Tuesday, February 11, 2014

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku Qul-qulaya Gudaha Somalia


Muqdisho(GNA)-Ciidamo  ka tirsan meleteriga Itoobiya ee ku biiray howgalka AMISOM ayaa ka gudbay xuduuda labada dal ay ka wadaagaan gobolka Gedo.




ciidamada ayaa ku wajahan goobo mucayim ah oo ay doonayaan inay ka weeraraan Kooxda Al-shabaab.




Wararka laga helayo  gobolka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo aad hubaysan ay xadka ka soo gudbeen, halka qaar ka ka mid ah ciidankaas ay gaareen luuq iyo Garbohaarey.




Howgal ka dhan ah kooxda Al-shabaab ayaa ciidamada Itoobiya ka fulin doonaan gobolka.




 saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la qorshaynayo weeraro ka dhan ah Xarakada Shabaab oo ku wajahan Baardheere iyo buurdhuubo




Al-shabaab ayaa dhowaan ku tilmaanay dhaqdhaaqa ciidanka itoobiya ay ka wadaan dalka kuwa lagu kala jarayo Soomaaliya.




 ururku ayaa sidoo kale  shaaciyeen inay awood kaga hortegi doonaan ku biirista ciidanka Itoobiya iyo AMISOM.