Friday, February 14, 2014

Ganacsatada oo loogu baaqay Dekedda Berbera ka dhoofsan karaan Hilibka Xoolaha iyo Kalluunka

Hoos ka Daawo Maareeyaha Dekedda Berbera oo shaaca ka qaaday in dekedda lagu soo kordhiyay Adeegyada dhoofinta Hillibka Xoolaha oo qalan iyo Kalluunka.
Eng. Cali Xoor-xoor, ayaa sheegay inay Dekeddu fulinayso Adeega dhoofinta cuntooyinkan, balse Ganactsada looga baahanyahay inay soo diyaarsadaan dalalka ay doonayaan inay u iib-geeyaan noocyada Hilibka iyo Kalluunka .
Sidoo kale Maareeyuhu wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo danaynaysa inay Maal-gashi ku samayso Dekedda Berbera.
Dekeddan ayaa ah mid istaraatiijiya oo ay isha ku hayaan Shirkaddo badan iyo dalal doonaya inay casriyeyn ku sameeyaan, kuwaasoo ay dawladdu hore u sheegtay in wadahadalo dhex mareen qaarkood.
Inkasta oo aanu jirin Heshiis wali si rasmiya qalinka loogu duugay, hadana waxa jira Shirkaddo aad loo hadal hayo inay xukuumaddu wada hadalo kula jirto, sida shirkadda Bolare.
Daawo Maareeye Cali Xoor-xoor: