Nairobi(GNA) 11,02, 2014 - Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya ayaa dowladda federaalka ah ku eedaysay inay ka caga jiidayso dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Labada dawladdood ayaa badhtamihii sanadkii hore kala saxeexday heshiis qeexaya in si tartiib tartiiba loo celiyo qaxoontida Somalida ee ku nool Xeryaha Qaxoontiga Kenya.
Heshiiska ayaa dhigayay in guddi farsamo labada dawladdood u saaraan arrintan.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la daahday magcaabista xubnaha uga mid noqonaya guddiga saddex geesoodka ee celinta qaxootiga jooga Kenya
Kenya iyo hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa keenay xubnaha guddiga,sida uu sheegay Joseph Lenku.
Waxaanu intaasi ku daray oo uu tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dhinaca keliya ee ilaa xiligan loo xayiran yahay
“heshiiskii Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR in la oofiyaa waxay awood noo siinaysaa sugida amniga dalkeenna.” Ayuu yidhi Joseph Lenku.
Dawladda Kenya ayaa qayb ka ah waddamada ciidamadoodu ku jiraan hawl-galka AMISOM.
Arrintan ayaa sababtay in weeraro qorsheysan Kooxda Al-shabaab ka fuliso Gudaha waddanka Kenya.