigiisa la ogayn.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in wali xabaddo teel teel ah laga maqlayo goobta dagaalku ka dhacay Maanta labadii gelinba.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha xiisadan iyo wax talaabo ah oo ay qaadeen laamaha amaanka ee Degmada qorulugud oo ay fadhiisimo ku leeyihiin Ciidamada Somaliland.
Deegaanka kalshaale ayaa colaad ka dhex abuuray deegaamada Qorugulud iyo Sool-joogto,taasoo aan ilaa hada xal waara laga gaadhin.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com